Isku-eekaanshaha Kulmiye iyo kacaankii (WQ: Haldoor Ismaaciil Maxamed Aaden “Aden-Dhicir”)

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle waxaan waydiisanaynaa inuu inoo naxariisto abaarta arxanka darran uu inaga soo jebiyo dad iyo duunyaba Allow raxmad barwaaqeed Aamiin.

Sidaynu ognahay taariikhdu iyadaa is qorta dhacdooyinkuna markasta waa ku lamaane taariikhda , wakhti kastaana waayihiisa sheeko leh.

Dhiganne qoraaleedkayga maanta waxaan in yar is barbardhiga ama wax ka tilmaamayaa meelo ay iskaga eeg yihiin dawladii kacaanka dalkii Somalia laodhan jirray iyo xukuumada maanta ee Somaliland ee xisbiga kulmiye , haddba aynu eegno meelaha ay wadaagaan ee isku ee kaanshaha kulmiye iyo kacaankii.

#Kacaankii:

  1. Kacaanka waxaa gadhwadeen u ahaa askar iska fogeeyay dadkii aqoonta siyaasadeed iyo ta kaleba lahaa , waxay adeegsan jirreen caga juglayn iyo baqo gelin si maanka dadka looga gumaysto.
  2. Kacaanku wuxuu ku dhaqmaayay siyaasad ah cidkasta oo kasoo horjeesta waxay soo jeediyaan inay ugu yeedhaan kacaan diid iyo dib usocod iyada oo aanay jirrin wax xoriyad sheegtaaba.
  3. Kacaanku cidkasta oo ka hadasha ama lagaga shakiyo arimaha dawlada waxaa loo diri jiray xabsi dheer bilaa xeer iyo xukun amaba dhimasho aan laogayn.
  4. Kacaanku wuxuu dhagaysan waayay dadkii aqoonyahanka dalka iyo shuyuukhda iyaga oo qaraaro ilaa in la laayo ah ka gaadhay.
  5. Kacaanku wuxuu ahaa xukun keli taliye ah oo aan cidkale awood lahayn keliya qoyskaas iyo koox dhuuni ku heshiis ah ayuun bay ushidnayd kuna takrifalaayay dalka iyo dadkaba.
  6. Kacaanku wuxuu geli jirray heshiiyo qaarkood aan xitaa wasiiro waxka ogayn
  7. Kacaanka cidna ma daba gali jirrin hantidooda saacada ay doonaan bay soo daabacan jirreen lacag cadadkay doonaan ah.
  8. Kacaanku wuxuu ahaa kursi jacayl aadbaanay u ilaashan jirren manay ogokayn in lagala wareego talada dalka.
  9. Kacaanku wuxuu lahaa xaflado iyo fantasiyo ugaar ah oo yaga loogu dabaal deggo.

#Kulmiye:

  1. Kulmiye sidookale waxaa u gadhwadeen ah koox askar iyo jabhadiin isku jirra ah si dadbana iskaga fogeeyay cidkastoo lexo jeclo leh waxaanay adeegsadaan lacag si maanka dadka loo iibsado.
  2. Kulmiye wuxuu ku dhaqmaa in cidkasta oo kasoo horjeesta siyaasadooda xabsiga loo taxaabo xitaa xildhibaano laga saaro baarlamaanka iyaga oo u bixiyay horumar diid xoriyadiina laga dhigay mid qoqoban oo aanay horre u ahayn.
  3. Kulmiye cidkasta oo soo faro gelisa siyaasada ay yagu wadaan waxaa lagu iifinayaa toosh iyada oo kadibna loo dirrayo saldhiga bilaa xeer iyo bilaa xukun maxkamadeed.
  4. Kulmiye wuxuu waxba ka qorri waayay culimadii , aqoonyahan kii iyo weliba dhalinyaradii mustaqbalka ka lahayd dalka iyada oo loo wada dirray cidkastoo hadasha xabsi bilaa xukun.
  5. Kulmiye waxaa awooda isku koobay koox gaar ah oo dannaha dhuuniga ku heshiisay xaq iyo xaqdarrona ku ruuga awooda dalka oo sharaf laaan ah.
  6. Kulmiye wuxuu galay heshiiyo aan wasiirkii wasaaradaha heshiiska geleyay kuba oolin meesha sidoo kale waxay galeen kumanaan heshiis quud uun lagu cunay oo bilaa faaido ah.
  7. Kulmiye sidookale cidna ma xisaab oga intii ay joogeen dhawr jeer bay soo daabacdeen lacago aan loo baahnayn waana sixir bararka waxa keenay cidna mataqaan hantidooda shaqsi rag aan waxba hayn ayaa maanta buuxa balse e maaha xoogii iyo dhidid koodii ee waa cuqubo intay lee kaa taba.
  8. Kulmiye waa kursi jacayl mana ogola inay ka kacaan haddana muddo dhaaf 3 sanno bay maraysaa inay yaga dhaaftana ma raabaan ee waa heelanyihiin heeganka markale musuq , gar iyo gardaroba.
  9. Kulmiye maalin kasta wuxuu ku jiraa safar iyo xaflad keliya hanta uun ku dhimanayso ilaa haddana wax ay ka keeneen arimaha dibadda lama hayo.

