Jean-Jacques Rousseau: Faylasoofkii Gadoodsanaa Q.3aad (WQ: Dr-Abdikarim D Hassan)

Aragtida xukunka iyo dowladnimada
Malaha aragtida ugu saamaynta wayn ee Rousseau uu ka tegay ilaa maantana lagu xasuustaa waa aragtida siyaasadeed ee uu ku gardaadiyay aragtidiisa uu ku sharaxayo sida ugu fiican ee xukun iyo dowlad sharci ah bulsho ku dhici karto.
Labada buug ee “Social Contract (1762) iyo Emile on Education” waxay sababeen is rousseau ay isku dhacaan dowladii iyo kaniisadii, oo labadaasi isu bahaystaan la dagaalan kiisa.

Labada buug oo isku sanad soo baxay, markiiba waa laga mamnuucay dalka faransiiska iyo Geneva, Rousseau-na waxa loo soo jaray waaran lagu xidho, iyadoo lagu eedaynayo Iimaan-daro (Impiety), Alle-koodnimo (Blasphemy) iyo Qaran-dumisnimo (treason).

Waxa lagu qasbay in uu dhuumasho ku noolaado dhowr sano, ilaa uu 1765 u baxsaday Iglan oo uu dhowr sano la noolaa David Hume, oo ahaa qoraa Ingiriis ah.Ugu danbayn Rousseau waxa lagu qasbay in uu ka tanaasulo jinsiyadiisii Geneva, oo uu noqdo qof aan dowlad lahayn oo bilaa jinsiyad ah.

Hadaba maxay qoraalada Rousseau uga xajiimoodeen ganacyo wayntii haysatay dowlada iyo kaniisada faransiisku? Si aynu waydiintan uga jawaabno aynu soo qaadano tuduca uu ku ibo-furayo buugiisa The Social Contract oo odhanaysa “Man is born free, and everywhere he is in chains” dadku waxay dhasheen iyagoo xor ah, hadana meelkasta silsilado ayaa ku xidhan. Tuducdani waxa laga yaabaa in ay dad badan xasuusiyo odhaah macnahan oo kale xanbaarsan oo uu leeyahay Cumar Ibnu Khadaab (Allah haka raali noqdee) ee ahayd “متى استعبدتم الناس وقد ولدتهم أمهاتهم أحرارا ً

Rousseau waxa doodiisu salka ku haysaa aragtida ah “bani’aadamku waxa uu ku dhashay xornimo,wada sinnaan, wuxu leeyahay xuquuq gudboon, qofkastana waxa ku abuuran in dantiisu sida ay ku jirto uu u howl galo.”

xaalada noocaas ah ee aan lakala sarayn waxa uu u bixiyay “Natural freedom”. Dadkaas wada xorta ah ee siman, ee isku xuquuqda ah ma horumari karaan hadii aanay is kaashan oo wada shaqayn. Wada shaqaynta iyo iskaashiguna waxay u baahan yihiin cid agaasinta oo afkaarta raga ee kala duwan isu humisa. Roasseau wuxuu leeyahay si iskaashigaas loo helo wxaa lama huraan noqonaysa in dadkaa xorta ahi ay xuriyadooda, si madax-banaan oo raali ay ku yihiin, qayb uga tanaasulaan, iyagoo abuuraya wax uu u bixiyay “the general will” ama rabitaanka guud ee bulshada”,

Iyadoo la adeegsanayo “the general will of the people” ayaa si danta bulsha loo hormariyo waxa la unkayaa heshiis sharci oo u dhexeeya bulshada iyo xubno lasoo xulay oo bulshada ka mid ah. Xubnahaasi waa kuwa u igman in ay bulshada hogaamiyaan, curiyaan xeerar lagu hantiyo laguna fududeeyo danta bulshada. Xeerarka laga soo dhanbalay rabitaanka bulshada ee ay soo diyaariyeen gudidaas xulka ah waa in dadku u codeeyaan oo ku ansixiyaan gole loo dhan yahay; cod xor ah oo loo simanyahay.

Heshiiskaa ay bulshada oo dhami wada gaadhay waxa ka curanaya shakhsiyad humaag ah oo loo bixyay The republic ama Body politic. Marka “the republic” ay hana-qaado ee ay howl-gasho waxay la odhanayaa waxay yeelatay (Sovereign/ السيادة).

