Inkastood dhawaaqdaan ama dhiig qulqulisaan naga dheefi maysaan! “BUDHCAD DIIMEEDYADA” Q1aad (WQ: Cabdishakuur Xasan-Kayd)

 

20KA Bisha Labaad (February)

Maanta oo ay bisha Labaad (February) tahay 20, sannadka 2018 waxaan jeclaystay in aan dhallinyaradda maqaalkan kula wadaago fariimo kooban. Fariintaydu waxay ku socotaa dhallinyaradda!

WAA AYO DHALLINYARADU?

Sharciga Somaliland waxa uu u aqoonsan yahay dhalinyaro da’da u dhaxeysa 15-35 jir, waa waqti muhiim ah iyo tiro aad u badan oo shacbiga ka mid ah. Waa da’a hadii si wanaagsan loo jiheeyo abuuri kara isbedel aad u weyn maadaama tamarta ay hayaan aad u badan tahay. Dhalinyaraddu “waa xooga dalka, waa xansaska dhibta, waa xorxoshka sabanka, waa qaar aan la doonayan in ay xogogaal u noqdaan xaqiiqda taala, laakiin lagu xodxoto xoojinta fikir nin wato iyo xileynta xulufo u xusulduuban xiisad” (Abdishakur 2013)[1]

Maanta waa maalinta loo aqoonsadday maalinta dhalinyarada SOMALILAND, taariikhda maalintan waxaan filayaa in aad ka wada dharagsan tihiin – waxay ahayd maalin ay dhalinyarada Somaliland ay ka dhiidhiday xukun ka dhan ahaa dhibanayaal lagu soo eedeeyey in ay hawlo samafal ah ku nadiifiyeen dhakhtarka weyn ee magaalada Hargaysa oo isugu jiray macalimiin, ganacsato iyo dhalinyaro waxbarasho dalka debadiisa kusoo dhamaystay kuna soo noqday dhulkooda hooyo. Talaabadan samofalka ah ayay dawladii waqtigaa jirtay ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad ay u aragtay arrin khatar ku ah isla markaana maxkamad kusoo taagtay hawshaas. Dhalinyaradii iskuulada ayaa banaanbax kala horyimid dawladii ay kaga soo horjeedaan xukunka sharci darada ah kaaso oo markii dambe isu bedelay gacan ka hadal ay ciidamadii dawladu rasaasta nool u adeegsadeen ardaydii. (20 February 1982 – Maalintii xubnaha ururkii UFFO lasoo taagay maxkamada).

DHALINYARADA IYO MAANTA

Dhalinyaradda maantu waxay in badan ka hadlaan mushkiladaha ku xeeran noloshooda haday tahay shaqo la’aan, dhaqaale yaraan, ka qaybgalka awoodaha dawladeed oo kooban iyo inta ay sababaan dhibaatooyinkaasi ee uu tahriibku kaw ka yahay.

Waxaan jeclahay in aan facey iyo filkey ku-xigeenkayba la wadaago in dhibaatooyinkaa jiritaankooda aan la dafiri Karin ee aad la daristaan kaliya aan xalkoodu ku xidhnayn dawlada. Hadii noloshaadu ay tahay nolol aan cadaadisyo iyo caqabado aan la kulmin waxaa hubaal ah in awoodaada maskaxeed ay noqon doonto mid degen oo aan qaybaha u diyaarsan ka jawaabista mushkiladaha iyo raadinta xalal waara aanay u shaqeyn doonin si firfircoon maadaama aanay jirin xaaladihii carin lahaa.

