Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.3aad (WQ: Dr Cabdikariim D Xasan)

Qormadan saddexaad waxaynu kaga hadli doonaa ka hortaga la samayn karo si xili hore loo daweeyo ama loo ogaado xannuunka Kansar-ka iyo Astaamaha guud ee lagu dareen qaadan karo marka qofka lagu arko.

Tallaabooyinka Lagu Yarayn karo Kansarka:

Waxaa jira barnaamijyo caafimaad oo lagu sahaminkaro noocyo ka mid ah kansarada(Screenning Program), sida barnaamijka lagu baadho dumarka saddexdii sanoba mar ee laga eego kansarka Ilmo-galeenka. Waxaa kale oo lagu guulaystay in si fiican loo sahaminkaro kansarka Naasaha, Mindhicirka adag iyo malawadka (Colorectal cancer), borostayt-ka. Sahamintu waxay sahashay in Kansaro aad u caan ah, khatartooduna badan tahay la ogaado xili ay bilow yihiin oo sifiican loo dawayn karo.

Waxa kale oo lagu guulaystay Tallaal lagula tacaalo fayraska Human Papilloma Virus oo isagu ka mas’uul ah inta badan kansarka ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka iyo dibnaha.

Sidoo kale in gaashaan laysaga dhigo falaadhaha cadceeda iyo shucaaca raajada(X-ray) waxay yaraysaa Kansarada Maqaarka.

In la ilaaliyo deegaanka oo si taxadar leh looga takhaluso hadhaaga shidaalka, saliida, iyo qiiqa wershadahu waxay yaraynaysaa noocyo badan oo kansarada ah (safe disposal of Industrial waste).

In la dhowro amaanka cunto beerida, oo la joojiyo adeegsiga noocyo badan oo ka midda sunta cayayaanka beeraha(Pesticides), iyo nafaqeeyayaasha ciida (fertilizers) waxay ka hortagtaa Kansaro ay ka midd yihiin wuxa ku dhaca beerka, hunguriga iyo neerfayaasha.

Astaamaha Guud ee Qof Kansar hayo lagu Arki-karo:

Marka la rabo in laga hadlo calaamada lagu garto Kansarka, waxaa marwalba caqabad noqota in si kooban loo taxo calaamadaha Kansarada; ama lagu soo koobo tiro aan badnayn.

Taasi waa mid aan suuro gal ahayn.

Kansar-kasta calaamadihiisu waxay ku xidhan yihiin halka uu jidhka kaga dhacay,

Tusaale; kansarka sanbabka calaamadihiisa guud waxaa ka mid ah neefsiga oo qofka ku adkaata, laabta oo gudaha ka xanuunta,qufac joogto ah oo qalalan  iyo isagoo dhiig soo qufaca. Miisaankiisa oo si aan lagu talo gelin ama la qorshayn hoos ugu dhaca, iyadoo aan la hayn sabab cad oo loo foodsaaro.

Kansarka Naasaha waxaa ugu horayn ka mid ah calaamadihiisa fiix adag oo Naaska laga dareemo, dheecaan ama dhiig ibta laga soo tuujin karo, maqaarka dusha oo is bedela iyo kaar joogto ah.

Sidaas oo kale ayuu Kansar kastaa leeyahay calaamado isaga u gaar ah oo ay tahay in dhug loo yeesho, qofku inuu jidhkiisa u dareen yeesho, isbedelada xanuun ee ku yimaada in aanu dhayalsan,  dhakhtarkuna in aanu iska dhego-marin cabashooyinka qofka.

Sidas oo ay tahay, hadana waxaa jira calaamado guud oo hadii qof da’diisu wayn-tahay isku arko ka dhigan dhiilo culus oo waajibinaysa in baadhitaan caafimaad oo waafi ah la sameeyo.

Waxa ka midd ah Astaamahan:

Dhiig bax aan sabab cad loo hayn, sida dhiig saxarada, kaadida, candhuufta midkood soo raaca.

Miisaanka qofka oo hoos u dhaca iyadoon la hayn sabab cad oo keentay, sida xannuun ama nafaqo daro.

Buro ama barar kasoo baxa meel jidhka ka mid ah oo aan sabab macquul ah oo fasirta loo hayn.

Kaar aan sabab loo helin oo jidhka xannuun ku haya.

Waxaa xusid mudan in sababta Macquulka ah cidda raadinaysaa tahay dhakhtarka qofka dawaynaaya. Qofka bukaanka ah isagu maaha cidda ay tahay inay raadiso sababtaas aynu sheegnay.

Waxa kale oo muhiim ah in la ogaado,  calaamadahan aynu sheegnay waa astaamo guud oo xannuuno badani keeni karaan, ujeedada bartilmaameedka looga dhigtay waxa weeye inay noqdaan dareen abuurayaan aan si fudud loo dulmarin, la dhayalsan ama aan la isdiidsiin ka jawaabidooda.

Hoos ka akhri qaybihii hore:

Kansawr: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.2aad

Kansar: Muxuu yahay, Maxaase lagu daweeyaa? Q.1aad

Waxa Qoray: Dr Cabdikariim D Xasan