Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarintu waxa ay 8-dii bilood ee u dambeeyey ku howlanayd diyaarinta Qorshaha 2aad ee horumarinta qaranka oo shaqayn doona muddo shan sano ah, 2017 ilaa 2021. Iyadoo laga duulayo najiitada kasoo baxday wada tashiga iyo daraasadaha ballaadhan ee la sameeyey, waxa maanta bilaabmay (26/02/2017) )13 kulan-howleed oo loo qaban doono wadaagayaasha(sectors) kala duwan ee uu ka koobanyahay qorshaha horumarinta qaranka, waxayna dhammaan doonaan 01/04/2017. Kulamadan waxa lagu jaan-goyn doonaa qorshaha horumarinta qaranka ee shanta sano ee soo socota bilaabmay (26/02/2017).
Kulan hawleedkan waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka wasaarada qorshaynta qaranaka iyo horumarinta Md.Maxamed Ibrahim Aadam Qabyo tire waxaana hadaladiisii kamid ahaa:
“Si loo ogaado xaaladda guud ee dalku ku suganyahay, waxa daraasad ballaadhan iyo xaqiiqo raadin lagu sameeyey xaaladda dhaqan-dhaqaale ee dalka iyo dhammaan wadaagayaasha (sectors) qorshaha horumarinta qaranka.”
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay wasiiru dawlaha wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada md Cabdi Dahir Camuud”ayaa waxaa uu ka hadlay sida uu muhiim u yahay in ladiyaariyo qorshe horumarineed iyo sida ay diyaarka ugu yihiin wasaarad ahaan.
Intii kulan hawleedkani socday ayaa waxa lagu soo bandh
igay warbixino la xidhiidha qorshaha 2aad ee horumarinta wasdanka 2017-2021 iyo sida loo sameeyey qorshahaasi.
Waxaa la filayaa dhammaadka kulan hawleedkani in ay kasoo bixi doonaan qodobo muhiim ah oo qayb wayn ka qaata qorshaha horumarineed ee waddanka.