Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar Q.3aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Dabadeed Carraaba, waxa ay dabo gashey walaalkeed. Iyadoo dhinacna ka khaakhaayirsan, oo maankeeda ay weyddiimo tiro beelay ku hardamayaan ay kamid yihiin: “tolow miyaa la arki doonaa? Xagguu ka baxay” Miyuu duuley?” Haddana shaydaanka hoosta ka naareysa oo ka amakaagtey sida ilbidhiqsiga ah ee ay u weyddey amiirkii reer Axmar! Doolaal iyo Carraaba oo wada socda, waxa ay u galeen Boqor Baasaweyne, oo kursigiisii boqortooyada isku kala waaxay. Mar keliya waxa ay Carraaba isha ku dhufatey weftiyo kala duwan oo reer Boqortooyo ah, oo kobtii martida loogu talo galey fadhiya.

Waxa ay marar badan intii ay dhex socotey roogga guduudan ee qasriga garaadkeeda kusoo dhacayey weyddiimo kala jaadjaad ah, balse aanay mid kamid ah warcelin u heli weyddey. Wixii ay soo luudaanba, waxa ay soo hor istaageen Aabbahood Boqor Baasaweyne. Salaan kaddib, waa ay fadhiisteen. Kolkii ay sahalka la heleen kursigii xariirta iyo buushka ku sharraxnaa, ee amiirrada loogu talo galey. Ayaa Boqor Baasaweyne bilaabey ujeedka weftigan u joogo qasriga maanta. Waxa uuna ku yidhi Carraaba: “Aabbo, waxa maanta inna soo martiyey Boqortooyadii ina adeerkay Boqor Geesaweyne. Waxa aynna si milgo iyo sharaf ku dheehantahay iiga codsadeen in aan ku siiyo. Sidaasna laguugu daro amiirka uu dhalay ina adeerkay ee Warfaa Boqor Geesaweyne.”

Wuxuuna Boqor Baasaweyne hadalka ku adkeeyey in aanay diidi karin, oo duco iyo habaar waalid ay mid qaadato. Sideedabana amiiradda Boqorkeeda ayaa u taliya, oo go’aankeeda leh ayuu ugu gebogabeeyey hadalka. Carraaba, aad bay u niyad jabtey wax ay ku warcelisana waa ay garanweyddey! Musiibo aanay fileyn baa cirka kagasoo dhacdey! Iyadoo gunuunuceysa oo gunuuseysa ayay taliskii looga talinayey qasriga boqortooyada iskaga baxdey, oo ay qolkeedii si quusasho leh isugu tuurtey sariirteedii. Cabbaar kolkii ay oydey, oo ilintii ka dareertey baa waxa usoo gashey hooyadeed Boqorad Cosob. Wixii ay sasabtaba, oo waaniso, oo talo iyo tusaaleba u guudmarto. Waxa ay ku qanicisey, in ay raalli ka noqot guurka ina adeerkeed, oo aysan aabbaheed ceebaynin. Maadaama uu yahay boqor aad looga qaddariyo loogana baqdo carriga uu ka taliyo.

Weftigii sidaa baa la isku afgartey, iyo in diyaar garow aroos oo labada boqortooyo ka dhex dhaca la yagleelo. Carraaba, dhinaceeda aad baa loo diyaariyey xinne, cusbur, sacfaraan, huruud iyo wixii duul haween oo dhan lagu qurxin iyo naashnaashi jirey baa lagu dalluugey. Dhalaalkeedii baa dhalaal dhaafey, oo ay noqoteyba sidii muraayad la isku daawanayo. Waxa laga dhigey aroosad u diyaar ah in boqortooyo uun badan u talisa laga guursado, oo la geeyo tii ay ka soo hayaantey mid lamid ah oo aan ka dhicin. Marar badan, waxa Carraaba maankeeda kusoo dhacey jinkii reer Axmar ee ku reebay raad jidhkeeda iyo maankeeda, sidii sibaaq lagu seydhay giddaar ugu dhegay! Balse waxa ay isku illowsiisaa hadallo ay kamid yihiin: “ Ma soo noqon doono, dibna isuma arki doontaan ee waxaas maankaaga ka saar. Haddana, gabadh marwo ah baad noqon doontaa, nolol cusub inaad bilaabato oo waxaas hore aad illowdo ayaa kuu wanaagsan. “

Jinkii reer Axmar laftiisu ma uusan u iman Carraaba, intii yagleelidda arooska lagu gudo jirey. Meel alla meel uu jaan iyo cidhib dhigey la waa!! Tolow xagguu qabtey? Bal adba!! Carraaba, lafteedu kolkii ay weyddey jinkii, waxa ay ka quusatey warkiisa iyo rejo dambe oo dhinaciisa ah. Waxa aynna billowdey ka firkiradda arooskeeda, iyo in ay isku maaweeliso ka bixidda noloshan iyo sariirtan cidlada ah ee nacladdu ku dhacdey!! Waxa aynna u haqan taageysaa in ay tagto xariir lala wadaago, oo dhidiidka iyo reenku ka baxo!!

