Raage Oomaar oo ka hadlay dhagar-qabeyaasha lagu casuumay caleemo-saarkii Farmaajo

 

Raage Cabdillaahi Oomaar oo ah suxufi iyo qoraa caalami ah oo dunida laga qaddariyo ayaa muujiyey sida uu uga xumaaday in xafladdii lagu caleemosaarayey madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ee lagu qabtay Maddaarka Muqdisho lagu casuumay Jeneraal Moorgan oo ka tirsanaa saraakiishii sarsare ee xukuumaddii Kali-teliye Maxamed Siyaad Barre kuwaas oo loo haysto in ay Somaliland ka gaysteen xasuuq iyo dambiyo kale oo lid ku ah bani’aadanimada.

Raage Oomaar wuxu barta uu ku leeyahay Twitter-ka shalay soo dhigay sawir uu ka dhex muuqdo Jeneraal Moorgan, waxaanu ku dul qoray ereyadan af-Ingiriisiga ah:

AbdihakimAinte, Yes… I can see a lot of disturbed, upset and uncomfortable people at this ceremony

Ereyadaas oo macnahoodu yihiin Cabdixakiim Cayntoow, Haa xafladdan waxan ku arkaa dad badan oo laga xumeeyey jawiga, cadhaysan isla markaana ka diiqadaysan (ag-fadhiga Moorgan).”

Xarunta Baadhitaanka Xasuuqyadii Somaliland ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa marar door ah Moorgan ku eedaysay in uu masuul ka ahaa xasuuq loo gaystay ugu yaraan 50,000 oo qof, barakicinta dad ka badan hal milyan oo qof, duminta badiba magaalooyinka Somaliland, dhiiri-gelinta kufsi-wadareedyo, dhaca hanti dadweyne iyo dambiyo kale, kuwaas oo dhacay sannadihii 1980-maadkii wakhtigaas oo uu Moorgan madax ka ahaa Guutadii 26aad ee ciidamadii Soomaaliya, guutadaas oo Siyaad Barre u qaabilsanayd maamulidda gobolladii la odhan jiray Waqooyiga Soomaaliya.

Xaruntan oo daraasaysa isla markaan kaydisa raadadka xasuuqyadii ka dhacay Somaliland ayaa sheegtay in ay hayso caddaymo dhammaystiran oo ay hor keeni doonto marka la helo maxkamad caddaaladeed oo la soo taago Moorgan iyo raggii la midka ahaa.

Jeneraal Moorgan ayaa gabood ka dhigtay waddamada Soomaaliya iyo Kenya, kuwaas oo aanu dhinacna uga bixin tan iyo burburkii xukuumaddii Siyaad Barre 1991, isaga oo ka baqa haddii uu tago waddamada caddaaladdoodu sugan tahay in la maxkamadeeyo, taas oo ku keentay in uu xataa reerkiisa ku booqan kari waayo Maraykan oo ay u qaxeen 1991 walina deggan yihiin.

Hay’adaha caalamiga ah ee u dooda xuquuqda aadamaha sida Amnesty International iyo Human Rights Watch ayaa iyaguna sannadihii uu xasuuqani socday diwaangeliyey xad-gudubyada bani’aadanimo ee loo haysto saraakiishii xukuumaddii Maxamed Siyaad barre, isla markaana war-saxaafadeedyo door ah ku soo saaray.

Saraakiishaas gaysatay gabood-fallada ka dhanka ah xuquuqda aadamaha ee uu Moorgan foolaadka u yahay ayaan ilaa hadda la hor keenin maxkamad caaddaaladeed marka laga reebo Jeneraal Cali Samatar oo ahaa ku-xigeenkii Siyaad Barre oo maxkamado dhawr ah oo Maraykan ahi ku heleen dambiyadaa kuna xukumeen 7 milyan oo Doollar oo mag-dhaw ah.

Beesha Caalamka ee maamulaysay isla markaana maalgelinaysay doorashooyinka Soomaaliya ayaa Jeneraal Moorgan ka hor istaagtay in loo doortay Aqalka Sare ee Soomaaliya iyagoo sheegay in uu ka mid yahay dad loo haysto  xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.

Jeneraal Moorgan ayaa dadka Somaliland ugu suntan astaan lagu xasuusto burburkii iyo halaaggii ay Somaliland ka soo martay midwogii ay la gashay Soomaaliya. Sannad kasta waxa daadku meelo kala duwan oo Somaliland ah ka soo faqaa xabaal wada-reedyo ay ku aasan yihiin boqollaal qof oo gacmaha la isugu xidhay kadibna la toogtay, kuwaas oo isugu jira rag, dumar iyo carruur.

Lama oga in uu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Moorgan ku casuumay munaasibaddan iyo in ay si kale u heleen marti-qaadka, waxayse astaan u tahay suurta-galnimada ay Moorgan iyo saraakiisha kale ee dambiyada loo haystaa galaangal iyo gabood uga heli karaan Farmaajo oo ay reer ahaan is xigaan Maxamed Siyaad Barre oo ah qofkii ay saraakiishaasi ammarada ka qaadanayeen.

Haddii ay Farmaajo ka dhab tahay sawirka uu tusay Soomaalida ee ah in uu yahay nin daacad ah, Soomaalidu meel ay joogaanba u siman tahay, isla markaana hadafkiisu yahay sugidda caddaaladda, waxa la gudboon in uu ka fogaado maamulkiisana ka fogeeyo cid kasta oo sumcaddiisa dhaawacaysa maamulkiisana u ekaysiinaysa mid reereed.

Raage Oomaar oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland wuxu ka mid yahay suxufiyiinta ugu caansan caalamka waxaanu ka soo shaqeeyey telefishannada BBC, Aljazeera, Channel 4 iyo kuwo kale oo aad loo daawado, wuxuuna qoray buugaag door ah oo lagu turjumay afaf tiro badan sida Only Half of Me: Being a Muslin in Britain iyo Revolutionary Day: The Human Story of the Battle for Iraq.

Raage waxa lagu yaqaan in uu ka soo warramo meelaha ay Muslimiintu ku nool yihiin ee colaadaha iyo gummaadku ka socdaan iyo difaacadda umadaha islaamka ah ee ku dhex nool dadka ka tirada badan ee diimaha kale aaminsan.

Bandhige News

Bandhige@gmail.com