Maxamed Kaahin Vs Maxamed Siyaad Barre (WQ: Axmed Nuur Guruuje)

 

Sannaddii 1990 ayaa ciidamaddii snm qabsadeen Magaaladda Caynaba ee Gobolka Sool, ka dibna waxay kasoo qabsadeen Madaafiic waawayn oo cusub, markaana loogu deeqay dawladdii Soomaaliya, ka dibna waxaa aad uga xumaaday dawladdii Soomaaliya.

Madaxwayne Maxamed S Barre, wuxuu amar ku siiyey Taliyihii Ciidankiisa ee Burco Gen CabdiCasiis Cali Barre in uu ka daba taggo hubkii caynaba lagga qabsaday, wax kasta oo ay qaadato.

Gen CabdiCasiis isagoo dardaarankaa iyo amar adag qaba ayuu soo baxay, ka dibna wuxuu afka soo saaray Aagii uu u tuhmayay alaabtaa uu daba socday, dabeeto dagaal xoogle ayaa ka qarxay aaga hawdka Burco, iyadoo isagaadhsiintana uu toos ugu jirro Maxamed Siyaad Barre, isagoo hadalkadii lagga qorayna ay ka mid ahayd ” Cirka madow haddii la geeyo alaabtaydii ka daba tag iigana soo qaad ”.

Ciidanka Gen CabdiCasiis oo xoog u qalabaysnaa waxaa u suurta gashay in ay xoog ku qabsadaan goobihii la isku qabsaday ilaa ay soo gaadheen meel qiyaastii 15 km u jirta Degmada Dhoqoshay, dabeeto Ciidankii snm tallo ayaa cudaatay, waxaana ka baxay rag badan oo ay ku jiraan saraakiil ay ka mid ahaayeen, Col Aadan Saleebaan, Col Axmed Cagjar iyo qaar kaloo badani.

Halkaa markay marayso, Maxamed Kaahin oo ahaa Sarkaalka Ciidamadda snm ugu sareeyay iyo taliskii ciidanku waxay go’aamiyeen in 12 saacadood gudahood la keeno, Col Xuseen Dheere oo ku sugnaa Magaaladda Gaashaamo, maadaama uu yahay Sarkaal aqoon badan u lahaa hogaaminta ciidamadda dhulka.

7 saacadood gudahood ayuu goobtii kusoo gaadhay, ka dibna wuxuu amray in Madaafiicdii lasoo qaatay la saaro goobta la yidhaahdo kurta dhoqoshay, ciidamadii goobta joogayna wuxuu kala baxay Teknikaddii waxaanu ula kacay jahada galbeed waqooyi, isagoo afka saaray xaggii magaaladda Burco, ka dibna ciidamadii Faqashtu iyagoo mooday in loo waydaartay dhankii Burco ayay dib isu rogeen, halkaas ayaanay ku badbaaday magaaladda dhoqoshay.

Maanta Maxamed Siyaad ma noola, Xuseen dheerana ma noola, hase yeeshee waxa jooga Maxamed Kaahin oo doorashaddii 2017 kagga guulaystay Cabdiraxmaan Cirro oo ah, wiil uu adeer u yahay Saaxiibkii Xuseen dheere, markaa waxaa is waydiinle, tolow haddii uu saaxiibkii xagaa iyo aakhiro kala soo hadlo muxuu ku odhan doono, ma inankii aad adeerka u ahayd waan legdey?

 

Shabakada Waraarka Onkod News.

Email/Info@onkodnews.com

Phone Number/00252633003622

Hargeisa/Somaliland./News Desk