New York: Siddeed qof ayaa ku dhintay kadib markii gaadhi si ula kac ah loo jiidhsiiyey 

Investigators stand near the wreckage of a Home Depot truck at an overpass for Stuyvesant High School, Tuesday Oct. 31, 2017, in New York. (AP Photo/Bebeto Matthews)

Ugu yaraan sideed qof ayaa ku dhintay tiro intaasi ka badanna waa ay ku dhaawacmeen, kadib marki uu nin waday gaadhi kuwa xamuulka ah uu jiidhsiiyay dad ku dhax socday waddo aad mashquul u ah oo ku taalla magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Duqa magaalada New York Bill de Blasio, ayaa ku tilmaamay weerarkani ficil argagixiso oo lagu bartilmaameedsaday dad rayid ah oo aanan waxba galabsan.

Guddoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo oo isna ka hadlay dhacdadani ayaa sheegay in aysan jirin daliil muujineysa in weerarkani uu qeyb ka yahay weerarro ballaadhan oo dalka oo dhan ah.

Booliska ayaa sheegay in ninka baabuurka dadka ku jiidhsiiyey New York uu ku qeylinayay “Allahu Akbar” marki uu kasoo dagayay baabuurka.

Taliyaha ciidanka booliska New York James O’Neill ayaa xaqiijiyay in qofka weerarka geystay caloosha laga dhaawacay isla markaana lagu daweynayo hadda cisbitaal ku yaalla New Yorok. Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in qofka weerarka geystay uu ahaa Sayfullo Saipov oo ah 29 jir u dhashay dalka Uzbekistan.

bandhige@gmail.com