Is Afgaradka Liibiya-Turki iyo mashruuca dhuumaha Badda-dhexe:
Liibiya, waa dal dhaca Waqooyiga Afrika, siyaasad ahaan waxa isaga kala danbeeyey, guumaysi, boqortooyo iyo kaligii taliye Qadaafi. 1969 ayaa saraakiil uu ka mid yahay af ganbiyeen boqor Maxamed Idiris Al-sanuusi, gumaysigii ka dib ilaa iyo laga soo gaadhayey kacdoonkii guga carabta Liibaya waxa soo maray labo talis; Boqortooyo iyo keli talisnimo taas baa sababtay hayadaheeda siyaasadeed (Political institutions) in ay noqdaan qaar aan qaangaadhin oo hormar ย sameyn.
Kaligii taliye Qadaafi, inkasta oo uu unkay maamul wadaag heer hoosaada (Local level), haddana waxa uu ย walba ka ilaaliyey talada baarkeeda sare, sidaas awgeed wax walba isaga ayaa isu ahaa sida ay la ahaatana yeeli jirey. Waxa loo tiiriyaa hayado weli jira sida โNational Oil Coperationโ,dhab ahaan se waxa ay ahaayeen Tiknakratik (technocratic ) aan siyaasi ahayn, taas waxa caddeyn u ย ah isla sanadkii la dhisay NOC ayuu laalay furashada iyo yeelashada axsaab siyaasadeed.
Bulsho ahaan, Liibiya waa qabali si la mid ah Soomaalida, dhanka dhaqaalaha dhawr iyo kontonkii ka hor waxa ku yuururtay saboolnimo baahsan, waxa se shinbir u noqday ceelasha shidaalka oo intii danbe ahaa il dhaqaale oo saameyn ku yeelatay nidaamkooda dhaqan dhaqaale. Sida la arkay Kacdoonkii Guga carabta ee ku faafay Liibiya waxa uu meesha ka saaray xukunkii Kornaylka kaas oo soo taxnaa labo iyo afartan sano. Galbashadii Qadaafi Liibiya waxa ay gashay xaalad qalalaase.
Liibiya iyo xooggaga ku loolamaya:
Liibiya yaa ku loolamaya ? Waa waydiin ay tahay in laga jawaabo, si kooban Liibiya waxa ku hirdamaya xukuumada sharciga ah ee heshiis qaran (Government of national accord ), lagu dhisay heshiiskii Marooko bilawgii Diisambar 2015 iyo darafka kale Xaftar oo taliye u ah ciidamo isku dhafa kuwaas oo uu taageero maaliyadeed iyo tu ciidan uga helo Isu taga Imaaraadka, Masar iyo Sucuudiga, waxa soo raaca Ruushka iyo Maraykan oo uu muddo ku noolaan jirey. Taageeradan dibadeed waxa ay u suura gelisay qabsashada dhulka intiisa badan, laga soo bilaabo bishii Afraad ee sanadkii tagay waxa ka goโnayd in uu Caasimada Triboli ka faro maroojiyo Xukuumada sharciga ah taas oo sidiisa taageero iyo galangal dibadeed oo xoogan u xidhneyn.
Waxa se xaaladu is rogtay, dhammaadkii November, kolkii Turkiga iyo Xuukumada Sirraaji ay kala saxeexdeen is kaashi ciidan ( Military corperation) iyo xad badeed (Martime boundries) ย ay ku wada ย sameysteen aag dhaqaale oo gaar ah ( Exclusive economic zone ) u jeedada Turkigu ka leeyahay aaga dhaqaale ee gaarka ah ayaa ah mid istaatiijayadeed oo la xidhiidhta Gaasta dabiiciga ah ee beriga Badda-dhexe.
Mashruuca dhuumaha Bedda dhexe, waa qorshe Gaasta dabiiciga ah loogu daabulayo Yurub, wax oday ka ah Israiil, Qubrus iyo giriiga. Dhuumaha oo la marin doono badda hoosteeda waxa laga soo jiidayaa dhanka Israaiil, gaar ahaan ceelka Leviathan (La daah rogay 2010), dabadeed Qubrus iyo Jasiirada Grete illaa iyo dhulwaynaha Giriiga, halkaas baa looga sii tallaabinayaa Talyaaniga iyo Waddamada Koonfur-beri Yurub, waa masaafo dhan 200 km, waa toore dhex maraya aagga dhaqaale ee gaarka ah kuna xusan is af-garadkanTurki iyo libaya !
Hirgalka Mashruuca waxa aad u daneynaysa Yurub oo Gaasta ugu badani uga timaaddo Ruushka. Isna waxa doorkiisa riixaya Maraykan oo wata Shirkadihiisa. Midawga Yurub mashruuca waxa uu ku tilmaamay ” Common interest ” Laakiin Turkigu qayb kama aha sidaa awgeed maqnaashihiisa waxa uu u arkaa in ay hoos u dhigayso awoodiisa saameyneed ee gobolka iyo ka faaโidaysiga Gaasta dabiiciga ah ee beriga Badda-dhexe labadaba, taas darteed buuIstaraatiiji ahaan u xoqday kaadhka Liibiya.
Dhanka liibiya, Xukuumada heshiis qaran Is-fahanka ay oggolaatay hore ayey uga cago jiiday si ayna isugu dhicin waddamada gobolka, Tusaale ahaan Giriiga, waxa se soo dadajiyey kuna qasbay awooda baahaysa ee xulufada iyo mucaaradka ku lidka ah. Is af garadkii labada dal, Xaftar iyo waddamada wata gaar ahaan UAE iyo Masar waxa uu ku qasbay in ay miiska wada hadalka ku soo noqdaan. Waxa muuqata isfahanka Turki-liibiya in uu dheeli tiray saaxadda loolanka. Guud ahaan farogalinta Turkiga ee dhinaca millatariga iyo heshiiska Tukey-Liibiya, waxa aynu odhan karnaa waa mid isku dhafan marka la eegayo danaha labada dawladdood, waxa la odhan karaa heshiiska dhinaca badda waxa ay dani ugu jirtaa dalka Turkiga, halka ta millatariga ay ka faaโidi karto xukuumadda Liibiya, maadaama ay muquunin kari wayday awoodda millatari ee xoogga mucaaridka ah.
WQ: Muuse Mustafe