Islaam nacayb ka Reer galbeed iyo Mustaqbalka Bulshada Muslimka ah (WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Muslim nacaybku waa mid si adag ugu soohan fikirka iyo dhaqanka dowladaha Galbeedka. laakiin labaatankii sano ee ugu danbeeyay ka hor, nacaybkaasi wuxu inta badan ku koobnaa aqoonyahanka, sirdoonka, iyo siyaasiyiinta; dadka inta la isku yidhaa “indheer-garadka” ee taladuna ka go’do.

Muslim nacaybkaas waxa uu ka beermi jiray Jaamacadaha iyo xarumaha cilmi-baadhisaha iyo dejinta siyaasada. waxaana fulintiisa qaabilsanayd Wasaarada arimaha dibada, gaashaan dhiga iyo sirdoonka. Dadka shacabka ahi war badan kamay hayn, doodaasina soomay gaadhi jirin inta badan. sababta oo ah warbaahinta oo si buuxda gacanta dowlada ugu jirtay oo ay xakamayn karaayeen iyo isku furnaanta bulshada oo yarayd.

Waxa iyana muhiim ah in ay aad u yarayd Hijrada ay dad badan oo aqlabiyadoodu tahay Muslimiin ay wadamadoodi kasoo baxsadeen.

Labaatankii sano ee ugu danbeeyay, waxa aad usoo kordhay Muslimiinta wadamada Galbeedka soo degaaya, iyagoo wada caqiidadoodii, dhaqankoodii, luqado kale, iyo dhibaatooyin bulsho oo ay dhulkoodii kala yimaadeen. Taasi waxay keentay is dhexgal wayn oo dhaca iyo loolan nolosha iyo jiritaanka ku saabsan oo dhex mara bulshada soo galootiga ah iyo bulshadii sii deganayd.

Arinkaas waxa dhinac socday, xoogaysiga warbaahinta bulshada. Warbaahin ka madax banaan xakamaynta Dowlada, xawaaraha ay ku socotaana dheeraynayo. Ku darso oo Wadamada Galbeedku aduunka iyagaa ku hogaamin jiray dhaqaalaha, tiknooloojiga, iyo cududa military. Xiligan sadexdaas awoodoodba waa lagu haystaa; dhaqaalihii hoos ayuu u dhacay oo wadamo badan oo faqiir ahaan jiray ayaa kor maray, tiknoolajiyadii waa lala wadaagay, awoodii ciidana wadamo badan ayaa kaabiga u saaran inay ka awood bataan inta badan wadama Reer galbeedka.

Warbaahinta cusub ee “Social media” waxa ka faa’iidaystay Aqoonyahan xagjir ah oo Muslim nacaybku biyo dhigay oo ku oodnaa Jaamacadaha iyo xarumaha kaleba, beryihii horena la’aa meel ay afkaartooda ka faafiyaan, mar hadii warbaahintii dowladu gacanta ku hayso. Kuwaasi waxay heleen minbaro “Platforms” ay suntooda ka afuufaan iyadoo qaar badan ay yeesheen taageerayaal kumanaan gaadhaya.

Xagjirayaashani waxay yool ka dhigteen cadowgoodii taariikhiga ahaa oo imika sooba dhawaaday oo agtooda soo degay: waa muslimiinta’e.

Iyadoo barobagaandada sunta ahi ay kusocoto bulshada garab-raratada ah ayaa waxa ugu biiray cabsi ku aadan mustaqbalka. Waxay ka cabdi qabaan hoos u dhac ku yimaada hab nololeedkoodan ku dhisan; shaqo kooban oo dhib yar iyo nolol fakahaadsi ah; marka la dhinac dhigo aduunka inta kale.

Waxa aad intaas oo dhan ku sii dartaa Faragelinta Joogtada ah ee wadamada Galbeedku ku hayaan dunida inteeda kale, iyo xasuusta xun ee taariikh-dii gumaysiga oo cadaawad ku lid ah ninka cad ku beertay bulshooyin badan oo xataa aan muslimiin ahayn.

Maanta ninka cad waxa haysa warwar iyo cabsi xoog ah oo uu ka qabo mustaqbalka. wuxuu dareemaya in casrigii sarayntiisu ay soo gebagebowday. Wuxuu arkayaa wadamo badan oo mudo dheer u sandulaysnaa oo dabarka goostay, sida shiinaha, india, ruushka iyo qaar kale oo ku daba jira, xili aan fogayna laga yaabo in ay ka gudbaan doorkii daba-dhoonimada ee ay reer galbeedka u ahaayeen.

Wuxuu arkayaa cuduro waawayn oo bulshooyinkiisii ku dhacay oo ay ka mid yihiin: burburka qoyska, akhlaaq-xuma jinsiga (Pervertism and Paedophilia), keli-noolaansha jacaylka (Individualism) raaxo ku mamid (Hedonism), iyo caqiido la’aanta (Atheism). Waa cuduro burburiya bulshooyinka oo awoodoodana daciifiya.

Hadaba, sababta ugu wayn ee Muslimiinta loo bartilmaameed sanayo waa laba qodob oo ay tahay in la fahmo. Kow, Islaamku wuxuu ahaa, ilaa imikana yahay, mabda’a keli ah ee xadaarad dhisay ” xadaarad mudo dheer muquunisay reer galbeedka, dhul iyo dadna ka goosatay”, mar labaadna dhisi kara. waa fikrad dhamays tiran oo si dhab ah ula tartarmi karta, fikrada (Capitalism+liberalism) ee ay xadaarada reer galbeedku ku dhisan tahay. Muslimiintuna si kasta oo maanta ay daciif u yihiin, hadana waxay ku jiraan fool adag oo ku danbayn karta, dib usoo fuf cusub iyo soo ragaal celin danbe.

Sababta labaad waxa weeye Nacaybkii oo loo bedelay hal-kudhig siyaasadeed oo lagu macaasho. doorashooyin lagu galo, madaxnimo lagu gaadho. Warbaahintii rasmiga ahayd ee barigii hore ka xishoon jirtay in ay kor u qaado Muslim nacaybka ayaa hada u kala dheeraynaysa. taasina waa ta keenta in ashkhaas la mid ah Donald Trump ay madax noqdaan.

Duruufaha noocan oo kale ah waxaynu ku saadaalin karnaa in Xasuuqii argagixiso ee New Zealand qaar la mid ah iyo kuwo ka sii khatar badaniba ay suuro gal wayn yihiin in ay ka dhacaan wadamadan galbeed mustaqbalka dhow. Waxa xaqiiq ah in nolosha bulshooyinka Muslimka ah, gaar ahaan yurub, ay sii adkaanayso.