Wadan jaantaa rogan ah (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Dadkii i yaqaan ayuunbaa gaadhiga aan wato numberka ku dhagsan la yaaba, gaadhigayga dhawr iyo toban sano ayaan watay, waligiina togdheer muu arag, numberka laygu dhajiyayna waa togdheer, miyaanay la yaab ahayn.

An idiin waramo eh, anigu ma jecli xafiisyada dawlada inaan tago waayo marka aad soo gasho ayay ku dhibayaan sidii oo aad gurigoodii ugu timid.
Anigu waxaan ka mid ahaa ragii aasaasay ururka Havoyoco, mar ayaan ka masuul ahaa dhalinta aanu haynay, markaas ayaa aroor nin Askari ihi dhibay, aniga iyo ninkii goob jooga ahaa ayaa saldhiga tagnay, kii taliyaha ahaa ayaa sixun iila hadlay, kii ila socday ayaa qosol dhacay, sida uu ii bahdilay, ninkaygii madaxda is moodaayay. ( Alla ha u naxariisto imika wuu dhintay eh)
Maalinkale ayaa dhalinta circus ka ciyaarta ayaa qolodii mashruucaa bixisay soo hubinaysay, markaas gabadh cadaan ah ayaa soo eegaysay, halkii ay ka daawan lahayd kuwii ay lacagta galiyeen, ayay waxay daawanaysay, dadkii meesha ku soo ururay, oo policeku usha kolba la dhacaayo oo ay dadkun iska qoslayaan, oo aanay garanayn sharaftooda wax la yeelaayo, dadkaas ayay daawanaysay.

Wiil aan dhalay ayaa maalin mid dhagax ku dhuftay illigiisa, waxaan is idhi warqad dhaawac muujin ah ka soo qaado saldhiga, ku aan aad uga waynahay oo xafiiska fadhiyay ayaa ii diiday, warqadii, kii ilkaha ayaan u takay, wuu la yaabay, imika inankaygii sidiii ayuu ilaga ku beelay.
Maalinkale waxa dhacday inankaygaa laftiisa, oo saladii subax masaajidka ka soo baxay inay koox dhalinyar ah iskugu tagtay, aniga iyo xaaska ayaa is raacnay si aanu waalidka dhalay ugu sheegno carruurtaas, anagoo agmarayn policeka ayaa xaaskaygu igu tidhi inawadi u sheegno policka eh, waxaan ku idhi inaga daa, waan ka kariywaayay, waanu u tagnay, markii aanu u tagnay ayuu na bahdilay, xaaskii ayaan ku idhi inaga keex meesha, markaas ayaan ku idhi miyaanan ku odhan nimankaa haynoogayn.

An ku noqdo gaadhigayga numberkiisa eh, markii aan lacag milyan iyo dhawr boqol ah bixiyay, ayaa mid xafiiska joogay igu yidhi number togdheer ah ayaa diyaar eh ma kuugu dhajiyaa, ana xafiisyadooda ku noqnoqodkooda ayaan necebahay, waxaan idhi sow Somaliland uun maaha dee ku dhaji, markaas ayaa laygu dhajiyay.
Waxaan is waydiiyay waa maxay macnaha number badalkan, ee lacagt intaa leeg dadka looga qaadayaa, mar hadii gaadhigayga oon waligii arag togdheer numberkan lagu dhajiyay, cajiib.

Nuur Xaaji Xiiray,
nur.hersi21@gmail.com