Intii wadaadadu siyaasadda ku soo xoogaysteen, tayada siyaasaddu hoos bay u dhacday (Wq: Dr. Abdikarim D. Hassan)

Wiigan waxaa xabsiga loo taxaabay sheekh Raashid Al-Qanushi, hogaamiyihii Ururka Islaamiga ee Al-Nahda (حركة النهضة). Waxa ka horeysay oo laga dheregsan yahay sidii Ikhwaanu Muslimiinta masar looga sifeeyay ee dhabarka looga jebiyay iyo siyaasada sidii ay ugu hafteen. Liibiya, Suuriya, Marooko, Aljeeriya iyo guud ahaan Caalamka carabta siyaasada waa lagaga adkaaday. Iyaguna wali ka may korin dhaqankii is bihin bihinta ahaa iyo madluumnimada.
Marka siyaasada Soomaalida la eego, laga soo bilaabo intii wadaadadu siyaasada kusoo xoogaysteen, tayada siyaasadu hoos ayay u dhacday, khilaafka siyaasada waxa ku sidkamay khilaaf urur, isla markaana rajadii laga qabay, ha ahaato mid hufnaanta iyo dhowrsanaanta la xidhiidha’e ama mid hogaamineede, way burburtay. Maantana siyaasida wadaadka ahaan jiray, waxa uu la ilaal iyo aragti siman yahay mid kasta oo kale, hadiiba aanu ka magac liidan.
Somaliland siyaasadeedu waxay aragti daraysay oo feejignaantii amnigu wiiqantay kadib 2012 kii markii Kulmiye xukunka yimid isagoo ay wardaafinayaan xayn wadaado ahi. Bulshada wadaadadu waa muwaadiniin xaq u leh in ay hogaaminta wadankooda ka qayb qaataan, inay madax noqdaana muwaadiniinta kale ayay ula siman yihiin. Ceebtoodu ma aha in ay wadaado yihiin, balse waa in wacyigoodu hooseeyo isla markaana ay xanbaarsan yihiin isdiidooyin badan kuwaas oo xagal daaciya dedaalkooda.
Wadaadka Soomaaliga ahi wuu saluugsan yahay dowladnimada heerkasta oo ay joogto, hadana waxa uu daacadnimo (allegiance) xoog ah u hayaa ururka uu ka tirsan yahay oo inta badan ku xidhan ururo wadama kale ka dhisay. Fiirso, ururku wuu ka meeqaam hooseeya dowladnimada. Wadaadku isagoo dawladnimada saluugsan ayuu haddana xubin muhiim ah ka noqday qabiilka oo uu xoojiyaa. Intaas oo jirta ayuu haddana aaminsan yahay inuu xaqiiqada dhabta ah isagu hayo, aragtidiisuna aanay niqaash aqbalin. Taasi waxay keentaa inay waaqica si guracan u fasiraan, awoodooda buunbuuniyaan, hay’adaha dowladnimada ee xididaystayna iska horyimaadan.
Markii la dersay sababta wadaadadu hogaaminta ugu fashilmeen waxa la ogaaday in laba arin saamayn wayn ku yeesheen: iyagoo aan baran sida loo adeegsado awooda dowladnimada ee dastuuriga ah iyo nimaadka lagu ababiyay oo ah mid ku dhisan maqal oo fuli, hana fikirin. Intaas oo jirta, hadana in qaarkood siyaasada kujiraan waa lagama maarmaan.