Jamhuuriyada Somaliland nin haga ayay u baahan tahay, balse nin kolba kooxi dhinac u kaxaysto uma baahna, wakhtiga lagu jiraana ma saamaxayo taasi (WQ: Maxamed Daahir Axmed)

 

#Jamhuuriyada Somaliland nin haga ayay u baahantahay,balse nin kolba kooxi dhinac u kaxaysto uma baahna,wakhtiga lagu jiraana ma saamaxayo.

#Somaliland waxa ay u baahantahay nin kala dabaasha caqabadaha kaga xeersan gudaha,gobalka geeska africa iyo caalamkaba,si ay u gaadho himiladii ay wax wal oo akteeda ku qaali ah ay u hurtay,in badana ay u samirtay.

#Masuuliyinta sharafta leh ee Waddani ka soo diga rogtay shalay,waxa ay sheegeen in sababta ugu wayni tahay Murashaxa Waddani oo noqday gaadhi haydarooli ah,oo kolba dhinaca loo leexiyo si fudud,waxa aad xalay ku kala tagteen aanad subax ugu imanaynin,oo lagaaga danbaynayo.

#Kobcinta dhaqaalaha,sugida amniga iyo cadaalada,shaqo abuurka,tayanta adeega haayadaha dawladu bixiyaan,ictiraaf raadintu intuba waxa ay u baahan yihiin hogaamiye go’aan qaadasho iyo ku dhacba leh,balse uma baahna labaclabacle iyo nin isbadbadal badan.

#Sidaa daraadeed walaalayaal,waxa cashar inoogu filan tilmaamaha shalay ay ka bixiyeen masuuliyintii faraha badnaa ee waddani ka soo digo rogtay,hogaaminta iyo hab maamulka Murashaxa Waddani Mudane Cabdiraxman Cirro.

#Muwaadin dooro hogaamiye aad ku aamini karto mustaqbalka dadkaa iyo ka dalkaaga kaasi oo Murashaxa Kulmiye Muse Bixi Cabdi.Vote for MBC.

WQ; Maxamed Daahir Axmed