Isbedelka itoobiya iyo saamaynta mandaqada Soomaalida (WQ: WQ: Bashiir Maxamed Bashiir)

 

Shaki kuma jiro in soomaalidu il gaara ah ku eegayaan dhacdoooyinka ka aloosan itoobiya oo isbedel kasta oo ka dhaca raad ku yeelanyo soomaalida guud ahaan. Maanta marka aad eegto daruufaha ku gedaaman iyo isbedelada aan hore loo saadaalin ee ka dhacay  dalka itoobiya ayna sababeen kacdoonka saddex jirsaday,  wax ay saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelanayaan mandaqada Geeska Afrika gaar ahaa Soomalida.

Itoobiya waa dal ka kooban qoomiyado kala duwan oo aan isku af, diin, iyo dhaqan midna ahayn, kuwaas oo kala ah Orama, Tigree, Axmaaro, Somali, Canfar, Ganbela iyo shucuubta koonfurta itoobiya.

Itoobiya  waa Dawlada nidaam federal ah. Dawlad goboleedyada itoobiya waxa lagu saleeyaa qaab qoomiyadeed. Waana sagaal maamul goboleed iyo laba ismaamul magaalo.

Dalka itoobiya waxa ka taliya  xisbiga isbahaysiga EPDRF waxa uu ka kooban yahay 180 xubnood. Xisbiga EPDRF Waxa uu ka abuuuurmay is-garabsi ay sameeyeen xisbiga Oromada OPDO (Oroma People’s Democratic  Organization),  Xisbiga Tigteega TPLF,  (Tigrei people liberation front), xisbiga Axmaarada ANDM (Amhara National Democratic Movement)  iyo xisbiga Shucuubta  Koonturta itoobiya SEPDM (Southern Ethiopian People’s Democratic Movement).  180 xubood ee xisbiga EPDRF ka kooban yahay xisbi kastaa 45 xubnood ayuu leeyahay.

Iscasilaadii raysal wasaaraha itoobiya Hailemaria Desaleng 15 02 18, oo xilka qabtay 2012 ahaana gudoomiyihii isbahaysiga EPDRF (Ethiopian People Revolutionary Democratic Front)  waxa ay sababtay in dalka itoobiya xaalad degdeg ah lagu soo rogo.

Maxaa sababay in RW H Desaleng xilka iska casilo?

waxa sababay in uu xilka ka huleelo culays  siyaasadeed  iyo xasilooni darro badan, culays ugaga yimid dhinaca Jananada Tigray-ga ee gaashaandhiga iyo sirdoonka ay taladu ka go’do, kala qaybsanaan xisbiga EPDRF iyo Banaan baxyo  lagaga soo horjeeday oo qawmiyadaha Oramda iyo Axmaaradu hor-boodayeen  walina ka aloosan itooobiya.

Sababha kacdoonka itoobiya

Itoobiya waa dalk guun ah. Siyaasad ahaaan iyo dhaqaale ahaana waa dal xidhxidhin oo aanay suurto gal ahayn in si dhib yar loola falgalo. Waa dal cabudhinta, cagojuglaynta, iyo xoog ku muquuuninta cida dhaqdhaqaaq mucaarid la timaada xadhkaha loo gooyo. Xilligii soomaliya burburtay 1991 kii itoobiya lafteeda waxa ka dhacay isbedel la mid ahaa kii soomaliya ka dhacay laakiin arrintii itoobiya waxa soo dhex galay dalalkii danaynayey waxa ayna ku guulaysteen in aanu ka dhicin dagaal qoomiyadeed itoobiya.

27 sano oo uu qaab rabshado leh iyo qoriga caaradiisa ku maareynayay xisbiga EPDRF  oo Tigreegu awooda u badan  ku leeyihiin,  halkii ay sinaan iyo cadaalad ku hogaamin lahaayeen, cabudhintii iyo muquunintii qawmiyadiha waxa ay danbarsatay in  qoomiyada Oromada oo in badan hooska duliga hoos huruday baraarugto, waxa ay  kaliftay in itoobiya xaalad cakiran soo foodsaarto oo xal iyo xakamaynba u waydo xalinta duufaanada qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada isgarabsanaya.

Saamaynta mandeqada soomaalida

Itoobiya  waa dal aynu jaar nahay, inta adduunka la duubayana jaar baynu sii ahaan doonaa. Waxa innagu waaajib ah in aynu fahano dhacdooyinka ka aloosan saamaynta ay inagu yeelanayaan laba xaal dhanka ay u dhacdaba. Tusaale xaaladda cakiran ee hada cirka isku shareertay waxa ay si toggan u saamaynaysaaa siyaasad ahaaa, nabad galyo ahaan, dhaqaale ahaan intaba.  Amuurahanai waxa lagama maar maan u tahay mustaqbalkeena. Tigeegu waxa ay u tafaxayteen inay wareejiyaan xukunkii itoobiya

Dawlad Deegaanka Soomalida itoobiya waxay ay khalad wayn  gashay markii ay horbooday cabudhintii kacdoonka Oramada iyaga oo si badheedha ah u garab istaagay qawiyada laga tirade badan yahay ee Tigreega oo isbahaysi kala dhexeeyay, sidaasna waxa ay colaad  badan uga kasbatay Oramda. Khaladkii ay galeen waa mida hada keenaysa in Dawlad Deegaanka Soomalidu dareemo khatar ku soo fool leh hadii uu dalka u gacan galo Oramada xanafta dhulku kala dhaxayso. DDSI waxa looga fadhiyaa in ay midayso soomaalida taladana qaybsadaan marxaladda cusub ee dalku galay, si aan mar kale loo liqin waa in ay cadka xaqa u leeyihiin ka helaan si waadixa waliba.

 

WQ: Bashiir Maxamed Bashiir

Bashiirmaxamed653@gmail.com