Kaftanka Kelmada Ila Meerayso ee Batay (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Bulshada Soomaalidu waa af-maal meel kasta la fadhiya hadal, sheeko iyo dood noocyo kala duwan leh. Waxa inta badan goobahaasi lagu hadal hayaan hadba dhacdooyinka maalinlaha ah ee ku cusub warka jira. Dhacdooyinkaasi waxa qaarkood loo rogaa qaab dacaayadeed oo si kala duwan loo dhigaayo. Kelmadda soo shaac-baxeeda waxa lahaa Cabdi Ibraahin Cabdille (Cabdi Dhaw dhawle), waana eray-bixin cusub oo uu siyaasadda ku soo kordhiyey. ย Dhallinyarada iyo dada dhexe oo isugu jira suuq-joogta, ardayda iyo shaqaalaha ayaa kelmaddan aad u adeegsada beryahan dambe. Marka laga yimaado adeegsiga kelmada ee dhinaca siyaasadda, haddana waxa jira siyaabo badan oo loo adeegsaday. Nin iyo gabadh muddo badan haasaawayey, ayey aakhirkii gabadhii ninkii ku tidhi waar ama hawasheenna dhammee ama ila meeraysada igala tag. Macalin dhiga dugsi sarre oo Hargaysa ku yaalla, ayey ardaydi ka aamusi weyday isaga oo casharkii sharraxaya. Intuu soo kaxeeyey ayuu xafiiskii maamulaha keenay, markaasuu maamulihii ku yidhi way aamusi weyday oo ILA MEERAYSO ayey wadaa. Adeegsiga kelmadani wuxuu u gudubtay dadkii waalaa.

Nin magaalada Hargaysa waali ka qoran, ayaa dhawaan is-dabad dhigay kelmadahan: ย Igu meerayso, iga meerayso, ila meerayso, ha isku meeraysato, Iska meerayso, way isku meeraysataa iyo ย ku meerayso. waali darteed muu sharraxin ujeedadda. ย Laba majaajiliste oo ah qolodan dhawaan soo baxday ayaa riwaayadan kooban ka metalay adeegsiga kelmaddan. Waxaanay yidhaaheenโ€Aan wada meeraysanno maya, aan kala meeraysanno maya, aynu wada meeraysano maya, aan kula meeraysto maya, aan keligay meeraysto maya, adigu keligaa meerayso maya, Afrika aynu la meeraysanno maya, beesha caalamka aynu la meeraysanno maya, dee haddaa hee. Adduunku ha inala meeraysto. Waayahay. Sidaasi ayey ku soo afjareen riwaayadii koobnayd. Kelmaddan ILA MEERAYSO dadka qaarkii waxa ay leeyihiin xuduudaha way ka gudubtay oo heer caalami ayay noqotay (International Stage).

Marka la eego dhaqankii hore ee Soomaalida, waxa jiray sheekooyin badan oo ay soo gelayso nuxurka loo adeegsado kelmada ILA MEERAYSO. Bal sheekadan dhuux: Waayadii hore ee dekedaha iyo wixii bad ka yimaad aan aad loogu tiirsanaan jirin, Soomaalidii hore waxa ay u safri jireen Galbeed – waa dhulka ay Jigjiga Bari u xigto ee loo hadhuudhsi tegi jiray, diinta na laga soo baran jiray. Marba haddii dadka soo safrayaa ay deegaamo fogfog ka imanayeen, waxa dhici jirtay in reero badani hal mar wada safri jireen, oo awr tiro badan la isku xidhiidhin jiray. Qolo safar ah oo wadata awr boqol ku dhow, oo Galbeedkaas u hadhuudhsi tagtay ayaa, iyaka o safar dheer soo galay, in kale oo dheeri na u hadhsantahay, banankaas Galbeed midkood tuulo ku taalay ku hakaday.

Nimankii safarka ahaa badankood ayaa tuuladii muraadsi ugu baydhay, laba raggii ka mid ah ayaana awrtii lagaga sii tagay. Awrta halkaas ku sii hor jooga anaka ayaa wixii aad u baahan tihiin idiin keeni; iyo waayahay baa lagu kala tegay. Labadii nin oo sida muuqata, aan garasho badan lahayn, ayaa raggii ay balameen raagsaday, waxayna la noqotay in ay ka daba tagaan, awrta na halkaas banka ah kaga dhaqaaqaan. Midkood baa yidhi – waar ilayn geed aynu awrtan isku xidhiidhsan ku sii xidhno na meeshu ma laha oo waa ban ee maxaynu yeelnaa? Kii kale ayaa yidhi anigaa talo haya. Marba haddii awrtii ay isku xidhiidhsan yihiin oo aanay kala tegaynin, waxa loo baahan yahay in aanay halkaas ka dhaqaaqin uun, si taasi ay u dhacdo na, awrka u horeeya hogaankiisa, ayuun baan ku xidhaynaa awrka u dambeeya.

Labadii nin sidii ayay isla qaateen, awrtii oo ay goobo (circle) ka dhigeen, oo kii u horeeyay iyo kii u dambeeyay ay isku xidhiidhiyeen na, bartii ayay kaga dhaqaaqeen. Markii ay iska dhaqaajiyeen, ee ay dhexda sii socdaan, ayay daremeen in wax qaldami karaan. Awrtii in ay isla meerysan karaan, oo isku jajabi karaan ayay yar dareemeen, laakiin nacasnimadoodii ayaa ka awood badisay. Inta iska sii socdeen, ayay xaaladdii qalafsanayd ee ay gacantooda ku abuureen duco u kaashadeen, waxa ayna yidhaahdeen Ilaahow awrtii cid u bixi – iyo aamiin!. Nimankaas kuwo ka fariidsan miyaa la heli karaa? Xilkasnimo dheeraad ah ayay muujiyeen. Ilaahow cid u bixi!. Sheekadan waxa boggiisa Face book soo dhigay Maxamed Haaruun Biixi.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com