Maanso: Galliilyo (Waxa curiyey: Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”)

Maansadan waxa uu Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedh-same” waxa uu tiriyey isagoo ku sugnaa magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo uu Abwaanku wakhtigaa ku jiray ardaydii dhiganayey Jaamacada Cammuud, ayaa waxa wakhtigaas dhacday in dhallinyaro gaadhaysa ilaa 20 oo tahriibay oo dooni la gadoontay oo dhinteen.

Dhallinyartan tahriibtay  ayaa waxa qaarkood waxa lagu ambabixiyey lacago deyn ah oo l00 amaahday, qaarkood guryihii ayaa loo iibiyey, qaarkoodna dhul baa loo iibiyey. bal ka waran adigoo gurigiina iibiyey ilmihiina waayey oo tii alle heshay?.

Wakhtigaas ayuu Abwaanku curiyey maansadan Galliilyo, iyadoo wakhtigan ay dhallinyaro u badan reer Somaliland ay dooni kula gadoontay badda u dhaxaysa Masar iyo Talyaaniga.

Waxaanu maansadan u soo qaadanay iyadoo ka turjumaysa  dareenka dhabta ee tahriibka dhallinyarada balse aanay saamayn ku yeelan bulshadeena marka laga reebo maalmaha dhacdooyinka dhacaan laga murugoode balse saamayn kale inagu yeelan.

Waxay Maansadu tidhi:

Ifkay gogoshiisu hawl tay
Ogow galab noolba waa shil
Ma oge taladii u goostay
Ma oga gurigay furayso
Galiilyada moog dambaysa.
Naftana hungraa gadh qaada
Cakuye damacaa ku guura
Haddana godobtiyo lurkeeda
Gefkiyo ceebtiyo xunkeeda
Ogow garashaa u qoollan.
Wedkana gamaskii ma iisho
Gaashaan celiyaa ma baaj

Ishaa gabadheed ma daaho
Qofnaba gabbalkii ma waaro
Wax aan hubo geeri kow dheh.
Taniyo anigoo gurguurta
Ilaa maantoo gadh leeyey
War geediya oo I qooma
Geddaafo wacaal xambaarsan
Dhegtaydu maxay guddoontay
Intaan tebay gaan la waayey
Maxaan murugadda la goohay
Barbaartii iga gablooshay
Kuwaan guruxyada u belay
Markaan godobtooda raadshay
Gunaadiyo ciil gadhoodhay
Miyaan gocashadda ku qoomay,
Bad gawliyo gacanka xeebta
Miyaan gooddiyey guhaadshay
Gartayda miyaan bilaabay
‘haddaad maxastayda gawrac
Badyahay kaga gooban weyday
Inaad bir ma geydadayda
Sidaa u gashaa gar maaha
Alleylehe waad gumowday!!
Geshaan kugu leeyey qaana
Gar qaado ha soo gignaane
Ilaah naaraha ku geeye
Adaa gadhmadoobahayga
Haweenkiyo gaaridayda
Ku gaasira meel go’doona
Gudhoo galabtaba abaadso
Biyuhu gororoo ku gawdhshe
Gawaan noqo meel garoona
Dhul geedigu galab caraabo.’

Intay guuxday gigleysay
Hirkiyo doobtay garaacday
Waxay tidhi ‘guurowgaagu
Gefiyo waa igu geddaafo
Ma geyo godobtaad I saartay
Aweytida aad ganayso
Miyaan galabsaday bal kaadso

Adoo geyigaagu liito
Hadduu sahankaagu gaabsho
Hadduu samirkaagu guuro
Qaneecaadkuna gabnoobo
Quustoo kugu geylamaysa
Garaad hirilaa ka seexdo
Miyaan geerida shinkeeda
Horteed geedigu ku geynin?

Hablaha guday ee tahriibay
Hir gaatamayaa idleeyey
Geed ay cuskadaana waayey
Markii gacal baajin waayey
Shariidku miyuu gasiintay?

Intuu saxaruhu go’doonshay
Halyey lagu giirtay fiicni
Intee xabsi lagu gumeeyey
Gashaantimo wada quraysha
Intee guuleed tisqaaday
Raqdiisii haad ku goohay
Dhashii guuluhu ku siiyey
Dugaagu muxuu ku guusay
Markuu huudhigu geddoomay
Markay goglanayd barbaartu
Kalluunku miyuu galiilyo
Ilmadda ciil gabbax ka siiyey
Tiiyoo xeebaha goshooda
Meydkeenii galangalcoobay
Miyaad garan weyday kaadso.

Xasuuqa tahriibku geysto
Gummaadiyo geeri foolxun
Hooyooyinka weerka goostay
Shilkani kugu gaaf wareegay
Waxuunbaa laga guntaaye
Miyeydaan kaba gaboobin?
Gu’goo da’ay oo gadooday
Gudgude soo gallab caraabay
Markay galawgiyo jugleydu
Ka yuusaan gelida kaynta
Miyaan garashadu dhigaynin
Dasada gibilada ku giiji?
Geel iyo geesley lo’daada
Halkii gelmi iyo dugaag le
Gelgelin gawsaha hungaysa
Miyaan garashadu dhigaynin
Inaad waaberi ka guurto?

Adoo gurigaagi iibshay
Haddaad gabankiina weydo
Adoo gebogebo u yaala
Haddaad dhiilada guddoonto
Wedkaad gini siisataaye
Haddaad geerida la jaarto
Hadduu maalkaagu gooyo
Intuu aadmigu ka giigay
Kolay waa galabsigaaye
Maxaad gocashada ka toosin?

Garwaaqsaday inan taraaray
Guddoon xaal idhi bal qaado.

Sareedaddu may guddeene
Barbaartuna may go’deene
Badweyn iskuma gureene
Xil baan gubin kaad u dhiibtay
Xal muu garan aayatiinle
Xaq muu gudin aad sugaysay
Halkaad u golleyd ma geynin
Hayaankiyo geedigaaga
Guubaabana wuu ka seexday
Inuu galab nool tibaaxo.

Guulguulka naftaa ku oogan
Dhalaankani sii gurmaaya
Hankaa laga wada gumaystay
Buug guunaa yidhi ma gaadhid
Halkuu aadmigu u guuray
Rajada gibilbaa ka saran
Runtana waa laga go’doonshay
Gabnaad tahaybaa asqaysay
Gufaacaa lagu faruuray
Kalsoonida gabagabaysay.

Qofbaad tahay guul abuura
Qofbaad tahay guri yagleela
Qofbaad tahay gaar ahaantaa
Ku gaajo baxoo iskeena
Gankaa kuma dheera caaro
Aqoontaaduna ma gaabna
Ma gaagixin aayahaagu
Dadkaaguna kuma giriifin
dalkaagan kama go’aysid
Galbeed yurub kuuma yeedhin
Giriiguna kuuma baahna

gob baad tahay moog inteeda.
adiga geyigaagu waa kan.
Gargaara faray ka hoogtay
“ku eeg gabargaal horataada
U fiirso bal goonyahaaga
Gadaashaadana bal dheeho
Dhalaanbaa kugu gedaaman
Gidaarada dhaxanta jiifa
Garaadkaagaa u hiila
Qabyaa kugu gaafwareegsan
Hortaa aan cidi gufaynin
Xilbaa guudkaaga saran
Ka wayn goosoo dhaqaaji.

Halkan hoose ka daawo muqaalka maansada Galliilyo iyo maansooyin kale oo Abwaanku kusoo bandhigay Hudheel Maansoor 13-kii bishii Julay 2013-kii:

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame”