Johoraddii Geeska iyo Jinkii Reer Axmar Q.8aad (WQ: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”)

Carraaba baddaa ma hayso, war iyo wacaalna kama hayso halka uu xaal marayo. Dhoohanaan iyo maahsanaan xadkeedii dhaaftay ayaa hareeraha ka dhabanaanisey. Horaa loo yidhi “seddex yareyso: galmo, cunto iyo hurdo” Carraaba malaa waxa laga raacay galmadii lagu fuley! Mooji! Bal adba garo!! Talo iyo arrin waayo hore ayaa ugu dambeysay. Maankii iyo maskaxdiiba waxa ka xaday jinkan reer Axmar, oo dharaar iyo mugdiba labadeeda bowdyo ku dhex jira. Werwer, wacaal midna kama qabto ciddeedii ay kasoo baxsatey. Weli waa sideedii, maankeeda kuma soo dhicin weyddiin dhankaasba la xidhiidhta!

Waxa, se musiibadii iyo halaagii dhacay ka war helay jinkii Reer Axmar. Laftiisu aad buu uga argagaxay waxa dhaca. Tab iyo maaro uu ugu sheego Carraaba ayaa uu garan waayey. Kol kasta oo uu damco in uu arrinta la wadaago, afka ayaa la qabtaa oo hadalba waa kasoo bixi kari waayaa! Maxaa haya tolow?! Habeenno badan ayaa isagoo marna lugaheeda ku kala dhex jira; oo uu reernkeeda la asqeysanyahay is yidhi u sheeg arrinka. Inta ay meel kale ka ogaan lahayd; oo arrinku dabo xumaan lahaa. Waase ku dhici waayey, oo talo waxa uu ku gadhaadhay in uusan habeennadiisa malab dhaafay iska dacarayn!!

Ugu dambeyn se Carraaba arrinkii waxa la wadaagey oo daaha uga qaadey habaar qabe ay jinka reer Axmar walaal yihiin. Kasoo damac xooggan uga jirey Carraaba loxoskeeda iyo cabbaadhyaheeda in uu mar uun iska laalaadiyo. Habeen roob mahiigaan ahi miray boqorooyadii, oo wixii banaanka joogayna ay soo wada radeen. Ayaa uu fursaddii ka faa’idaystay waxa uu Carraaba oo keligeed qolkeedii markaas uun gashay, kaga daba galay. Iyadoo timaheedii qallajineysa ayaa uu warkii oo kulul dhegaha u saaray Carraaba. Dhalleecayn iyo laba wajiilenimo badanna ugu dhex daraya, oo uu ku ganayo jinka ree Axmar ee ay marwada u tahay!!

Carraaba mar qur ah ayaa beerku hoos u go’ay. Adduunkii ayaa ku yaraadey, neeftii baa kasoo bixi weyday! Wadnihiii aad buu u garaacmay, mise u boodboodey! Faruuryihii ayaa jareeyey sida qabow in uu galay. Jidhkeedii oo dhan dareenkii baa ka go’ay sida kabuubyada. Warka soo gaadhay waxa uu la noqon waayey u qaadan waa. Lama filaan aysan weligeed ku fikirn in sidaasi dhici doonto. Oohin iyo baroor ayay qabsatey qolkeedii dhexdeediisii. Kolkii uu habaar qabihii hubsadey warraaqa Carraaba, ayaa uu ka baxay qolkeedii. Madax iyo minjo wixi qasriga joogay oo dhan ayaa isugu soo xoomey qolkii Carraaba. La weyddii waxa dhacay ee ay la barooraneyso? Indhaha ayay warkii kaga dhufatey. Kii qabey ee reer Axmar oo amankaag ku dhacay kolkii garowsadey in ay warkii ogaateyna. Candhuuf iyo cidiyo ayay ku salaantay!

Waa laga qabqabtey, loogan sheegay in arrinka la wada ogaa balse iyada laga qariyey. Kolkii ay dhageheedu intaas maqleen, ayaa ay sidii miino oo kale u qaraxday. Wax Alla wixii meesha taagnaana wada hiiftay, oo indhaha ku gubtay. Waxa ay damacday in ay qolkii iyo qasrigiiba ka baxsato; oo ka jarmaaddo. Waa lasoo qabtey, loona sheegay in marba haddday qasrigan reer Axmar timid ay dhimasho mooyee, si kale uga tagi karaynin. Qolkeedii ayaana dusha looga xidhay, oohin iyo cabaadkeeda oo baxanaya dhagaha laga fureystay!! War illayn jinku waa cadow!!

Murugo, xanuun, ciil, werwer ayaa lasoo dersay Carraaba. Wax Alla wax ay samayso ayay garan weyday. Cid usoo gasha, oo il saaro waa laga xaaraantimeeyey. Dheef ay jidiink marisana hal mar oo dharaartii ah mooyee, waa loo diidey. Ciqaab iyo cadaab aan yarayn ayaa lagu bilaabay johoraddii geeska ee Carraaba. Maydhasho iyo maqaarkeeda oo dhalaala warkiisaba daa! Sidii qof waalan oo kale ayay u ekaatey, cid iyo ciirsi toona ma haysato. Jinkii reer Axmar isaga laftiisu waa ka hayaamay. Jidhkeedii wacnaa iyo cajarradeedii asqeyn jirey kolkuu macaan iyo qadhaadhba ka dhammeystay, waa illaawey!!!