Isdilitaankii ugu layaabka badnaa taariikhda Maraykanka (WQ: Eng Askar Yuusuf)

Ronaldo Abos markii uu go’aansaday in uu is dilo waxa uu adeegsaday qaabkii ugu fududaa ee uu isku dili karayey oo ahaa in uu iska soo tuuro fooq dheer oo uu deganaa. Waxa uu iska soo tuuray dabaqii tobnaad waxana uu ehelkiisa uga tegey warqad uu ugu sheegayo sababta uu isku diley oo ahayd in uu nolosha ka quustay.

23 March 1994 markii meydkiisa la baadhay ayaa waxa la ogaaday in Ronaldo Abos uu u dhintay rasaas madaxa kaga dhacday ee aanu u dhiman dabaqii uu iska soo tuuray, waxa kale oo baadhitaanka lagu ogaaday in rasaasta ku dhacday Ronaldo ay ka soo baxday mid ka mid ah daaqadaha dabaqa sagaalaad isla markii uu Ronaldo soo dhacayey.

Qolka ay ka soo dhacday rasaastu waxa deganaa lamaane da’ ah oo caan ku ahaa dagaal iyo khilaaf joogto ah oo dhexdooda ka dhaca. Waxa la yaab leh markii Ronaldo uu iska soo tuurayey dabaqa in odaygu uu islaantiisa ku handadayey bistoolad isaga oo aad u cadhaysan ka dibna uu qabtay keebka bistoolada sidaasna ay rasaastu ku baxday bal se ay ka fogeyd islaanta oo ay ka baxday daaqada markii uu Ronaldo is dilaayey kadibna ay rasaastii ku dhacday Ronaldo madaxiisa oo ay sidaasna ku sababtay dhimashadiisa.

Waxa aad u malaynaysaa film Hindi ah sow ma aha? Bal sug oo intana ila akhri.

Maxkamada markii la tegey ayaa odaygii waxa lagu eedeeyey dil kama’ ah bal se isaga iyo xaaskiisu waxa ay ku madax-adaygeen in ay mar walba is dagaalaan oo uu odaygu caado u leeyahay in uu islaanta bistoolad ku handado waxa aanu odaygu aaminsanaa in bistoolada aanay rasaasi ku jirin waayo bistooladu waxa ay ahaan jirtay mar walba mid madhan.

Waxa kale oo la yaab leh in baadhitaanadu cadeeyeen in mid ka mid ah qaraabada lamaanuhu uu todobaad ka hor arkay inan ay lamaanuhu dhaleen oo bistoolada rasaas ku cabaynaya, sababtuna ay ahayd in islaantu ay u diidey inankeeda lacag ay siin jirtey. Inankii waxa uu go’aansaday in uu ka takhaluso aabbihii iyo hooyadii ((Lamaanihii)) waxa aanu ogaa in aabihii bistoolad madhan ku handado hooyadii dabadeed waxa uu ku fekeray in uu bistoolada cabeeyo si aabbihii u dilo hooyadii oo sidaasna uu laba shimbirood dhagax ugu wada dilo. Bal se nasiib darro rasaastii kuma ay dhicin hooyadii e waxa ay fadhiisatay Ronaldo madaxiisa isaga oo is dilaya, sidaas baanay eeddii dilka Ronaldo uga wareegtay odaygii oo ay ugu wareegtay inankiisii.

Ma yaabtay? In yar isug weliba…

Waxaas oo dhanba waxa ka yaab badan in Ronaldo laftiisu uu yahay inanka ay lamaanuhu dhaleen isla markaasna uu yahay qofka rasaasta ku cabeeyey bistoolada si uu uga takhaluso hooyadii iyo aabbihii.

Maadaama xaaladda dhaqaale ee Ronaldo ay xumaatay aabihiina uu ka daahay dilka hooyadii waxa uu go’aansaday in uu is dilo oo uu iska soo tuuro fooqii uu deganaa dushiisa, ka dib waxa la kulantay oo madaxa kaga dhacday rasaastii uu aabbihii soo riday ee uu Ronaldo laftiisu ku cabeeyey bistoolada, sidaas baanu ku noqday kii la diley iyo kii wax diley labadaba.

 

Eng Askar Yuusuf