Isbadalka la rabo, yaa ka hirgalin kara Somaliland? (WQ: Maxamed Daahir Axmed)

 

Sida aynu la wada socono dalkeena waxa ka jira xaaladu u baahan in la saxo,tusaale ahaan waxa manta dalkeena ka jira qanacsade aan waxba xidhin,madaxdhaqameedย  siyaasada ku dhex milmay oo dad qal ah amniga dalkana looga baqayo isagii ilaalin lahaa bulshadana islaax ka dhex dhalin lahaa, u adeegaย  oo golihii wakiilada ee dadku soo doortay oo la shaqaysanaya xukuumadii uu dheeli tiri lahaa,wadaad ku dhex milmay siyaasada dhaqaale raadsiga ku dhisan.

Sidoo kale,gobalka geeskaย  Africa iyo qacanka carbeed,waxa ka huraya colaado khatartooda iyo cabsidooda leh,una baahan in lagaga gaashaanto talo midaysanย  iyo hogaan adag.

Si guud marka aynu u eegno caalamka aynu manta ku noolaha waxa ka jira khataro faro badan oo aynu bulshooyinka caalamka la wadaagno,haday tahay khataraha cudurada faafa,khataraha amni darada,khatarahaย  isbadalka cimilada,khataraha ku lamaan tiknoolajiyada iyo isku furanka caalamka ( Digital technology and interconnectness), hoos u dhaca qiimaha khayraadka dabiicaga ah (fall ofcommodity prices),taasi oo saamaysay dalalkaย  khaliijkaย  ee aynuย ย  xoolaha u iib gayno, ka dib markii qiimahaย  shidaalka aadka uu hoos ugu dhacay.

Dhinaca kale Somaliland waxa horyaala fursado badan oo gudaheega ka jira sida in aynuย  ka faaidaysano khayraadka dhulkeena ku duugan bad iyo bariba,in aynu biyaha roobka ee bada gala farsamoย  u helo,in aynu dhaqaalaheena yar si wacan u maamulo,in aynu isku diyaarino in aynu wax ka iibino dalalka dadkoogu badan yihiin ee aynu la jaarka nahay ,iwm. Hadaba,suโ€™aashu waxa weeyi,yaa Somaliland caqabadahaa ka saari kara,isabadalka la rabana ka dhalin kara?,labada murashaxa ee ugu cad cadi waa Muse Biixi Cabdi iyo Cabdirahmaan Cirro,hadaba labada keebaa dhalin kara isbadalka loo jeelan yahay?

  1. Murashaxa xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Cirro.

Mudane, Cabiraxmaan Cirro waa Murashaxa Xisbiga Waddani,waxana uu ahaa 12 sanno ee u danbeeyay hogaamiyaha dhadhaar ka mid ah saddexda dhadhaar ee dawladu ka kooban tahay (fulinta,garsoorka,iyo sharci dajinta). Maadaaba oo uu dhadhaarkii sharci dajinta ku guuldarastay,waxba soo kordhin mayso in Madaxwayne laga dhigaa. Taย  kale, nimanka imika Waddani,wadahadalkaย  la bilaabay,waaย  kooxdiiย ย  wixiiย  Kulmiye iyo Madaxwayne Siillanyoย  ka khaldamay masuulka ka ahaa,oo wax badan oo Kulmiye maanta gaadhi lahaana,adhaxda ka jabiyay. Sidaa daraadeed Cirro iyo kooxdaasi waa dadka ayย  tahay in dalka laga qabto si isbadal iyo horumar loo gaadho. Somaliland ooma baahna nin ay koox ay isku reer yihiin ku adeegato. Mudane Cirro, 12-kii sanno ee u danbeeyay waxa uu ahaa gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, oo ah golaha laga curiyo shuruucda laf dhabarta u ah horumarka iyo dawladnimada Somaliland, golahaasi Cirro waxa uu ka dhigay Gole laga tukaamaysto (Shopping Center) oo ay ka tukaamaystaan danahoogana ka dhamaystaan kolba cidii dan ka lehi,isagoo Cirro dano shakhsi iyo dano siyaasadeed ku badashay waajibkii ka saaraa in uu ka guto mooshinada iyo sharciyada golaha la hor keeno. Waxa kaleย  oo u ka gaabsaday in uu golohu xakameeyo golaha fulinta ee dawladeena,balse waxa uu isku furay labadiiย  waaxood. Waxa ay dadka arrimaha golaha la socdaa ay sheegeen in si khaldan loo maamulo miisaaniyada golaha iyo hantida kale ee goluhu leeyahay.Safarada dibada uu ugu baxo Cirro waxa ay la xidhiidhaan danaha gaarka ah ee xisbigiisa Waddani (Conflict of interest) isagoo huwan shaadhkii golaha wakiilada.

