Inta aan la i duqeyn! (WQ. Qalinle Jaamac)

 

Xalay marka ay ahayd 12 kii ayaa aan dibadda u baxay si aan u weysaysto oo u tukado. Markii aan fadhiistay ayaa waxa aan xasuustay baryahay in aanan kor eegin oo aayadaha dusheena akhrisan. Inta aan intaa ka fikirayo ayaa aan xasuustay murtida tidhaah ‘wan weyn ilaa la qawraco indhihiisu cirka ma arkeen,’ haddana markaas baan xasuusteyda anoo u jawaabaya idhi ‘horta adigu ma wan weyn baad tahay oo soo kolkii aad doontaba kor ma eegtid waayadan dambe ayaa uun aad kala baadeen daruuraha, dayaxa, xidigaha, meerayaasha iyo hawada sare.”

Aniga oo ku raaxaysanaya dhugashada makhluuqaadka Alle abuuray oo leh ‘Subxaanalaah’ ayaa waxa i qashqashay oo dareenkaygii araga qaatay wax aan aragii koobaad u maleeyay xidig hayaan ah oo nuur midabo kala duwan leh bixinaysa. Mise waaba diyaarad! Indhaha ayaan la raacay marka aay daruur ku dhawdahay ayaaba mise wa mid kale oo ku daba jirta oo sideedii oo kale big-waclaynaysa. Markii aan qiyaasay, waxa ay indhahaygu ii sheegeen in ay isku jiraan masaafad ilaa 1km (hal kiiloomitir) oo qiyaas ta dhulka ah. Lakin qiyaas badaweyskaa qaawan ma garan karo marka si rasmiya loo cabiro waxay isku jiri karaan. Waa laga yaabaa ilaa boqolaal kiilomitir inay kala fogaayeen. Tii hore waxay ku libidhay daruuraha, tii kalena waaba ay qarsoomi rabtaa. Markiiba waxa aan dhawray mid saddexaad in ay isla halkii ka soo baxdo, laakiin waxba ma ay soo muuqan. Hungo!

Waxaan intaa isweydiinayaa, talow hawadan sare ma habeen kii inta aad hurudaan baa ay xadaan diyaaradahan oo waa cashuur ka carar mise wiido ayey u socdaan?! Cajiib. Mid kolkiiba waa aan iska qanciyey… gawaadhidii dhulka maraysay baa aad cashuurtii godod-marista ka qaadi weydeen ee ma diyaarad cirka ku heehaab-baashaalaysa ayaa aad kartaan in aad cashuurtaan? Dee waa maya. Oo kaalay horta ayaa hadda idiin cashuura? Soo qoladii UN-ta ahayd maaha? Oo horta ayaa la xisaabtama? Dee mooyi! Lacagta ay ka qabtaan iyo tan ay mucaawano ahaan idinku siiyaan sidee baa ay is kugu dhigmaan, tee se badan sannadkii? Garan maayo laakiin kolayba waxa muuqata in dakhligeenii la inagu gumaystay oo mucaawano la inoogu sheegay. Waar nin yahow waad wareersantahay ee iska dhaaf waxan… hadda ilaa culumadii (Guddida Abaaraha) ayaa ba malaha mararka qaar tidhaah Illaahay iyo deeq-bixiyayaasha waxa aan ka codsanaynaa… Horta Alle miyaa laga codsadaa mise adoo hoos isku dhigaya baa la baryaa?! Waar waa maxay diyaaradahan caawa kaa jiidhay? Cibaadadii dhugashada hawada sare iska wado.

Dib ayaa aan xidigaha u tiriyey… oo soo kaa nin la gigay. Haddana habaar-qabe iyo halkii uu hooyadii jiiday, awrkii cirka oo… oo horta caawa Xiddiggii Waqooyi iyo Ururkii maxaa ku dhacay? Ma daruuraha badan baa qiriyey?

SubxaanaLaah, duruuro ayaa inagu gadaaman caawa. Ninkii awowgeen ahaa ayaa aan xusuustay ee dhulkana goglan jiray, daruuraha huwan jiray haddii la waayana cirka; ee iftiinsan jiray dayaxa haddii la waayana xidigaha. Alla awoowyaasheen cibro-qaadasho joogto ah baa ay ku jireen oo habeen oo dhan xidigahaas baa ay kolna tirin jireen; kol isku beeg-beegi jireen oo cilmiga xidigiska ka falkin jireen, mararka qaarna inta ay la yaabaan xusuusan jireen weynida Alle (SWT). U-hoyashadii ardaaga ayaa ba dhaantay daarahan dadan ee idinka indho saabay cirka, huurka idinku dilay!

