War-tebinta Tooska ah Iyo Weriyeyaasha W/Q: Cali Cabdi Coomay

Mar kasta oo suxufi ka warramayo dhacdo toos ah ama markaa uun dhacday oo aan laga haynin waxa tafaasiil ah, waxa habboon inuu ku koobnaado wuxuu arkay ama maqlayo. Waxa la diidayaa inuu suxufigu sheego wax aan meeshaba jirin oo uu bulshada u gudbiyo isaga oo aan xakameyn dareenkiisa caadifadeed ee dhacdada uu ku warramayo. Suxufiyiinta aan waayo-araga ahayn iyo kuwa ay ku yartahay aqoonta saxaafaddu ee socod baradka ahn, looma ogolaado inay dhacdada noocan ah ka soo warramaan. Waayo khaladkooda ayaa badanaya, mana kala saari karaan wixii sugnaa (Reliable sources) iyo wixii boronbagaando ah ee dadka danta gaarka ah lihi ay shubayeen.

Halista Tafaasiisha:

Waa halkan halkay ay khatartu fadhidaa marka laga warramayo dhacdo wareed toos ah. Suxufiga goobta joogaa waa inuu ilaaliyaa luuqada iyo erayada uu isticmaalo inay yihiin kuwa dhex u ah waxa meesha yaalla. Waxaad ku hadlayso ee aad bulshada u tebinayso ma hubaa mise jeebadaada ayaad kala soo baxday? Yaa kuu sheegay? Inta suurtagal ah soo bandhig cidda ku sheegtay si laguu aamino? Haddii aanay wax la hubo iyo cid aad xigtay, waxaad ku koobnaataa waxaad maqashay iyo waxaad aragtay oo keliya. Badd kale ha gelin, waayo hadhow ayaa lagagu dacweyn karaa.

Dhacdadii Shalay:

Suxufiyiintii la xidhay laba kooxood ayey isugu jireen: kuwa ku taagnaa inay tebiyaan wixii ay arkeen ama maqleen iyo kuwa badd weyn galay oo tafaasiil aan xigasho wadan shubayey. Mid ka mid ah suxufiyiinta xidhan ayaa sidan tebinayey: Qoryo ayaa lala galay Jeelka, koox hubeysan ayaa jeelka gudaha u galay, is-rasaaseyn xooggan ayaa ka socota jeelka ( Rasaas xooggan ayaa ka socota gudaha jeelka, way ka duwan tahay). Is-rasaaseyn waa laba ciidan oo iska soo horjeeda. Ciidan badan ayaa lagu dhaawacay dagaalka. Waxa ka sii yaab badan meelna kumuu sheegin xigashada warkan, xittaa haddii ilaha warku ay yidhaaheen na qari, muu xusin in dad magacooda ka gaabsaday ay u sheegeen.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com