Doorashooyinka iyo geedi socodka dimoqoraadiyada Somaliland waxa uu kaga jiraa kaalin laf jab ah,isagoo 12 sanno ee gudoomiyaha golaha ka ahaa aan maalin qudha ka hadal caqabadaha la xidhiidha doorashada baarlamaanka, taasi oo maantaย  xalkeega lagu dawakhsan yahay. Sidoo kale waxa uu cagajiid ku hayaa doorashada madaxtooyadaย  oo uu aad ooga cabsi qabo.

Waxa uu aanu ilaa imika qaban shirwaynihii xisbigiisa,kaasi oo kolba dib u dhacaya,iyadoo waliba murashixii labaad ee jagada madaxwayna ku xigeenka uu tahli kari waayay ilaa imika qaab uu u kala saaro, isagoo ka meermeeraya in ay cod ku kala baxaan, balse waxa uu hoosta ka wadaa qorshe uu leeyahay reer Awdel iyagu ha soo kala saaraan saddexda murashaxa,taasi oo laf jab ku ah xisbigiisa,muujinaysana farsamo laโ€™aanta iyo dabacsanaanta qaab hogaamintiisa.

  1. Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi,

Mudane,Muse biixi cabdi ,xukuumada Kulmiye dibada ayuu ka joogay,wixii Kulmiye ka khaldamayna kooxda Waddani ku sii socota ayaa ka danbaysay. Muuse, Xisbiga Kulmiye waxa uu kala soo dabaashay caqabado badan, waana shakhsi goโ€™aan qaadasho leh,isbadalkuna kama maarmo goโ€™aan qaadasho iyo hal adaygnimo. Muuse biixi marna looma tirin karo khaladaadkii ka dhacay dawladnimada Somaliland mudadii Kulmiye dalka haystay,waayo isagu xil xukaamada kama haynin, wixii khaldamayna isaguun baa sixi kara waayo isagu dabaduu ka joogay dawlada, halka Cirro iyo nimanka imika wadahadalka kula jiraa ay wax badan isku soo shubshubteen, dawlnimadna si wada jir ah ay nabaro waawayn ugu wada gaysteen. Marka wax la saxayo cid waxa khaldan dibada ka joogtay ayaa loo diraa sida Muse biixi oo kale.

Dalku waxa uu baahan yahay laf jabkii ay ku rideen Xirsi,Duur,Cirro,iyo Wadaad Cabdirasaaq khaliif,iyagaa sharci dajintii iyofulintii si wada jir ah u kufsaday,oogana faaidaystay awoodihii qaranka in ay hantida dalka boobaan, ummadda isku diraan, qabyaalada koriyaan, dalalka jaarka iyo Somaliland madax isku galiyay. Sidaa daraadeed dalku waxa uu u baahan yahay Cirro iyo kooxdaasi cidii ka badbaadin lahayd cidaasina aniga sida ay ila tahay waa Muuse Bixi Cabdi, inkastoo uu ahaa guddoomiyaha Xisbul xaakimka haddana xukuumadda Somaliland sida aad la wada socotaan waxay u afduubnayd kooxdaa Xirsi horboodayo oo wax ay ka dhageystaan Guddoomiye Muuse iska daaye isaga dagaal kula jiray.

Waad Mahadsantihiin,

WQ,MAXAMED DAHIR AXMED