Isbedelka togan ee mandaqadda iyo sida siyaasiyiin Somaliand aqoon-darri dartee u il-duufayaan! (WQ: Maxamed Xaaji Maxamuud)

 

Itoobiya horumar weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah ayey sameysay, mar labaad waxa ay ku soo noqotay korniin dhaqaale oo laba god leh ah (double digit growth economy). Arrinani waxa ay dhacday maalintii jimcaha ee 24 February 2017. Waxa hubaal ah in haddii xaalku sida tan u socdo ay Kenya dhaafi doonto sannadkan amma ka danbe. Waxa ay dhawaan bilaabaysaa dhismayaal dhuumaha shidaalka qaada ah oo uu China maalgalin doono oo South Sudan iyo Djibouti laga soo jiidayo. Ogow in helista tamartu tahay xooga dhaqaajiya dhaqaalaha.

Dhanka kale ciidan ahaan waxa ay noqotay 12 cisho ka hor dalka saddexaad ee Afrika ugu quwadda weyn. Waxa kaliya oo ka horreeya dalalka Masar iyo Algeria. Waxa aan ogahay haddii dhaqaale iyo quwad siyaasaddeed oo dhanka military ga ahi dal isku raacdo in dalalka aan itaalka lahayn ee jaararka la ahi ay caloosha dalkaa ka dhex qaylin doonaan. Kaliya se waa haddii ay bilaa barnaamij noqdaan. Dalalka, Djibouti, Sudan, iyo Kenya arrintan ma moogana. Waa Djibouti e, ciidan ka warwari mayso oo waa Satellite Country waxana ilaaliya dalka France, dhaqaalaheeduna si weyn ayuu u korrayaa.

Sidoo kale dhammaan dalalka kale iyana korniin fiican ayey ku socdaan dhammaantood oo ka sarreeya 5%, marka laga reebo Eritrea oo iyada cunaqabatayn iyo cadaadis siyaasi ahi kadeeday, iyo South Sudan oo ilkaha isku la jirta si ay isku feenato. Dad badan ayaa sidan fahamsaneyn e, haddii dalalka jaarka ahi kobac dhaqaale oo sida tan ah la yimaadaan faa’ido weyn ayaa ku jirta. Waa haddii faa’ido doon la yahay, haddii kale khasaare weyn ayaa ku jira, waa haddii fadhiid la yahay oo siyaasiyiintu boob kaliya ka adag yihiin eh.

Dhanka wanaagsan ee faa’idada badan aan ka istaagno e, ammuurtan Somaliland aad ayey uga faa’idi kartaa, dhan walba marka la eego haddii ay siyaasad arrima dibeddeed oo mug leh la timaado. Alle fursadda siyaasaddeed ee maanta dalku haystaa weynaa, waxa se nasiib-darro ah in afar booba yaa waddani ku indho xidhmay dawladnimadii waxtarka keeni lahayd hoggaanka u hayaan oo aaney ka faa’ideyn karayn. Haddii khatartaa iyo faa’idadaa is barkan si weyn oo mug leh loo fahmi waayo waxa hubaal ah in dhanka khatarta badan si kama ah loo gu huleelli doono, dabeetana shuf beel weyni dhici doono. Soomaaliya iyada waan u ducayneynaa in wanaagga Alle garansiiyo.

 

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk,ย mohamedomar1@hotmail.com.