Haa, 9 kaas qodob ee isku dhigma iyo kumanaan kale oo laheli karroba way iskaga eeg yihiin labada marxaladood.

Hadii aan xaalada hadu dib usoonoqon dalkuna ku noqon sidii fiicnayd kulmiyena aanu banyan kursiga ee sii fadhiyo uun waxaa imandoonta in dadku waxan jirra u adkaysan waayaan kadibna gadoodkii waagaasi uu markale curto waayo weli waxaa nool dad damiirku noolyahay oo aan maanka malax lagaga shubin.

Ugudambayn waxaan ku gabo-gabaynayaa in layeesho tudhaale qarran iyo umadeed cidna aanay taariikh xun qaadan oo dhaxal unoqota isku tanaasul iyo wax wada qabsi gacmaa is haysta Alle hayna siiyo Aamiin.

………Wabilaahi Tawfiiq……

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55

On Feb 21, 2017 13:21, “abwaan Ismail Mohamed dhamme” <ismail1234921@gmail.com> wrote:

Sooyaal Taariikheedka Farta Soomaaliga..Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.

Maanta waxaa 46 sano laga jogaa markii ugu horreysay ee uu soo baxo wargeys ku qoran farta Soomaaliga, waa sidoo kale maalintaas uu manhajka dalkii Somalia laysku odhan jirray isku bedalay farta Soomaaliga.

46 sano ka hor Soomaalidu ma aysan lahayn far qoran, Xiligaas dalkii somalia laodhan jirray ma lahayn far la qorro, Waxaa lagu xidgiidhi jirray dhanka qoraalka Afaf qalaad iyo waliba suugaanta oo ahayd mid wax layskugu Gudbiyo.

Umad waliba waxay leedahay hido iyo dhaqan u gaar ah sidoo kalena soo jireen ah, laakin waxa lagu kala hor maro waa xifdinta hidahaas, iyada oo qoran iyo sida loo ilaashado.

Maanta, waxbarashadu waa mid ku baahsan guud ahaan dalkii laysku idhan jirray somalia, dugsiyo iyo Jaamacado ayaa meel walba daadsan, Laakin nasiib daro, waxaa wax lagu bartaa luuqado shisheeye sida Ingiriis-ka, Carabiga iyo Afaf kale oo aan Soomaaliga ku jirin.

Iyada oo AF Soomaaliga uu isaga oo hal xiisad ah ku jiro jadwalka waxbarashada iskuulaadka dalka halka aanu jaamacadahana kagaba jirrin.

Xafiisyada dowladda, qoraalada, bandhigyada, xayeysiisnta, jagooyinka iyo dhamaan hay’adaha dowliga ah ee dalkii lasku odhan jirray somalia haddana kala ah jamhuuriyada federaalka somalia iyo jamhuuriyada somaliland waxaa lagula  xidhiidhaa Afafka qalaad halka Afkeenu kusoo ururay ku hadalka oo kaliya weliba hadalkii oo hadda jacbur sii maraya.

Sida dastuuriga ah ee ku qorran dastuurada laba dal ee somalia kala noqotay , dowladdu waa in ay ururisaa, ilaalisaa waxyaabaha taariikhiga ah ee dalka afka iyo dhaqanka, iyadoo horumarinaysa aqoonta iyo farsamada xilkaas lagu gudan karo.

Sooyaalka Qoraal Ee Far Soomaaliga:

1920-kii ayey ahayd markii la soo bilaabay hindisaha qorista rasmiga ah ee afka Soomaaliga, ilaa xilligaasna waxaa lagu taamayey in si rasmi ah loo qoro, Cusmaan Yusuf Keendiid oo ka mid ahaa dadkii xukumayey beelaha Soomaalida qaarkood, fadhigiisuna ahaa magaalada Hobyo ayaa waxa uu soo saaray far lagu magacaabi jirey Cusmaaniya sanadii  1922-kii, fartaasi meelo kooban ayay ka shaqaysay, mana ahayn mid dalka ku wada baahday.

1950-1960-kii, waxaa socdey dood ah sidee loo qori lahaa af-Soomaaliga, waxaa jiray loona badan, rag badan ayaa dadaal sameeyay, waxaa lagu muran sanaa Ma Carabi mise  laatiin?

