Wasiirkii Caafimaadka xukuumadda Trump waxa uu iska casilay xilkii uu Wasaaradda Caafimaadka

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa aqbalay iscasilaadda xoghayihiisa caafimaadka Tom Price oo cadaadis xooggan la kulmay kadib markii ay caddaatay in uu diyaarado khaas ah uu ku tegay safarro shaqo.

Trump ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficilka wasiirkani, waxaana isticmaalka diyaaradaha gaarka loo leeyahay ee wasiirkan aysan la jaan qaadeyn ballanqaadyadii Trump ee xilligii uu ku jiray ololaha doorashada.

Tom Price ayaa horay raaligelin uga bixiyay in uu 26 jeer diyaarado khaas ah ku safray tan iyo bishii May ee sannadkan, kharashka safarradaasina uu gaadhay 400,000 oo doolar oo laga bixiyay khasnadda dawladda.

Saraakiisha dawladda marka laga reebo kuwa ku howlan ammaanka qaranka ayaa ay khasab ku tahay in ay raacaan diyaaradaha rakaabka xilliga ay u baxayaan safarradooda shaqada.

Waxa baadhitaan arrintaa oo kale la xidhiidha lagu hayaa saddex xubnood oo ka tirsan golaha wasiiradda ee maamulka madaxweyne Trump.

Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in ku-xigeenka Xoghayaha Caafimaad Don J Wright ayaa si ku meel gaadh ah loogu magacaabay xilka uu baneeyay Tom Price.

Wasiirka xilka ka degay Tom Price ayaa ka mid noqday liiska dheer ee mas’uuliyiinta iscasilay ama xilka laga qaaday ee ka tirsan maamulka madaxweyne Trump.

bandhige@gmail.com