Itoobiya Way Kurbanaysaa (WQ: Cabdiqaadir Dayib Askar)

Wadankii ugu dhaqaale korniinka badnaa dunidu wuu bukoonaya. Waxa halis ku jira jiritaankiisii, duniduna farta ayey wadnaha ku haysaa. Afartii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya waxa lugaha ugu duubmay maro-boob siyaasadeed iyo mid amni-darro. Sumcaddii diblumaasiyadeed ee ay dunida iyo Afrikaba ku lahayd baa dhaawac la gaadhsiiyey. Dhaqaalahoodii culays weyn baa soo foodsaaray, waxaan hoos u sii dhacaya dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo maalgeshigii shisheeyaha, taas oo keentay in heerka shaqo la’aantu si xawli ah sarre ugu kaco.

Qorshihii balaadhinta Addis Ababa waxa uu noqday mid shidaal ku sii shubay dabkii ka baxayey quluubta qowmiyada ugu tirada badan ee Itoobiya, Oromada. Sidii caadada u ahayd, dawladdu waxa ay wacad ku martay in qorshaheeda xoog ku socodsiiso. Taas ma dhicin. Waxa ka hor yimid duufaano gebi ahaanba keenay in uu is-bedel ku dhaco hab-fikirkii iyo jihadii siyaasada amni ee dalku.

Itoobiya haddii ay muddo dheer ku caan ahayd in ay xanteeda ka qariso warbaahinta Dunida Xorta ah, xaqiiqdaas maanta waa ay is-bedeshay. Waxa si joogto ah loo soo tabinayaa dildilaaca qawmiyadaha Itoobiya, xaaladaha bini-aadmi ee ka sii daraya, dawladduna waa ay tahli kari laadahay in ay niyadsami ka hesho dadkeeda ku kacsan.

Itoobiya waxa u bilaabmay samman cusub, oo ay iskula xisaabtamayso gudaheeda. Waxa la sigibtirayaa awr qabtimay dheeliga dhabarkiisa. Oromada iyo Amxaaradu waxa ay u muuqdaan kuwa u xuubsiibanaya in ay xaqooda ku raadsadaan hab kasta oo ay ku helayaan.

‘Dadka dulman’ ee Itoobiyada Cusub waxa ay shafka u dhigteen xabbadda ciidankooda, waxa ay u sadqeeyeen maal iyo moodba, si ay u helaan sinnaan iyo cadaalad sugan. Waxa ay ku andacoonayaan “in aanay dalkoodii ku sii dhex ahaan doonin muwaadiniinta derejada labaad, oo dheeftooda lagu quudin doonin Qowmiyada tirada yar ee ‘Tigreega’”.

Rabshadihu waxa ay sababeen in dawladdu u nuglaato dalabaadkii dadka Oromada. Waxa ay ka noqtay Qorshihii Balaadhinta Addis Ababa, sidoo kale waxa dib-u-qaabayn lagu sameeyey golaha wasiiradda dalka, si kor loogu qaado saamiga Qawmiyadda Oromadu. Manna noqon xal bogsiisa boogtooda.

Ugu danbayn, Febraayo 15keedii, Itoobiya waxa ka dhacay is-bedel dunidda ka yaabsaday. Waa markii u horaysay, inta la ogyahay taariikhda cusub ee Itoobiya, uu hoggaamiyihii ugu sareeyey is-casilo, isaga oo ku micnaynaya in ay is-casilaadiisu ‘niyada u qaboojinayso dadka taladiisa salluugsan’.

Hadaba, is-casilaadiisu ma soo af-meeri doontaa xiisadaha dhiigga badan ay ku daateen? Jawaabteedu waa gacan uur ku jirta oo aan si sahlan loogu tiraabi karin : haa ama maya.

Xaqiiqduse waa in aanay marnaba Itoobiya sideedii hore sii ahaan doonin. Waxa ay la wadaagi doontaa dunida kale, duufaanada is-bedel doonka ah ee socda, gaar ahaan kuwa Afrikada Waqooyi iyo Dalalka Carabta. Kuwaas oo dagaal kula jira soo gebo-gebaynta nidaamyada keli-telisnimada ku dhisan.

