Sababaha Looga Baqdo Naqdinta W/Q: Cali Cabdi Coomay

Naqdintu waxa ay u qaybsantaa laba nooc:

= Naqdin guud iyo naqdin gaar ah. Naqdin guud, waa arrin wax guud lagu taabtaabanayo iyada oo aan cid la magacaabayn. Naqdin gaar ahi, waa arrin qof, dawlad, koox ama hay’ad lagu dhafoor taabanayo shaqadooda ama shaqadiisa. Murti ayaa tidhaahda” weligaa ha isku dayin in aad qof nacas ah aad gefkiisa u sheegto, waayo wuu kugu xanaaqi. Qofka caqliga badan gefkiisa u sheeg isaga ayaa ku bogaadine”.

Inta uu qofku nool yahay, wuxuu ehel u yahay inuu gefo. Ilaahay’ sc ’ ayuun baan gefin, bashar oo dhami wuu gefayaa, waana sunnaha adduunkan aynu ku nool nahay. Dugsigu wuxuu ku barayaa casharro, ka dib ayuu imtixaan kaa qaadayaa. Noloshu se waa beddelkeeda. Iyadu waxa ay ku soo qadimaysaa imtixaanka, ka dibna casharrada ayey kuu dambaysiinaysaa. Sida ugu habboon ee nolosha loo waajahayaa waa in aad gef samayso, ka dibna casharro ka barato. Dadkuna waxa ay kugu naqdinayaan gefkaasi kaa dhacay.

Sababahan hoose ayaa naqdinta looga baqaa:

= Dadka qaarkood waxa ay qofka wax naqdiya u yaqaannaan qof xaasid ah oo ka xun wax-soo-saarka qofkeed. Waxa aanay xidhiidh ka dhaxaysiiyaan xaasidka iyo qofka wax naqdiya.

= Dadka qaarkood waxa ay naqdinta uga baqdaan wax-soo-saarkooda ayaa aad u liita. Naqdintu waxa ay meesha ka saaraysaa dhalanteedkii ay yabyabeen. Si aan loo burburin waxa uu yabyabay waa inuu naqdinta uga baqaa sida mowkii isaga dili lahaa oo albaabka uga soo galay oo kale.

= Dadka qaarkood waxa ay naqdinta uga baqdaan inay tahay nooc hooseyn ama liidasho qofka. Marmarka qaarkood waxa ay ku tilmaamaan ceebeyn qofka lagula kacay. Waxa ay se aanay dareensanayn in qofka ku naqdinayaa uu yahay qof lexejeclo kaa qaba oo kuu sheegaya gef aanad ku baraarugsanayn inuu ku dareensiiyo.

= Dawladaha qaarkood naqdinta waxa ay u adeegsadaan inay qofka wax naqdiya ku dacweeyaan kicin dadweyne ama inuu bulshada ka qarinayo wanaagga iyo waxqabadka xukuumadda.

= Wadaaddada qaarkood waxa ay naqdinta u yaqaannaan in karaamadoodii iyo sharaftoodii meel lagaga dhacay, iyada oo aqoontiisa shaki la gelinaayo.

= Daaci haddii uu yahay, wuxuu naqdinta u yaqaanaa in laga horkeenayo taageerayaashiisa oo laga jeedinaayo dacwadiisa iyo wanaagiisa qofeed.

= Si ka duwan dhammaan qoddobada sare, indheergaradka iyo culimadu waxa ay wanaagga qofka, meeqaamkiisa iyo ragannimadiisa ku qiyaasaan inta uu awood u leeyahay inuu gefkiisa ka garaabo. Khaladkiisa ka soo noqdo.

= Maangaabnimo iyo liidasho qofeed ayey waxgaradku u yaqaannaan qofka ku madax adayga gefkiisa ee diida inuu qirto oo uu ka soo noqdo. Ilaahay ‘sc’ wuxuu Qur’aanka inoogu sheegay Nebi Aadan iyo Xaawa gefka ay ku dhaceen. Waxa ay cuneen geed uu Ilaahay u diiday, laakiin gefkoodii way ka soo nqdeen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac: Dr. Salmaan Al-Cawdah……… Maxaynu Uga Baqanaa Naqdinta?, Turjumiddii Aadan Ducaale.