Dhibaatada ama caqabadahu waa bar bilowga in uu qofku ka fekero xal u helisteeda am aka bixisteeda. Fekarkuna waxa uu maraa laba jid modkood:

  • In qofku baaseysto ama balaayeysto caqabadahaas oo dhaxalsiin doonta in uu dhanka xun ka eegisteeda waqti badan galiyo taas oo wiiqi karta awoodiisa uu isbedel ku abuuri karo ama uu xal ugu heli karo. Waxa kale oo ay gayeysiin kartaa in uu dhaawaco kalsoonida naftiisa oo uu dareemo awood la’aan.
  • In uu caqabada uu u arko fursad oo uu awooda saaro sidii uu uga bixi lahaa. Taas oo mudada fekerka uu xalka ku raadinayo ku heli karo siyaabo badan oo uu kaga gudbi karo caqabada.

GOBOLKA GEESKA GOBOLKA GEESKA AFRIKA IYO MUSTAQBALKIISA

Dhalinyaradu dhibaatooyinka inta badan ay ka hadlaan waa kuwo saameyntoodu u badan tahay shakhsi laakiin waxa jira dhibaatooyin iyo caqabado badan oo wadaag ah taas oo dhamaan saameyn ku leh dadka gobolka iyada oo inta ugu badan ay dhalinyaradu helayso maadaama oo ay yihiin tirade ugu badan. Gobolka GEESKA AFRIKA waa gobol ay bariinsatay isla markaana ay aafeyso mushkiladaha la soo dhoofshay (proxy) ama khilaafaadka u dhaxeeya qabiilo, dadyow (qoomiyado kala duwan), ama dalal kuwaas oo ku saleysan arrimo siyaasadeed, dhaqaale, ama diimeed.

Gobolka GEESKA AFRIKA waxa uu ahaan doonaa mid mushkiladahaasi kusii bataan iyaga oo wajiyo ka gedisan kuwii hore sita. Bogcadda uu gobolkani ku yaalo ma saamaxeyso in uu nabad helo maadaama danaha ay leeyihiin daneeyayaal badani ay ku suurtoobi karaan in ay gobolka ka helaan garbo ay ku gaadhaan ujeedooyinkooda.

Mushkiladaha la soo dhoofin doono waxay wadan doonaan wajiyo Horumarineed ama maalgashi oo ayaa noqon doona arrimaha dabada ka riixi doona khilaafaadkaas, gobolka dadkiisu u arki karaan fursado dahabi ah. Hadii aan fiiro gaar ah loo yeelan ama aan lagu ilaalin shuruucda dalalka gobolka iyo danta dadyowga gobolkana keeni kara burburo hor leh.

Waxaa xusid mudan in gobolku hore usoo arkay khilaafaad la soo dhoofiyey, sida kaliya ee looga hortagi karo ama loo yareyn karo saameynta khilaafaad cusub oo la soo dhoofiyaana ay tahay in dadyowga, qoomiyadaha iyo dalalka gobolkuba ay ka fekeraan sidii ay u noqon lahaayeen kuwo mustaqbalkooda hantiyo oo xor u noqda maareynta hawlahooda isla markaana awooda u wada saara nabad ku wada noolaanshahooda. Hadii aanay taasi dhicin kama wada faaideysan doonaan bogcada muhiim ka ah ee gobolku ku yaalo waxa aanay awoodoodu gali doontaa dagaalo qoomiyad ama qabiil ay shirkado gobolka maalgashadey ku bixin doonaan hanti badan. Inta mushkiladahaas lagu jiro ayaa gobolku ka wareegi doonaa dadkiisa una gacan gali doonaa awoodaha ku hirdamaya sida ay ugu kala guuleystaan.

Is weydii sababta dawlado hirdamaya aanay dalalkooda iyo danahooda aanay u saameyn dadkooda laakiin ay ku dul hirdamaan dalal kale oo kala adkaantoodu dhaawacdo dalalkaa lagu dul dagaalamay. Gobolka meesha uu ku yaalo ayaa ka dhigaysa mid mar kasta ay jiraan awoodo jooga iyo kuwo iman doona hirdankooduna waa lama dhaafaan dhibtuna waxay dul taal madasha lagau hirdamay dadkeeda.