Is-casilaaddii Raysal-Wasaaraha

14kii Febraayo waxa ooda laga qaaday maxaabiis ku dhaw 6000 qof, oo jeelka loo taxaabay intii qulqulatooyinku socdeen. Maalin kadib, Hailemariam Desalegn ayaa si lama filaan ah iskaga casiley jagadii Raysal-wasaare iyo tii hoggaanka Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Itoobiya (E.P.R.D.F).

Rejo cusub baa la dareemay. Waxa se arrintii sii cakiray markii dawladdu soo rogtay Xukun Deg deg ah, 24 saac kadib is-casiliaaddii Raysal-Wasaaraha. Waa markii labaad ee xukun noocan ah lagu dhawaaqo muddo laba sanno gudaheed.

Raysal-wasaare Hailemariam waxa uu talada qabtay 2012. Markaas oo uu geeriyooday hogaamiyihii gacanta adag ku hayey Itoobiyada Cusub, Meles Zenawi. Waa aqoonyahan qunyar-socod ah, kanna soo jeeda beelaha degga Koonfurta Itoobiya. Kuwaas oo ka mid ah afarta dhadhaar ee bisleeya dhariga, Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Itoobiya (E.P.R.D.F).

Hailemariam, dad badan oo dhaliilaa, waxa ay ku tilmaamaan ‘hogaamiye maqaar-saar ah’, oo ay ku awr kacsanayeen siyaasiyiinta qawmiyada tirada yar, bal se saamaynta balaadhan ee Tigreega.

Dad badan oo Itoobiyaan ah waxa ay aaminsan yihiin in Raysal-wasaare Hailemariam ku guuldaraystay in uu mideeyo qowmiyadaha Itoobiya, xal waarana u helo cabashooyinka dadka mudaharaadaya, ee baadi-goobka ugu jira maamul-wadaag, sinnaan iyo xaqsoor dhamaystiran.

Waxa laga filanayey in dalka jiho cusub u dhaqaajiyo, guullo dhaqaale iyo siyaasadeedna uu horseedo. Nasiib darro, waa ula ekoon weyday in uu indhaha ku sii jeedaaliyo dalkiisii oo ku dul ilmaynaya, dhiigna ka da’ayo.

Aakhirkiina, wuu is-casiley!

Dareenada Reer Galbeedka

Ilaa haatan waxa isa soo tarraya dareenadda lagaga soo horjeedo falalka Dawladda Itoobiya ee ka dhan ah dadka mudaharaadaya, gaar ahaan kuwa ka imanaya Reer Galbeedka. Waxa ay diidan yihiin Xukunka Deg-deg ah iyo guud ahaan siyaasadaha qalafsan ee lagula macaamilay dadka mudaharaadaya.

Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa ayaa qoraal ay soo saartay, waxa ay u soo jeedisay Dawladda Itoobiya “In xoriyad dhamaystiran siiso dadka kacdoonka dhigaya.”

Sidoo kale, Safiirka Midawga Yurub, Johan Borgstam, wuxu ku tilmaamay Xukunka Deg-dega ah mid kala dhantaalaya dadaalka loogu jiro in la helo wada-xaajood loo dhan yahay.

Dareenadda taban ee dalalka reer Galbeedku ka qabaan Itoobiya waxa loo fasiran karaa hinaase siyaasadeed oo ka dhashay isku soo dhawaanshaha cusub ee Itoobiya iyo Shiinaha. Taas oo werwer ku haysa siyaasadda dunida Galbeedka, unna arkay in Xuduntii Diblumaasiyada Afrika, u sii xuubsiibanayso dhinaca Nidaamka Shuuciga ah.

