Maxay u noqdeen wadaadadu daadxoor? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Ma lays waydiiyay suaashaas, iyaga oo maanta sifaadkii umad lagu hogaamin lahaa oo dhan haya noocay doonta ha noqotee, dhaqaale, cilmi aduunyo iyo mid aakhiro,iyo  tiraba. hadana waa kuwaa aan ri luntay la waydiin, tolow xagay sartu ka qudhuntay.

Mid ka mid ahaa ragii hore ee waxdada aasaasy ayaan arkay isaga oo siyaasi jilibkooda ah aad u amaanaya, markaas ayaan idhi ma tanaa kuu dambaysay.

Nin kuwa aan utirinaayo burburkan wadaadada, ayaan maalin waydiiyay intii aanan wax badan ogaan (when I was innocent, I am no longer innocent now, because these people can’t deceive me anymore,),  waxaan idhi ka waran wadaadadii miyaan laysu keenayn, waxaan suaashaa u waydiiyay, waxaan u soo taagnaa dhawr jeer oo hore iyaga oo wadaadadu  kalatagay, laakiin laysukeenay. Wuxu igu yidhi way u dhammaatay, hadal macnihiisu sidaa yahay. Wuxu I tusaayay  inuu gaadhay hadafkii loo soo igmaday oo uu godka ku hubsaday wadaadadii. Waxaanuu ka yeelay wax uu iska leeyahay oo uu ku adeegsado, midh midhkii hadhayna uu u gaadhsado.  (He achieved his mission).

Nin wadaad ah oo bari hore aanu isnaqaanay ayaa igu yidhi waar Nuur xagee ayaad joogtaa, waxaan idhi imika tabliiqa ayaan iska ag joogaa, markaasuu yidhi, haa, kuwaas ayaanay cidi lahayn, wuxu ii sheegayaa in kuwa kale cid leedahay, dadkuna kuwaas ayay wax moodayaan oo ay wax ka sugayaan.

Qaar wadaada ah ayaan waydiiyay sababta ay wadaadadu u noqdeen daad xoor, mid  wuxu igu yidhi waa kala qaybsanaanta ayaa halkaa dhigtay. Mid kale wuxu igu yidhi dantooda ayuunbay raacdeen.

Hadal iyo guntii anigu waxaan aaminsanay, kuwaa loo igmaday ee lagu dhexbeeray inay ka takhaluseen, iyo  waa sidii Rasuulku sheegay eh inay muslimku noqon doonaan daad xoor aakhiru samaanka, markaa wadaadadu waa daadxoor, somalidu waxay tidhaa nin daadqaaday xumbo cuskay. Waa xumbo  rag iska leeyihiin eh waxba ha ka sugin.

Waxaan usoo taagnaa nin siyaasi ah oo dhintay alla ha u naxriisto eh, isaga oo khayriyada dadka kula hadlaayaa, markaasuu yidhi kuwana waxba ha ka sugina, isaga oo wadaadad u jeeda, waayo waxan  ayuu ogaa, illayn waa nin dhariga ku jira eh, inagu dheriga dibada ayaynu ka joognaa oo wax badan ma ogin.

Hadal iyo guntii waxba ha ka sugin wadaadada  waa daadxoor eh oo cid ayaa iska leh eh. siyaasina hadalkii daa, waaba siyaasi.  Illaahay isku xidha isaga uun wax ka rajeeya.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Mar walba qorshe ayaa laguu diyaariyay

Yaa dadka ugu maqal wanaagsan? 

Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com