Taandhooyiin iyo guryo ku yaallay xerada qaxoontiga ee Calais ee dalka Faransiiska ayaa waxay gubeen dhammaantood kadib markii ay ka saareen dhammaan qaxoontigiii deganaa.
Xeradaasi oo loo yaqaano Kiinyata ayaa waxay hoy u ahayd kumannan qof oo qaxoonti u badan Afrika.
Qiiq iyo holac ayaa ka soo baxaya qeybta maamulka dalkaasi ay ka saareen qaxoontiga. Guriyihii ku yaallay ayaa sidoo kale la dumiyay.
Qof ka shaqeeya arrimaha gargaarka wuxuu sheegay in qiyaastii 200 oo cunug ay bannaanka seexdeen xalay.
Waalidiinta carruurtaasi ayaa ka fikiraya badqabka ilmahooda.
Dhismayaal ganacsi oo aad u badan, oo ay ka mid yihiin maqaaxiyo ayaa la gubay xalay.
Lama garan karo cid gubtay, balse waxaa suuragal ah in qaxoontiga cadheysan ay gubeen ama dad qaxoontiga diidan ay ka dambeeyaan.
In kabadan afar kun oo muhaajiriin ah ayaa tan iyo Isniintii laga saaray xeradaasi Calais.
Dadkan badan koodu waxay doonayeen in ay dhanka dalka Ingiriiska u gudbaan, balse xuduudda ayaa laga xidhay.