Shiinuhu waxa uu hoggaaminayaa ilbaxnimo cusub, oo ka aragti iyo maba’aadi duwan ta Reer Galbeedka. Waxa uu si xawli ah ugu sii fidiyaa Qaaradda Madow, isaga oo unkaya nidaam iskaashi oo siyaasad iyo dhaqaale salka ku haya.

Saamaynta Xasiloonidda Geeska

Hindhiso kasta oo ka timaad Itoobiya, candhuufteedu wejiga ayey inagaga dhacaysa.

Waa aynu uga nugul nahay dhibaatada Itoobiya in ka badan dalalka dunida iyo kuwa jaarka la ahba. Haddii ay liicdo, inaga ayey inagu dul dhacaysa. Tabar iyo awoodna uma lihin aynu iskaga kicino haddii ay kufto.

Waxa ku xidhan nolosheena guud ahaan: dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo amni. Haddii rabshaduhu sii xoogaystaan, waxa ay culays aan laga soo waaqsan saaraysa nolosha bulshadeedna oo awalba surbacaadsanayd.

Dawladduna waa in ay qorshe ka lahaato xaalad kasta oo soo cusboonaata. Waayo danteenu waa: Itoobiya nabdoon.

Yaa la saadalinayaa?

Todobaadkan waxa la saadaalinayaa in Xisbiga tallada hayaa ee E.P.D.R.F magacaabo qofkii badali lahaa Raysal-wasaaraha is-cesiley ee Hailemariam Desalegn. Waa hal-xidhaale kale oo horyaal xisbiga oo laga dhawrayo in xal waara oo lagu soo af-meero kacdoonka siyaasadeed ee dalku ku jiro.

Si taas loo xaqiijiyo, waxa lagamamaarmaan ah in ay Itoobiya yeelato hoggaan cusub oo ka yimaad mid ka mid ah bulshooyinka kacdoonka wada: Oromada ama Amxaarada. Gaar ahaan, dad badan waxa ay haabka ku hayaan in la helo hoggaan cusub oo Oromo ah.

Hadaba, ilaa haatan laba qof ayaa aad loo hadal hayaa: Madaxweynaha haatan ee Is-maamulka Oromiya, Lemma Mergessa iyo ku-xigeenkiisa Dr Abiy Axmed. Labadooduba waa Oromo, waxaana ay xubno ka yihiin Ururka Dimqraadiga ee Shucuubta Oromada. Kaas oo ah mid ka mid ah afarta urur ee ku midaysan Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Itoobiya, ahna ka keliya ee aan xukunka qaban.

Labada hoggaamiye, Lemma ayaa shacbiyad balaadhan ku dhex leh Oromada. Waayo isagu si dhaw buu dareen-wadaag ula ahaa dadkiisa kacdoonka waday. Bal se caqabada keliya ee hortaagan waa isaga oo aan ka tirsanayn Baarlamaanka Fedraalka Itoobiya. Maadaama Dastuurka Itoobiya dhigayo in Raysal-wasaaruhu noqdo xubin baarlamaan.

Dr Abiya Axmed waa doorashada labaad. Waa aqoonyahan aftahamo sarre leh oo sita shahaadada sarre ee PhD. Waxa uu ka soo jeeda laba qoys, midna muslim yahay, midna kiristaan yahay. Wallow uu aqoon maamul iyo waayo-aragnimo u leeyahay arrimaha ammaanka iyo sirdoonka, haddana waxa uu ahaa ‘walax’ loo addeegsaday hagardaamooyinkii lagula kacay dad badan oo Itoobiyaan ah. Taas oo hoos u dhigi karta in taageero ka helo qowmiyadiisa.

Si kasta oo ay ahaatoba, Itoobiya way kurbanaysaa. La arki doonee, sida uu Xisbig tallada hayaa uga go’aan gaadho xaalada cabsida badan ee ay Itoobiya ku jirto.

Qoraagu maqaalku waa Cabdiqaadir Dayib Askar. Waa arday waxbarashada derejada labaad ka diyaariya Jaamacadda York ee Carriga Ingiriiska. Kala xidhiidh mareegtiisa: www.abdikadiraskar.com.