Dhinaca kale ee boqortooyada Carraaba guursaneysa ee Boqortooyada Geesaweyne. Waxa la diyaariyey wiilkii amiirka ahaa ee boqorku dhalay, oo ahaa Amiir Warfaa Geesaweyne. Amiir Warfaa, waa nin maahsan, bilaa dhug ah, dumar aan haweysan iyaguna aanay haweysan, wax matare dhinac kasta ah lagu xanto. Marar badanna, waxa uu Boqor Geesaweyne ka shakiyaa in uu dhalay alle doorigan ceebeeyey! Waxaana ragg qasriga boqortooyada ka mid ah kula taliyeen boqor Geesaweyne, in Warfaa uu u guuriyo Amiirad Carraaba Baasaweyne. Aynna kaga filnaan doonto arrimihiisa, noqon doontana mid asturta ceebtiisa intaan uunka loo taliyo, iyo boqortooyaduba wada ogaan. Sidaas ayuuna boqorku ku aqbalay taladaas, oo uu ugu doonay Carraaba.

Amiir Warfaa, intii la toostoosin karayey lagama hagran, kol codka iyo hadalka loo toosiyo, oo dubaaqda iyo suugaanta la isugu ladho iyo waxa uu ku odhan lahaa Carraaba. Kol labbiska loo habeeyo, oo kuwo aan indhuhu qaban abid loo xidho, kol muuqa sare iyo saanta loo dhalaaliyo. Kol awoodda iyo murqaha leylisyo adag loo diro iwm. Se abuur iyo toosin, abuur baa horreysee, waxba waa laga beddeli kari waayey Amiir Warfa. Laga daal, oo lagu noog, lagana quusey!! Waxa se, talo kusoo biyo shubatey in sidiisa loogu aqal geliyo Carraaba, wixii ay kala dheefaanna laga dhursugo.

Wixii labada dhinacba midba xaggooda la isasoo naashnaasho, waxa la gaadhay dharaartii uu ku beegnaa aroosku. Waxaana Carraaba loo soo galbiyey xaggaas iyo boqortooyadii Boqor Geesaweyne. Mashxaradda, alalaaaska iyo farxadda ayaa is qabsatey. Hobollada kuwii ugu codka baxsanaa, ayaa maalintaa Johoraddii Geeska ee Carraaba heeso quluubta kasoo go’ay ku galbinayey. Ciyaarta iyo damaashaadka, ayaa is xidhey inta u dhexeysa labada boqortooyo ee tolka ah. Gashaanti kasta oo qasriyada lagu carbinayey maalintaa dibadda ayaa ay usoo wada dareereen, iyagoo biyaha tufaya. Qaarkoodna, ka makhruuqsan guurka Carraaba, maadaama oo ay cidladii iyo kelinnimadii sidaa kaga baxdey!! Halka iyagu ay cidlo iyo cadho ay ku lammaantahy faruurto ruug muddo kusii jiri doonaan, ama uu lalis dafi doono!!

Waxa lasoo gaadhey qasrigii boqortooyada Geesaweyne. Waxaana lagu soo dhaweeyey fan iyo qurux aan hore loo arag, damaashaad, raynrayn, farxad, duco iyo wixii dhalo boqortooyo isku maamuusi jireyba, maalintaa la isulama hadhin. Si midba ka kale ugu tookho, oo aan looga soo dhaweyn wacnaan. Waxa intaas kaddib, la isugu tagey qeybtii arooska loogu talo galey. Kaas oo lagu diyaariyey hobollada kuwii ugu codka macaanaa, deedna halkaas ayey muddo dadkii ugu raaxeeyeen naxariistii dibnahooda kasoo burqaneysey. Markii aad looga dhugtey, ayaa haddana loo kacey dhankaas iyo qeybtii gasiinka kala jaadjaadka ahi lagu sharraxey, oo qof weliba uu dhinciisa ka galey. Waxaana durbadiiba, oo ku beegnayd galab cadceeddu soo jeeddo, la diyaariyey waddaadkii labada caruus isku xalaalayn lahaa!!

Waddaadkii oo ahaa laftiisu mid boqortooyadu leedahay, ayaa bilaabey isu xalaalaynta labada caruus, oo ku bilaabey in uu oggolaanshahooda uu weyddiiyo labada dhinacba. Waxaana loogu koobey warkiiba haa iyo haggaag waddaadow. Warqaddii ayuu u qorey, ducadiina waa u raaciyey. Codkii aamiinta ee martidu ay tidhi ayaa kaga gariiriyey qasrigii iyo dibaddiisaba. Lagu kala dareer qasrigii boqortooyada Geesaweyne, qof walbana u jeedsadey halkii hoy ama hayaan ka xigey. Amiir Warfaa iyo Amiirad Carraaba, ayaa la isugu xareeyey qol aad loo xardhey, oo aan ishuba ka libiqsaneyn. Sariir aad loo gogoley, xariir midabkeedu rasiin xigeen buluug ah yahay, birkimo aad u giiigsan, sharaabyo iyo khudaar kala duwanna ay hareeraha ka taallo.