Isagoo sii sharaxaya waxa ay “Sovereign” tahay ayaa Rouseau wuxuu leeyahay “Sovereignty is the absolute, indivisible, perpetual authority of the public to enact its general will into law”, sovereign waxa awooda dhamays tiran, aan qaybsami karin, aan dhamaanayn oo bulshadu u leedahay in ay rabitaankeeda ugu bedesho xeerar”. Sovereign-ka cid wakiil bulshada uga noqon kartaa ma jirto, xeer kasta oo aanay dadku cod xor ah ku ogolaan waa waxba kama jiraan; xeerna ma noqon karo (Sovereign can not be represented…any law which the people has not ratified in person is null..and it is not law).

Su’aalo tiro badan ayaa layska waydiiyaa aragtida Rousseau ee kusaabsan “republic” iyo “Sovereign”, tusaale; yaa xaq u leh in ay ka mid noqoto muwaadininta oo ay ka codayso golaha guud, sidee loo qiyaasayaa xadiga xuriyada muwaadiniintu uga tanaasulayaan dowlada is ay xuquuqdooda u ilaaliso, sidayse u sinmayaan muwaadiniinta ku kala tegay hodannimada, haybta, iyo hanku.

Nidaam dowladeed oo sharci ah sidaa ayuun buu ku dhismi karaa ayuu leeyahay Rousseau. Bal hada dhugo, Rouseau sharciyad sax ah umuu qirin nidaamka xukun ee ku dhisma hab boqortooyo iyo ka ku dhismay boobka rabitaanka bulshada sida afganbi askareed, ama afduub-diimeed.

Amintii la helo nidaam maamul oo ku dhismay rabitaanka bulshada waxa fududaanaysa in loo wada hogaansamo, xeerarkiisa la wada ixtiraamo oo la hirgeliyo, jiritaankiisana la wada difaaco: sidaa ayuu Rousseau ku dooday. Heshiiska noocan ah waxa uu u bixiyay “The Social Contract /العقد الاجتماعي” waxayna ilaa hada tahay mid ka mid ah fikradaha nidaamka siyaasadeed ee reer galbeed uu ku dhismay sadexdii qarni ee lasoo dhaafay. Lama hubo in ay tahay isku beegmid qadar keenay iyo in Rousseau uu u dhuun daloolay nidaamka Baycada ee Islamka, hasayeeshee aqoonyahan aan tiro yarayn oo muslimiin ah ayaa aragtida Rousseau u ekaysiiya hanaanka madax-doorashada ee islamka.

Faa’iidada ay leedahay in dadku dhanbal yar oo xuriyadooda ah uga tanaasulaan unkida Xornimo-wadareed iyo dhismaha dowlada sharci ah waxay noqonaysaa in dadku ay helaan awood ay iskaga ilaaliyaan cadow dibada kaga iman kara, iyaguna aanay isku xadgudbin dhexdooda, oo ay kala nabad galaan.

Xiliga Rousseau uu aragtidan alifaayay faransiiska waxa haystay boqor la odhan jiray Louis XV,oo xukunka ku qabsaday xoog sheegtayna in samada lagasoo doortay, wadaadadii kiniisaduna ay u shaanbadeeyeen. Mudadii qarniga iyo badhka ahayd ee uu socday kacaankii faransiisku, aragtida Rousseau waxay ahayd dhinbiishii shidaysay dhamaan mowjadihii kacdoonka ee kala danbeeyay. kooxihii ku lidka ahaa kaniisada, kuwii ku kacsanaa boqortooyooyinka labadaba miiganaanta garnaqsigoodu waxay ka shidaal qaadanaysay aragtida Rousseau ee The Social Contract.

Fikrada “Social contract” iyo unkida dowladnimada qoraalo aan la koobi karin ayaa laga sameeyay, dhinac kasta waa laga istaagay, doodo tiro badan ayaana ka curtay oo qaarkood wali socdaan. Nuxurkeedu waxa weeye in aanay dowladi sharciyad lahayn hadii aanay muwaadiniinteedu ka raali ahayn oo aanay dooran.

Xeer dadku aanay ka raali ahayna in aan lagu maamuli karin, waayo waxay kasoo horjeedaa xoriyadii asalka ahayd ee qofku ku dhashay, waxaanay isu cabiidinaysaa dad ay tahay in ay sinaadaan.

Nin ku yidhi sinnaan mayno adna buri sarayntiisa….
Sidka waad wadaagtaane ma sagaashan baa tiisu. (Hadraawi)