Ragga dadaalka sameeyay waxaa ka mid ahaa Ibaahim Xaashi Maxamud , Shire Jaamac Axmed, Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal iyo Xuseen Sheekh Axmed Kadare, dhamaan raggaasi waxaa ay soo saareen qoraalo farta ah intii u dhaxeysay sanadihii 1950-1961-dii.

Sidoo kale waxaa jirray fartii looyaqaanay far Samaroon iyo ninkii laodhan jirray sh yusuf alkawnayn oo isna ahaa ragga dedaalka sameeyay ee qoraalka keenay.

July 1,  1961-dii, markii dalalkii ay xoriyada qaateen ee midoobeen somalia iyo somaliland , Waxaa lasoo bandhigay dhowr qoraal waxaa ka mid ahaa farta Shire Jamaac Axmed oo Laatin ahayd  iyo faro kale, tanina waxa ay ka dambeysey kadib dowladdii xiligaasi jirtey ee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan ay saartey guddi kasoo baaran dega qoraalka farta Soomaaliga.

#Xubinihii_Guddiga

1.Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal, Guddoomiye,
2.Yaasiin Cusmaan Yuusuf – xubin
3.Maxamuud Saalex (Ladane)- Xubin
4.Ibraahim Xaashi Maxamuud – xubin
5.Khaliif Suudi- Xubin
6.Mustaf Sheekh Xasan- xubin
7.Shire Jaamac Axmed- Xubin
8.Xuseen Sheekh Axmed (Kaddare)- Xubin
9.Yuusuf Maygaag Samatar- Xoghayn

Guddigaasi hawshooda waxa ay ka socon wayday isqabqabsi dhexdooda ah maadaamaa rag iyaga ka mid ah ay doonayeen in iyaga fartii ay soo hindiseen la qaato.

waxay gudigu ku taliyeen in farta Laatiinka la qaato, taasi oo ay ku taliyeen inay noqoto farta ummada somaliyeed kana mid ahayd faraha miiska saarnaa ee qornaa.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa  keensatay khubaro ka socdey UNESCO, si arintan ay wax uga qabtaan, taasina ma dhicin in laga midho dhaliyo oo weli waxaa sii socday is qabqabsi.

Markii ay soo ifbaxday in Farta Laatin lagu qorayo Soomaliga waxaa mudaharaad-yo ka dhaceen dalkii la isku idhan jirray Soomaaliya oo lagaga soo horjeedey in lagu qoro Laatiinka, waxaana dadka laga dhaadhiciyey in ay ka soo hor jeestaan in lagu qoro laatiinka, taas oo masaajidda laga iclaamiyey in shacabku ka soo hor jeestaan waayo, ayey yiraahdeen, “Laatiin waa Laa-diin” oo micnaheedu yahay “Farta Laatiinta waa Diin La’aan” iyada oo loo tiirinayay in farta Laatiinku tahay tan wadamada islaamka aan ahayd ay wax ku qortaan.

October 21, 1969: Markii uu dalkii la isku idhan jirray Somalia inqilaab kula wareegay  Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa uu dib usoo nooleeyay fikradii qoraalka farta Soomaaliga.

21 January 1971:  Waxaa la dhisay guddiga Af-Soomaaliga, gudigan waxaa dhisay golaha sare ee kacaanka si ay u sameeyaan xarfaha ugu haboon ee lagu qorrayo Soomaaliga.

Guddigan waxaa uu ka koobnaa 21 qof oo ahaa xeeldheerayaal Afafka ah  iyo labo lataliye.

#Xubinihii_Guddiga

1.Sharif Salah Mohamed Ali, Gudoomiye
2.Yaasin Cismaan Keenadiid
3.Mustaf Sheekh Xasan
4.Axmed Cali Abokar
5.Yuusuf Xirsi Axmed
6.Muuse Xaaji Ismaaciil Galaal
7.Cabdidaahir Affey,
8.Aw Jaamac Cumar Ciise
9.Dahabo Faarax Xasan
10.Cabdulaahi Xaaji Abuubakar
11.Cabdullaahi Ardeeye
12.Xasan Sheekh Muumin
13.Maxamed Nuur Caalin
14.Maxamed Xasan Aaden (Gaheyr)
15.Xirsi Magan Ciise
16.Cumar Aw Nuux
17.Cabdullaahi Xaaji Maxamuud (Insaaniya)
18.Iikar Bannaa Xadaad
19.Aaqib Cabdullaahi
20.Xuseen Sheekh Axmed Kadare
21.Axmed Cartan Xaange
22.Maxamed Xaaji Xuseen Sheeko Xariir
23.Cabdiraxmaan Nuur Xirsi
24.Shire Jaamac Axmed

Guddigan waxaa uu lahaa guddi hoosaadyo sida mid qaabilsan qorista  Qaamuuska, kaTaariikhda ,  Juqiraafiga, Sayniska, diyaarinta kutubta dugsiyada iyo naxwaha.

