Ha la muddeeyo doorashadiiye,se hanaankii xisbiyada badnaa iyo nidaaamkii talo wadaagga ee aynu qaadannay qabiil buu dabada la galay. Qabiilo qabiilo ayaa loo kala soocmay, runtana laysuma sheego. Miisaanka jaan goyntu waa qabiil. Danta diintaa,dalka iyo dadka midna uma sama ficilkaasi.
Ma aha siyaasiga ku guul darreysta in uu iibiyo fekredo qurux leh, oo uu xariir ku gibley, in uu dabada geliyo qaabiil.
Siyaasiga hogaamin dhalan ah iyo mid barasho ah midnaba ku kasban kari waaya shacabka, ee ka dhiga dadka mid uu caayo, iyo mid uu carjaaameeyo. Siyaasiga xisbigiisu curin waayo qorshe fog , ee aan u yeeli karin xubnaha xisbigiisa iyo taageerayaashiisa riyo san oo u noqota hal qabsi laga mideysan yahay. Ma aha inaynu u igmano hoggaaminta qaranka.
Xisbiga aad codkaaga la hungureyso. Bal fiiri ; Hugiisa sare… yaa hoggaaminaya, saaxiibo dibadeed ayaa u ah, wehelkiisu waa kuma….. Xaddiga taageerayaasha cod bixiyayaasha waa meeqa, hal adaygooda siduu yahay… kaalintiisa xidhiidh ee bulshada sidee u dhisan tahay, ma dantiisa ayuu xisbigu ka hadlaa, mise midda guud, siduu u joogteeyaa ku xidhnaanta bulshada… waa sidee kartida talo goynta xisbigu, ma leeyahay kaabayaasha dadban iyo kuw tooska ah ee dhaada go’aan qaadashada. Awoodda qaab dhismeedka haykalka xisbiga iyo hanaanka maamul waa sidee. Haddii waxyalaahisi u qumman yahay xisbiga waa suure gal hanashada guushu.
Waxa laga maarmaan ah haddii xisbigu doorashada ka soo hoyn waayo midho la goosto in la bedelo huga sare ee xisbiga ama kaadirada jooga ee jilayaasha hormuudka u ah. Ama waa in la cusboonaysiiyo siyaasadda xisbiga oo laa curiyo qorshe u sahla in uu tahan fog ka goosto xisbiyada kale ee la tartamaya.
Aan tusaale u soo qaato Xisbiyo siyaasi ah oo ay soo waajahdey guul darooyin siyaasadeed. Xisbiga shaqaalaha ee dalka ingiriisku waxa uu ahaan jirey hormuudka xisbiyada ingiriiska, 1960 kii , balse waa uu saqiirey.
Xisbigaasi waxa uu goostey in uu sameeyo is bedello qaro waaweyn, oo gun iyo baar ah. Waxa timi Margret oo ahayd qof hibo dhalan u lahayd hogaaminta. Waxay xisbigii ku samaysay dhalan rog weyn , iyo isku shaandhayn , waxaanay foodda hore soo dhigtey Niel Kinok, si ay muuqii hore ee durgufka ahaa ay uga saarto meesha, wejiyo cusub oo soo jiidasho lehna ay u unugto.
Xisbigu is bedelkaasi may furdaamin dhibkii hor yaalley xisbigooda, oo guulo uu talada ku qabto ma uu kasban. Mar labaad waxa ay safka hore ee xisbiga soo orromisey Tony baleer, oo looyar is nacay oo aftahan lafta iyo diirka kala feenaya ah. Taas ayaa keentay in ay hantiyaan guulihii danbe oo ay talada dalkana ka arrimiyaan , waana qorshe degsanaa oo fulintiisa lingaxa loo adkeystay.
Bal u fiirso raadka uu ku yeesho qorshe fog oo dal iyo dad loo dhigo. muddaddii hore qorshahaasi inooma oollin, haddana cid isu xil saartay ma jirto…. cinwaanka keliya ee jiraa waa in aqoonsi dunidu na siiso oo siyaasigeenu ku hadaaqo.
Qorshuhu waxa uu kaa saari karaa sayme colaadeed oo dad iyo duunyo midna aan reebahayn. Fiidnaam 1948-1975 ayaa dagaal ka hurayey , quwadda ugu weyn ayaa ku qaadday. Maraykanka ayaa yidhi: ” Qowadda ciidan,Taatiko, iyo cudud ahaanba annagaa ku gacan sarreeynay… Hal milyan oo ciidan baa isu weydaaranayey.. hugooda,daawada,rasaasta, cuntada iyo shidaalka ama saanad oo dhan baan go’ahayn. Miidaanka dagaalkana guulo xarrago leh bay kala hoyan jireen. Se, Fiidnaam bay guushii iyo gacan sarrayntiiba gunaanadkii yeelatay.” Waayo?. Fiidnaam waxa u dhignaa qorshe toox dheer ama istiraatijiyad.
Janankii cidamada Fiidnaam Jiyaab ayaa fasirey guushan. ” waxaanu adeegsanay qorshe dagaalku ku riiq dheeraado, oo uu qaato muddo dheer. Tani waxa ay noo sahlaysay in aanu helno shax siyaasadeed oo aanu kolba kay noogu badinayso degno. Arrintan waxa ay noo deday god dalooladii dhaqaale iyo cudud yaraantii na haysay, waxaanay noogu geddiday awood iyo xoog dhidban , sidoo kalena ciidankaygii noo badbaaday.
Waxaanu qaadanay mabda’ ku dhufo oo ka dhaqaaq. Amminta aanu guul urino , gellimaad baanu galaa bixin jirrey. Kolkaanu khasaare ciidan ama jab ifo-faalaynona waanu ka muquuran jirrey dirirta fool ka foolka ah.
Labadan tusaale ee dirirta siyaasdeed iyo ciidanba waxa ay inoo bidhaaminayaan in waxa lagu kala dheereeya aanu ahayn laan dheeranimo, faro iyo dhaqaale , se ay tahay qorshe indheer la rogrogey oo la feen tirey.
Qarankan 26 sanno goonida u yiil ee bulshadii caalamku wejiga inaga dadbeen, ee walaaladeenna aynaan dood cad isla hor fadhiisan, ee qorshe cad oo godad dhawr ah leh, oo marba aynu mid degno aynaan curin , sidee u dhisi karmaa?.
Kalkan iman doona iyo doorashada cusub waxaynu u baahanahay xisbi siyaasad ugub ah oo cusub iyo qorshe istaraatiijiyadeed oo tahan dheer ina wada u dejisan tahay.
Haddii hashii maandeeq ay Hooto-nuug isku noqotay , kal horena ay gabno ahayd . Doorkan ilduufku waa ku doqoniimo bulshadeenna.
Halkan hoose ka akhriso maqaaladii hore ee uu qoray Bare sare Axmed Ismaaciil:
Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka Q2aad
Dulsaarka daynta iyo dheefta iibka ee Baananka Q1aad
Bare Sare Axmed Muuse Ismaaciil