Samiira waa gabadh fiican oo naxariis badan, had iyo jeer caawisa dadka baahan ee ay la kulanto, waana qof ilaahay aad ugu xidhan oo tallo saarata hawl kasta oo ay qabanayso.
Maalin ayaa markii ay gurigeeda ka soo baxaday ayay aragtay saddex oday oo hor fadhiya oo aanay garanayn. Waxay ku tidhi,:
“Soo galla aan raashin idiin siiyee.”
Iyadoo u malanaysay inay yihiin kuwo masaakiin ah. Waxayse ugu jawaabeen:
“Inta anaan soo gelin horta ma jooga Odaygii gurigu?,”
Waxayna ugu jawaabtay:
“Maya.”
Iyaguna waxay yidhahdeen:
“Ma gelayno illaa uu yimaaddo.”
Markii uu yimi odaygeedii ayay u sheegtay, waxaanu ku yidhi:
“Bal u yeedh aan raashin siinee.”
Markii ay u sheegtay in odaygeedu u yeedhayo, ayaa saddexdii oday ugu hal celiyeen:
“Annagu guryaha mar ma wada galno, waayo magacyadayada ayaa noo diidaya inaanu is raacno [Isagoo mid kamid ah saddexdii oday Magacyadaydoodii sheegaya] ayuu farta ku fiiqay mid dhinaca midig ka xigey “Qaninnimo.”
Kanna waxa la yidhaahdaa “Guul” Aniga waxa la i yidhaahdaa “Kalgacal”, Haddaba kaayagee soo gala aqalka oo ku horreeya?. Odagyeedii ayay dib ugu noqotay oo u sheegtay, si dhib yar ayuu xaajiguna ku yidhi “u yeedh oo soo horeysii “Qaninnimo” bal dhiisha faqriga aynu tuurnee’. Laakiin ooridiisa ayaa ka diiday oo tidhi “Innaga daa kaas oo ee aan u yeedhno “ Guul” si aan u guulaysano”.
Hase ahaatee Intaanu odaygii jawaabin ayaa Inantoodii Curad oo oo maqlaysay sheekadooda ayaa soo dhex gashay hadalka oo tidhi; “Aabe iyo hooyo labadaas midna ha u yeedhina ee waxaad ka soo horeysiisaan ‘Kalgacal’, kaasaa ka mudan iyaga oo inoo hor seedaya maxabo iyo kalgacal iyo inaynu is wada jeclaan oo markaasi ayaan wax qabsan karnaaye. sidaasi ayay isku raaceen.
Markii ay gabadhii ku noqotay ee ay u yeedhay kalgacal ayay labadii kale soo raaceen. Waxayna tidhi maya isagoo qudh ayaan u yeedhanay, Iyagun waxay ugu jawaabeen haddii aad isaga u yeedho ma kala hadhno, waanu iswada racnaa. Laakiin haddii labadayadan kale aad midkood uyeedho waan kala hadhnaa . Xikmaduna waa kalgacalka dadka ayaa keena guusha iyo qanimada. Waana inaad kasbato kalgacalka dadka kale. …………………….bal adba.
ALLAA MAHAD LEH
Waa Qalinkii: Garyaqaan Cabdikariim sh. Maxamuud Cabdilahi “suldaanka”