DHALINYARADU waa xooga dihin ee dal ku gaadho himilooyinkiisa marka uu helo hogaamiye iyo haykal dawladeed oo horseedi kara higsigaa. Dhibaatooyinkaa aan soo sheegnay ee dhalinyarada haysta waxay suurtogalin karaan in dhalinyaradu qalab iyo dhibane dhoohan u noqoto mushkilado cusub oo lasoo dhoofiyey iyaga oo shaqo abuur iyo hanti loogaga faa’ideysan karo xoogooda didhin taas oo maalgashi ujeedo lehi galaafto xasiloonida gobolka.

BUDHCAD DIIMEEDYADA GOBOLKA

Waxaad ka dheragsan tihiin in 30 kii sanaddo ee u dambeeyey marka laga tago dagaalada sokeeya ee u dhaxeeya qabiilooyinka gobolka, dagaalada u dhaxeeya dawladaha iyo jabhadaha ka soo horjeeday ama dagaalada u dhaxeeyey dalalka gobolkaba in ay jirtay kooxo BUDHCAD DIIMEEDYO ah oo ka jiray dalka deriskeena ah ee SOMALIYA taas oo dhibaatooyin hor leh u horseeday bulshada afka Soomaaliga ku hadasha iyo bulshooyinka ay ood wadaagta yihiinba.

Budhcad diimeedyadan ayaa ka mid ah qaababka loo soo dhoofiyey mushkilado si meesha looga saaro dhaqankii, wax isu ahaanshihii, dhiiraantii, dhul jaceylkii, dhirtii, ugaadhii iyo dhamaan waxyaalahii seedka u ahaa bulshadan aan lahaan jirin far dhigaalka laakiin dhaqankeedu uu kusoo jiray qarniyadda badan hab sheekooyin.

Budhcad diimeedyada kala duwan ee soo maray taariikhda dadka Soomalida ah ayaa waxa aan ka xusi karnaa Kuwan:

  1. Al-Islaax
  2. Waxdatul Shabaab – WAXDADA
  3. Al-Itixaad Al-Islaam
  4. Takfiirka
  5. Salafiya Jadiid
  6. Al-Ictisaam
  7. Al-Shabaab

Ururadan ayaa dhamaantood ku abtirssada bilowgoodii farac ka mid ah Ikhwaan Al-Muslimiin tii uu aasasay Sheekh Xasan Al Bana oo dalka masar ka aasaasay. Mudooyinkii dambe ayaa waxa sameysmay kuwo taxnaanshahooda u bedelay dariiqada Sucuudiga laga waraabiyo ee WAHAABIYO oo ku abtirsta Sheekh Maxamed Cabdiwahaab (1703 – 1792) magaca wahaabiyo ayaa waxa markii ugu horeysay isticmaalay Qoraa reer ingiriis ahaa oo la odhan jiay Barley Hurt oo qoray buugga “A New Religion” diinta cusub – Fekerka wahaabiyada ayaa waxa aad u buunbuuniyey dawladaha reer galbeedka. [2][3]

Waxaan rabaa in aan dul istaago kooxda ugu dhibka badan ee sida aan la maleyn Karin u xalaashatay dhiiga umada Soomaalida ah ee gobolka geeska Afrika – waa kooxda isticmaasha magaciina (DHALINYARADA) afkey doonaan ha ula baxeene AL-SHABAAB marka la turjumo waa magaciina hana isku khaldin diintaada SUUBAN iyo cida soo dhoofisay fikirka ee afkooda uu yahay magacu.

Sababta ay magaciina u  isticmaalayaan GARO waa in aad tahay qalabka ay doonayaan in ay u adeegsaan ujeedooyinkooda. Waa markhaati ma doon in tiradda ugu badan ee ciidamadoodu ay u isticmaalan burburka dadka Af Somaaliga ku hadla in ay yihiin dhalinyaro. Inta loo isticmaalo in ay noqdaan hubka burburinaya dad aan waxba galabsan ee isku dhex qarxinaya in ay yihiin dhalinyaro.

