Internet-ku sidanna wuu yaqaan (WQ: Cumar Cali Cabdillahi “Cumar-Dheere”)

Aqoontu waa iftiin. Mid tayo leh oo waxtar leh ayaa loo baahanyahay. AALLADDA Internet-ku is-baddal wayn ayay keentay. Tusaale ahaan:
1. Dadku hadda way u simanyihiin helidda aqoonta(Equalizer and leveler).
2. Adeegga internetka oo leh xawaare sarreeya, qiimo maan-gal ah, meelkasta iyo markasta adeeg joogta ah.( speed, cost and coverage)
3. Xog kala duwan maqal, muuqaal iyo qoraal (Multi-model).
4. Internetka oo loo adeegsan karo dhaqaale, caafimaad, waxbarasho, maamul iyo xidhiidh bulsho ( Mult-sectoral)
5. Faafidda computer-da iyo smartphone-ka oo qiimo jaban
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Aqoonta marka loo adeegsado:
1. Cashar diyaarin, gudbin, iyo qiimayn(Pedagogy)
2. Aqoon korodhsi ( Enrichment )
3. Sahaminta laamo cusub oo aqoonta ah oo aan degaankeenna laga heli karin.( Exploration)
4. Laqabsiga hababka casriga ee barashada iyo barista
(Open, distance and online learning)
5. Samaysiga saaxibbo aqooneed iyo xirfadeed oo heer caalami ah.( Academic and Professional Networking)
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Haddii intaa midkood damac kaaga jiro, inta khibradayda ah, waa kuwan madalo (platforms) oo waxbarasho oo aad ka heli karto aqoon qiimo jaban amma bilaa lacag ah:
1. www.coursera.org
2. www.futurelearn.com
3. www.edx.org
4.www.canvas.net.
5. IYO QAAR KALOO BADAN
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Haddaad caawimo u baahataan dhexdiina iskaashada. Anna intaan karo waa idin gacan siin.