Yaa Soomaali halkaa dhigay? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Bal aan su’aashaa isku  dayo in aan ka jawaabo, intii karaankay ah, maanta Soomali maxasteedii waataa in Yurub bahaladu ku cunayaan, inna magafe ka baayac-mushtaraynaayo,inna baddii ku dhamaatay, cidii halkaa dhigtay Illaahay maalinka qiyaamaha wuu la xisaabtami haddii ay qiyaamaba rumaysan yihiin.

Horta adduunyada dadku way isku faanaan, qawmiyadduhu way isku faanaan, qabaailku way isku faanaan, waa wax bani-aadamka iskaga abuuran. Soomaliduna sidaas ayuun bay iskugu faantaa, koonfur iyo woqooyi way isku faanaan. Inta badan reer woqooyiga ayaa faana oo yasa koonfur, bal labada shacab aynu is barbardhigno.

Koonfur waxa gumaystay Talyaani, waqooyina waxa gumaystay Ingiriis, bal hadda inta aynaan u daadagin labada shacab, aynu is barbar dhigno labada gaal:-

ka shaydaan ahaa ee munaafaqada dhameeyay, waa layska wada garanayaa oo waa Ingiriis, maanta meel wal oo laysku haysto caalaamka Islaamka isagaa abuuray oo ka tagay waa taa xalna loo laayahay.

Haddaba marka aynu labada shacab u soo daadagno, gaal walba wuu sii tababaray shacabkii uu gumaystay dadna wuu ku sii beertay, markaad halkaa eegto waxaad garanaysaa in shacabkii ingiriis ka tagay ay ka khatar sanaanayaan  ku wii kale oon guntooda la gaadhayn. marka caqliga saliimka ahi wuxuu ku  siinayaa in shacabka waqooyigu ka munaafad badan yihiin ka koonfureed, waligoodba ha is ammaanaan e oo ha iska dhigaan in la dulmiyay e.

Seeskii Soomaaliya burburiyayna iyagaa dhigay, waxay doonaan ha ku sheegaan e ama qiiro ama Soomaali jacayl.  haddii ay qiiradu iyo Soomaali jacayl ka dhabtahay sees wanaagsan ayay u dhigi lahaayeen, gaaladu arrintaas oo kale waxay ka yidhaahdaan (crocodile tears) iyaga oo mushkiladii abuuray ayay haddana iska oohinayaan oo ay leeyihii waa nala dulmay.

Sheekh Maxamud Jamiil ayaa had iyo goor sheeko ka sheekeeya in loo fiirsado ah, oday Soomaaliyeed ayaa Maraykan ku xanuunsaday, nin Yuhuudi ah ayay kulmeen sheeko ayaa dhex martay, Yuhuudigii ayaa ku yidhi:

“Xageed ka timid?”

Waxa uu ku jawaabay

“Soomaaliya.”

Yuhuudii waxa uu waydiiyey:

“Bal iiga waran dadkaa.”

Odaygi ayaa yidhi:

“Dad boqolkiiba boqol Islam ah ayaanu nahay.”

Yuhuudigii ayaa la yaabay, wuxu ku yidhi:

“Oo maan laydin gumaysan.”

Odaygii ayaa yidhi:

“Waa nala gumaystay.”

Yuhuudigaa haddan ku yidhi:

“Oo gumaystihii maanu iskuulo idiin dhisin.”

Odaygii baa ku jawaabay haddan:

“Mayee wuu dhisay.”

Yuduudigii baa haddan a waydiiyey:

“Oo miyaan laydiin samayn xisbiyo iswada haysta.”

Odaygii ayaa waxa u ku jawaabay:

“Mayee waa naloo sameeyay.”

Yuhuudigii ayaa ku yidhi:

“Kuwaas ayaanu tirsanaa.”

Yuhuuda ayaa waxay aaminsan tahay in dadka bani-aadamka iyaga loo abuuray oo ay dameero yihiin, waxay yidhaahdaan:

“Dadku waa dameero oo kolba mid ayaanu fuulnaa, marku mid nagu  ciyona waanu iskaga dagnaa oo midkale ayaanu fulnaa.”

Markaa shacabka waqooyiga ayaa la fuushan yahay, cisaabadii uu ku beeray ayaana fuushan iyagaana loo adeegsaday in ay Soomaali maanta cadawgu ku wiirsado oo halkaa dhigay.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Hijacked Nation

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa

Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com