Siyaabaha ay u mareen burburka ummadan waxaa ka mid ah:

  • Xalaaleysi daadinta dhiiga dad aan waxba galabsan si ay u abuuraan cabsi – waxa ay boqolaal qarax oo dad badani ku naf waayeen kumanaan kalena ku dhaawameen ka gaysteen dalka Somaliya. Qaraxyadaas ayaa badankooda waxa lala beegsadaa meelo dad badan lagu waxyeelayn karo sida: maqaaxiyaha, hoteelada, wadooyinka, goobaha ardaydu isugu timaado, masaajido.
  • Weerarada dalalka deriska – Waxa ay weeraro argagixiso ka geysteen dalalka Somaliya deriska la ah sida Somaliland 2008, Uganda 2010, Kenya 2013, 2014, 2015 iyo Djibouti 2014. Dhamaan weeraradan ayaa gayeysiisay dadka Soomalida ah in baadhitaan xoogan ay kala kulmaan waqtiyada safarada iyaga oo looga baqo qabo in ay budhcad diimeedkan ku xidhan yihiin. Waxay hoos u dhigeen karaamadii iyo sharaftii dadka Soomalida ah.
  • Siyaasad ahaan – waxaa cad in aanay diyaar u ahayn in ay maamulaan umad maadaama oo wada hadal iyo nabad aanay rabin in ay u horseedaan dalkooda iyo dadkooda dhibaataysan.
  • Deegaan ahaan – waxaa xaqiiqo ah in ay xaaluf ku hayaan deeganadda ay ka talin jireen taas oo ay markhaati inoogu filan tahay markii lagala wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo dhirta la shiday ee dhoofka sugaysay in ay ahayd maraakiib. Kolay cida ay u shaqeeyaan ayaa dhuxushana ka iibsan jirtay …… XAQIIQOOYINKA KUGU XEERAN ADIGU BAADH SI AAD XALKOODA U HESHO.
  • LA DAGAALANKA TACLIINTA – Boko Haram iyo Al-Shabaab waa ay ka siman yihiin dagaalka ka dhanka ah tacliinta waayo burburka tacliinta ayaa siinaya dhalinyaro badan oo iyagu ay indho u yihiin kana ilaaliyeen xaqiiqooyinka dhabta ah. Aan kuu iftiimiyo dagaalka ka dhanka ah tacliinta (b) Weerarkii Somaliland Magaalada Boorama ay 5 October 2002 ku dileen Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka talyaaniga (waxay furtay dhakhtar iyo dugsigii ugu horeeyey ee dadka dhagaha naafada ka ah wax lagu baro – dembigaas ayaa ay ku xukumeen dilkeeda) (t) SOMALILAND weerarkii labada macalin ee dugsiga sheikh macalimiinta ka ahaa ay ku khaarajiyeen 8 November 2003 – iyaguna waxbarashadaa ay galeen ayaa loo abaaray. (j) waxaa la weeraray arday waxbarasho u tagaysay Turkiga iyaga oo ku sugan goobtii lagu soo dhajiyey natiijada imtixaankooda (waxaa ay ku eedeeyeen in ay basaasiin/jaajuusiin loo soo carbinayay) (x) Waxaa la weeraray arday ku qalin jabinaysay Hotel Shaamoow (waayo waxay barteen kuliyado kala duwan oo caafimaadku ka mid yahay markaa dadka la doonayo in ay daryeel la’aan u dhintaan ayay gurmad u noqon lahaayeen dambigaas ayaanay u dhinteen) (kh) waxaa ay soo saareen baaq ay dugsiyada u diryaan oo ay manhajka iyagu u goynayaa – awood fulineed ma laha laakiin waxay ku tusasaysaa in halka ay u socdaan tahay waxbarashadu waa xaaraan. (d) xasuuqii ardaydii jaamacadda Gaarisa April 2015 oo ay ku dileen 147 arday.
  • DIINTA ISLAAMKA – bilowgii hawlgaladooda waxa bartilmaameed u noqday khaarajinta culimada diinta ee ay uga cabsi qabeen in ay ka hor yimaadaan fikirkooda kuwaas oo dadkana taageero weyn ku dhex lahaa – Dib u dheeho in sheikh isaga oo masaajidka ka baxay la dilay ama gurigiisa lagu ag sugay oo sidaa lagu khaarajiyey. 

