Islaamka sidee ayaynu usoo bandhigaynaa (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

Maanta Islaamka sidee ayaynu usoo bandhigaynaa. Qaar hebed ayay ka dhigeen islamkii oo hareerahooda waxa ka socdaba ma eegayaan, qaar islaamkii ayuun bay ku soo jeedaan oo magaac u bixiyeen oo ay kala qaybqaybinayaan, muctasila, suufi, ashcariyiin iwm, waxaad arkaysaa qolodani inay ku wajahanyihiin islamka iyo muslimiinta, sidii ay usii kala qaybinlahaayeen, waxay fulinayaa falfasdii gaalada ee ahayd qaybi oo xukum, afkaartan inta badan xagaa sucuudiga ayay inooga yimaadeen.

Dawlada sucuudigana yaa samyeey, illaaliyana imika. UK ayaa markay hore samaysay, imikana maraykan ayaa illaaliya, markaa maad u malayn inuu kuwaa ka iman doono afkaar ama afcaal u adeegaysa islamka, waa adoo yidhaa Ingiriiska iyo Maraykanku islaamka ayay u adeegyaan. waa habeenkii xalay ahaa oo tagay inuu ka yimaad wax u adeegaya islaamka, hadii aad aamintana doqon ayaa tahay wax islamka iyo muslimiinta waxtara inuu kuwaa ka imanaayo. Maanta waxaa caalamulislaami ka taagan afkaar muslimiintii kala irdhaysay xagiisa ayay ka soo jeedaan, fitankii muslimiinta barigii hore la hadhay ayay soo wada toosiyeen. Qaar kale  waxay leeyihiin dariiqada gaalada ayaanu islamka ku soo celinaynaa iwm.

Marka suaashu waxay tahay sidee ayaynu maanta islaamka usoo bandhigaynaa, horta qoloyinka maanta islaamka soo bandhigayaa dhawrkaa waji een kor ku xusay iyo qaar kale ayay usoo bandhigaan.

Intaynaan bandhigista ka hadal, horta waa inaynu eegna sida ay u soo bandhgaan kuwa islamka la colka ihi oo ah Gaalada iyo Munaafiqiinta. Islamka waxay usoo bandhigaan si waxshi ah oo wax uun laynaya oo bilaa naxariis ah si ay shucuubta kale islaamk u nacaybsiiyaan.

Bal ka waran hadii inaguna siday doonayeen islaamka usoo  bandhigno, miyaynaan siday doonayeen xoojin.Dadka islaamka sida argagaxleh usoo bandhigayaa waa laba mid uun, mid aan fahamsanayn wakhtiga la maraayo ama munaafaq ku dhex dhuumanay islaamka oo  kuwaa cadawga xidhiidh hoose la leh.

Nin gaal ahaa oo islaamay ayaa ka waramayay sidu ku islaamay,  mad -hab walba  oo diinta kiristanka ah wuu baadhay, waanay qancinwaayeen, diimaha kale oo dhan wuu baadhay way qancinwaayeen.  Markii dambe ayaa nin saaxiibkii ku yidhi ka waran islaamka, inta uu booday ayuu yidhi ma argagaxisada. Laakiin markii uu baadhay ee suaalihii uu is waydiinaayay oo dhan Quraanku uga jawaabay, ayuu islaamay.

Markaa hadii aad diinta fidinayso maanta waxay u baahantahy in aynu naxariista badino, Rasuulkeenu SCW arin walba ka fudud ayuu qaadan jiray, rag asxaabtiisii qaaliga ahayd dilay ayuu cafiyay oo islamay, markaa nin wal oo islaamka fidinayaa  naxariista ha badiyo. yaanu is odhan aargooso uun, si uu u beeniyo sawirkaa beenta ah ee laga bixinaayo Islamka.

Argagxiso ayay inagu sheegeen waxa ka soo horjeeda Naxriis, naxriista ayaynu badinaynaa.Si ay u beenowda dacaayadoodu.

Halkan hoose ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Cadow aan la arkayn

Tolow maxaa jaadlaha loo laayay?

Maxay u noqdeen wadaadadu daadxoor?

Mar walba qorshe ayaa laguu diyaariyay

Yaa dadka ugu maqal wanaagsan? 

Maxaa liiska argagixisada laynoogu daray yaab

Halkee ayay wax ka qaldan yihiin 

Dadkeenu xor maaha

Faataa dhugleh

Dadku maamul xumo ayuunbay ka cabanayaan uun 

Xamar ayaa carqaladaynaysa saldhiga 

Tolow Soomaalidii looma ooyaanka ahaa yaa ku dilay bada Yemen

Ribo Ribo Ribo 

Tolow muxuu Kulmiye u riixayaa in doorashadu waqtigeeda qabsoonto?

Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com