Guddiga Afka Soomaaliga ayaa farta Roman-ka ama Laatiinka in lagu qoro Afka Soomaaliga, sababtuna waxay ahayd maadaamaa makiinadihii xafiisyada yiiley ee teebka ay ku qornaayeen fartaasi laatiinka inbadana lagu tallo bixiyay isla fartaasi.

Muddo  22 Bilood gudahood ah ayaa waxaa lagu diyaariyey  Buugaagta Dugsiga dhexe, xarfaha higgaadda Af-Soomaaliga oo ka kooban 5 Shaqal  iyo 21 Shibbane.

Si ka duwan sidii 1961-dii, Ma dhicin wax mudaaharaadyo ah ama cadaadis ku yimid guddigan si farihii tartamayey midkood loo soo sooco, sababtuna waxay ahayd xukunkii adkaa ee dowladdii Maxamed Siyaad Barre.

Markii la sameeyey dhamaan waxyaabihii loogu diyaargaroobayay qorista Afka Soomaaliya, ayaa si rasmi ah loo shaaciyey qoraalka farta sanadii 1972-kii.

Hawlaha la qabtay waxaa ka mid ah dajinta naxwaha Afka sida  Magac, fal, Fal-kaab, Magac u yaal, Sifo, laakiin sidaasi oo ay tahay wali naxwaha iyo ebyidda afka waa mid qabyo ah, una baahan hawl badan oo kaabid iyo dheeli tir dhamaystir oo la sameeyo.

Waxaa iyana la qorey qaamuus, hase yeeshee markii uu ku dhamaan waayay xiligii loogu talogalay ayaa wasiirkii hidaha iyo tacliinta sare  waxaa uu sii wadistiisa hawsha dhamaystirka qaamuuska u  xilsaaray Cabdiqaadir Farax Bootaan oo ahaa nin ka tirsan  Akaadeemiyada Fanka iyo Dhaqanka , hase yeeshee waxaa si weyn u caan baxay oo fidey Qaamuuskii uu qorey Yaasiin Cusmaan oo lasoo saaray sanadkii 1976-dii

Qaraar dowladdii Soomaaliya kasoo baxay taariikhdu markii ay ahayd  21 1972-di in afka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya uu yahay Afka Soomaaliga ee “Maxaa Tiri”

Markii fartii la dhamaystirey, lana diyaariyey dhamaan agabkii loo baahnaa haddii ay buugaag ahaan lahayd iyo haddii naxwe ahaan lahayd, ayaa waxaa loo baahday in dalka iyo dadka lagu baahiyo, waxaana sidaasi ku biloowdey ololihii Farta sanaddii 1972-dii , Ololahaas oo ay Dawladdii Siyaad Barre  markii dambe ku baahisay  dhammaan deegaamada dalka, dadka reer miyiga ah ama reer guuraagu aad ayey wax u barteen waxaana soo abxay ololihii bar ama barro.

Warbixino ay hay’ado diyaariyeen waxaa lagu sheegay in Ololahan uu kor u qaaday  aqoonta dadka min 2% ilaa 55%.

Xiligii ay jirtay dowladdii kacaanka waxaa dugsiga lagu baran jiray farta Af soomaaliga dhamaan maadooyinka manhajka ku jirey sida seyniska, xisaabta iyo wax kasta oo kale.
Luuqadaasina waxay ahayd midda u muddan ee wax barasho iyo wareegto kasta oo qoraal lagu samayn jirray.

Waxaa Xasuusin muddan in ummad kastaa keliya ay ku horumarto luuqadeeda hooyo hadii ay tahay barasho iyo qoraal kaleba nooluhuna waxa ay kukala horeeyaan hadba waa ibta ay dhexdoosa is fahmaan keliya waxa ay iaku fahmi karaana waa luuqad dooda hooyo.

Alle haynaga dhiggo kuwii fartooda qoraal iyo afkooda soomaaligaba ilaashada kuna dhaqma waxna ku wadaaga siaynu dhexdeena isu fahano una tanaadno waayo is fahan la’aanta ina haysa waxaa keenay luuqadahan qalaad ee inagu dhex jirra.

………Wabilaahi Tawfiiq……

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan
Abwaan Dareen Cabirre Ah
Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha
Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan
Kafaalooda Arimaha bulshada
siyaasada Somalida Iyo Caalamka
Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah
Dhexdhexaad Xeer-beegti ah
Xil Guudna Sidda.

Email: Ismail1234921@gmail.com
Mob: +25263 409 48 55