Kala soocnaanta shaqo ee Hay’addaha, wasaaradaha iyo goleyaasha qaranku waxa ay lagama maarmaan u tahay dawladnimada (WQ: Muxamed Dhimbiil)

Somaliland dawladnimadeeda iyo dhismaha koboca qaranku waxa uu da’ tirsanayaa 29 sanadood,  hadii uu qaybaha qaranka badhkood dheeli ku yimaado waxa xagal daacaya qaybihii kale ee qaranka oo ku mashquulaya in ay buuxiyaan kaalintaasi banaanaatay.

Waxa taariikhda jamhuuriyada Somaliland ku xusan in gudi golaha guurtida Somaliland iyo salaadiin isugu jirtaa ay mudo  6 bilood ah deegaanada laas-caanood ka sokeeya sida adhi-cadeeye fadhiyeen iyaga oo nabadeyn iyo in ay gaeaadada dhaqanka ee Sool raba in ay shiraan oo nabadgalyada iyo dawladnimada iyo danta ka dhaxaysa dadka Somaliland u joogeen , maantana mooyi sida xaal yahay.

Inaga oo og in hay’adaha dawlada iyo wasaaraduhu shaqada kala leeyihiin oo amniga qaranka ay ka masuul tahay wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa waxa inagu ayaan darro ah in 10 wasiir ay hawlaha nabada marba deegaan u fadhiyaan,  halkaasi waxa ka maqan shaqadii Golaha Guurtida Somaliland iyo hadii laga maarmi waayo Golaha wakiilada oo ah dadka laga soo doorto deegaanadaa in ay buuxiyaan kaalmaha kaga beegan qaranka.

Iyada oo ay jirta kala socnaanta shaqada ee goleyaasha qaranka ayaa ay hawlaha nabadgalyada oo kale yihiin kuwo la wadaago oo u baahan in goleyaasha qaranku uga hawl galaan si mug leh,  halka ay dhex fadhiyaan 10 wasiir oo umadu ka sugeyso adeegyo kala duwan iyo in ay shaqooyinkii loo igmaday u qabtaan.

Hawlo badan oo qaranka ah ayaa isku cayn iyo bayd go’ay oo hayadihii lahaa ka seexdeen,  cidii ku daba taagnaan lahaydna aqoon daro iyo war la’aan mid ay ka tahayba aanay dhaadanayn,  arimahani waxa ay sababeen in dalku taagnaado oo lagu maamulo dhacdo maalmeed  iyo gurmad joogto ah oo marba gobol loo yaaco.

Ceel-Afweyn waxa bilo fadhiyey wasiirkii ciyaaraha , wasiirkii deegaanka,  wasiirkii dastuurka,  wasiirkii cadaalada iyo wasiirka arimaha gudaha oo ay isaga shaqadiisa tahay arimaha nabadgalyada iyo amniga qaranku.

Sidaasi oo kale waxa Awdal ugu mashquulsan wasiirada ganacsiga , beeraha,  caafimaadka iyo Madaxwayne kuxigeenkaba qaranka , waxaaba aad moodaa in dawladnimadii loo badelay in masuul waliba Gobolka iyo Degmada uu ka soo jeedo uun uu arimaheega ku mashquul yahay.

Hadda colaad ka dhacday deegaano gobolka Sool ah ayaa waxa ku mashquulsan wasiirkii warfaafinta qaranka,  wasiirkii arimaha dibada dalka iyo masuuliyiin kale oo tiro badan oo xukuumada Somaliland ah oo 99% aanay ahayn  hawsha ay halkaasi u joogaan shaqadii ay qaranka ugu xilsaarnaayeen ee loo dhaariyey,  arimahani waxa ay ragaad ka dhigeen qarankii oo sameyn la horusocod weyn oo muuqda.

 

 

Maxamed Cabdi Jaamac

Muxamed Dhimbiil

hormood@hotmail.com

Mob : +252634429221