KA HORTAGA IYO LADAGAALANKA BUDHCAD DIIMEEDYADA GOBOLKA

Aniga oo aala dhakhtarka Daaru Shifo ee magaalada Muqdisho laba ilaa saddex saacadood qaraxa ka dib

Labadii sano iyo badhkii u dambeeyey waxaan doortay in waqtigayga iyo tamartayda aan geliyo ka hortaga iyo la’dagaalanka budhcad diimeedyada aan kor kusoo xusnay dhibaatadooda. MAXAAN U DOORTAY ARINTAAS? Inta aanan ka jawaabin su’aasha …. Akhrista aan kaa codsado in aad faataxada u marto dhamaan umadda islaamka ah ee ay maalin kasta dhiigooda ay ku xalaashadeen dad ilaahay iyo rasuulkiisaba ka fogaaday oo ah khawaariijta sabankan ee magacyada budhcad diimeedada kala duwan huwani.

Maanta oo kale saddex sano horteed oo ku beegnayd maalin jimce ah 20ka February 2015 anaga oo salad jimce ka baxnay balse aan wali ka tagin goobtii aan ku tukanay dadka qaybo ka mid ahina ay sunaysanayaan qaarkoodna tasbiixsanayaan ayaa waxa Alle qadaray in ay Khawaarijtu weerar ay soo qorsheeyeen oo laba qarax ka koobnaa uu goobtii ka dhaco. Dadka lala beegsanayo qaraxa khawaarijtu janada ku rabtaa waa dad salad jimce tukaday ….. JANADA AAN EEBE KA BARYEYNO IYO JANADA AY RABAAN MA ISKU MID BAA? CULIMIDA SAMANKAN AYAAN U DEYNAYAA AAN KA HADLIN WIXII CABSI LEH.

Waa sawiro ka mid ah dadkii tukaday oo ku qudh baxay cawihii aan salaada Jimce ku tukanay 20th February 2015 Mogadishu (36 qof ayaa ku shahiiday weerarkaas ku dhawaad 50 kalena oo aan ka mid ahaana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay – Central Hotel Mogadishu).

Waa sawiro ka mid ah dadkii tukaday oo ku qudh baxay cawihii aan salaada Jimce ku tukanay 20th February 2015 Mogadishu (36 qof ayaa ku shahiiday weerarkaas ku dhawaad 50 kalena oo aan ka mid ahaana dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaadhay – Central Hotel Mogadishu)

http://www.somtribune.com/2015/02/21/some-of-the-names-of-the-dead-injured-in-mogadishu-hotel-blast/

[1] Abdishakur Hassan-kayd DIB-U-DHEEHDA WAAYAHA, HA DHASIIGIN WALIGAA (2013). Maqaalka ku socday dhaliyarrada Somaliland

[2] Cabdishakur Mire Adam (Cobol) Kobocii Islaamiyiinta Soomaaliya 2011.

[3] Qoraaga buugan ayaa taariikhdiisa iyo tayduba maalintan 20 February aan ku wadaagnay dhacdo aan ku xusi doono hoos wixii aniga iga soo gaadhay. Qoraa Cabdishakur Mire Alle qabriga ha u nuuro isaga iyo dhamaan intii dhacdadaa ku naf-weyday oo badankoodu ahaayeen kuwo aan aqoon isu lahayn iyo kuwo aanu is waji naqaanayba.