Kaftan Siyaasadeed: Reeraha leh dhaqanka Ruushka iyo Reeraha leh dhaqanka Maraykanka. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Reeraha ku herdama siyaasadda Soomaalilaan inta badan uguna saameynta badani waa Garxajis, Awal iyo Habar Jeclo. Wixii ka horreeyey dagaalkan hadda ka socda dalka Yukreyn waxa adduunka meelo badan weeraray Maraykanka oo hore loo bartay markuu weerar ama dano kale leeyahay siduu u dhaqmo. Halka Ruushkana la bartay dagaalkan uu hadda ka wado dalka Yukreyn. Inaga oo labada dhaqan siyaasadeed ee labadaa dal eegayna, ayeynu beeralaha sare ku sharraxi doonaa siday isu shabbahaan kaftan ahaan.

= Habar Awal iyo Habar Jeclo: labadan waxa ay isku dhaqan yihiin xagga siyaasadda Maraykanka, markay doonayaan inay ka adkaadaan cidda ay siyaasadda isku hayaan, waxa ay adeegsadaan xulufaysi, dublamaasiyad, borobagaando-saxaafadeed, lacag, is-debcin si ay dadka kale u soo jiitaan iyo ilbaxnimo. Marnaba afka soo marin maayaan wax hanjabaad ah iyo ummadda kale ka kaxaynaya. Nin wasiir ka ahaan jiray dawladdii Riyaale ayaa intii xilka hayey ku kaftamay, in beelaha Awal iyo Habar Jeclo haddii meel ay leeyihiin la taabto, saxaafadda iyo borobagaando ayey kugu furayaan oo jaqaaqdu isla oogsamayo. Hadda waxoodii iyo wax dad kaleba way haystaan.

= Garxajis: waxa ay isku dhaqan yihiin xagga siyaasadda Ruushka, markay doonayaan inay ka adkaadaan cidda ay siyaasadda isku hayaan, waxa ay adeegsadaan janjabaado, dagaal ku baaqis, caga-jugleyn, faan iyo inay cirka soo duminayaan. Xulufaysi, dublaamsiyad iyo saxaafadda adeegsi ku arkimaysid. Maanta Ruushkii waa kaa adduunkii oo dhan uu Maraykanka ka horkeenay, isaga oo adeegsanaya saxaafadda awoodda badan ee reer galbeedka iyo dacaayadaha siyaasadeed.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@gmail.com