Ileen maskaxi ma daasho. Waxa aan dib u bilaabay in aan labbadii dayuuradood ee is daba socday waxa ay u socdaan is weydiiyo. Horta miyey wada socdeen? Mise hawadda waa ay ku kulmeen uun? Maba laga yaabaa inay indho-indhayn u socdeen oo ay ku daba jireen raad argagaxiso! Argagixisadu waatee? Oo horta  raadka argagaxisadu ma habeenkii buu aad mu muuqdaa..? Waa aan u malayn! Waa ba laga yaabaa in iyaga laftooda iyo raadkooduba ay habeenkii ifaan oo ay dayaxa ugu awood sheegtaan dhulka. Macnaha siraataan oo ay siraadaan dhulka ay maraan… oo horta argagaxisadu ma awliyo Illaahbaa?! Ma laga yaabaa in aabad ka mid tahay…Alla faanweynaa! Waa sax ee haddaba waaba intaas oo aad nuurtaa marka aad weysasato’e, halkee ayaa aad gabood ka dhigataa? Iska daa inta waysadu qoyantahay ee wali aanay la falgalin jidhka nuurna aan ay isku bedelin baa aad qolkaaga gali, kolayna gidaarada iyo ruufka qolku waa ma-gudbiyaal marka ay nuurka noqoto haddii aanu nuurku daaqadaha inta uu boobo halkaa ka bixin.

Haddana maskaxda waxa ku soo dhacday tolow makuwo duuliyiyaal wadaan bay ahaayeen mise kuwo ilmayar oo dhawryo toban jir ah uu ka soo hagayo meel durugsan? Waar armaa ay tan hore adiga iyo weysadaada sawir kaa gudbisaa oo kureyga hagayaa u amraa in ta dambe gantaal kula beegsato oo sidaa ku basbeeshaa. Haddana waxa aan isa sii weydiiyey waxa ay odhan lahaayeen dadkaygu. Danab baa dilay! Xalay cirku wada daruuro ayuu ahaa oo marbaaban saqdii dhexe maqlayey onkod xoog badan… iyo waa runtaa oo ana waa aan maqlay dhawaaqaa! Waa yeelkood kol haddaad mayti tahay waxa ay doonaan ha ku sheekaystaan ama ha isku qanciyaan ileen ma oga adiga iyo diyaaraddahaa wixii xalay idin dhex maray’e.

Cajiib! Marka ay saynis-yahanadu idhaahdeen maskaxda bini-aadamku waa wax kakan oo barashadeeda aan laga gayoonayn oo ilaa hadda waxa laga yaqaanaa waa wax aad u kooban ileen waa runtood. Hawl badanaa! Waxa ay haddana is weydiisay inta qolyahani ay horumarkan gaadhayeen idinku xagee aad ku maqneydeen? Malaha adduunyada oo cilmigu (kiisa diiniga ah iyo kiisa maadiga ahba) ugu horeeyo waa aad ka saahideen. Oo waxaad u kacdeen oo isku koobteen sidii xaasaskiina, caruurtiina iyo gurgihiina aad u bili lahaydeen ka dibna ugu raaxaysan lahaydeen. Oo taasi ma saahidid baa waa adduunyo-ku-foof iyo calool-la-ciyaarnimo’e. Sidii aad dan-gaar ah u wadeen baa ay tii guud ku luntay; markaas baa waliba dhalanteedkaad hiigsanayseena uu isku kiin daba rogay oo guryihiina waxaa ka buuxa jahli, madow, cabsi, kalsooni-daro, cuqdad, munaafaqad, gaajo, faqri iyo il-maadeeradood oo xaasidnimo hogaan u tahay xantuna xerada xeyntu u hoyato. Show danta guud marka laga shaqeeyo ayey tan gaar ka ahna kabantaa dhib yari! Aaax, haddaba baddan maxaa ku galiyey… cirka ha eegin lahaydaa.

Alla ileen waa aan noolahay! Waxa aaban mooday in mar hore la i duqeeyey. Ileen mawjad isweydiin iyo fikir oo mar hore ii daarantay uun baa ay ahayd, Alxamdulillaah. Oo imika maxa aad ku cadaynaysaa in aad nooshahay…? Soo anigan fikiraya ee hawlo adduun ka fikiraya. Adduun waxba kuma haysid ee aakhiro maxaad uga fikiri weyday? Dee aakhiro waxaa aan adduunka guudkiisa ku falno miyaa eeynaan la tageyn oo la inagu abaalineyn? Haa waa runtaa ku lahaa!

Halkaa marka arrin-rog-rog ila marayo baa aan shaydaanka iska naaray. Malaha shaydaan baa salaaddaadii raba inuu ku ilowsiiyo. Waar mayee su’aalo rasmiya oo sax ah baad is weydiisay; ee adiga iyo dadkaagu jawaabaha saxda ah baadi-gooba. Illaahayow jidkaaga toosan nagu hanuuni oo nagu ilaali.

 

Inta aan muddo kooban geerka fikir la’aanta gashaday baa aan haddana arkay anoo naftayda la hadlaya oo leh dhakhso u weysayso inta diyaarad saddexaad soo marin ama labbadii hore mid reefas soo gashan ee inta lagu moodo qof cibaado badan oo salaatu-layl tukanaya lagu duqayn. Hadda waa miskiinkayga la daala-dhacaya faralkii ee hadda xasuustay in aanu salaaddii cishaa’i tukan!

Allow sahal amuuraha adduunyada iyo kuwa aakhiraba. Aamiin

Qalinle Jaamac MQ