Kas-Darran 5aad (WQ: Maxamed Xasan Daacad)

Ayaamamaha ayaa xawli ku soconaya, walina xal muuqda looma hayo dhibka Cismaan,Ehel iyo asxaaba waxa laga murugaysan-yahay dhibaatadda aan daawadeeda lahayn ee soo koradhay.

Ayaammo kadib, ayaa waxa kullan gaar ah iskugu yimid koox dhallinyaro ah oo iskugu jirta arday ay Cismaan xiliyo kala duwan ay isku fasal ahaayeen, qaar ay isku xaafad-ahaayeen iyo qaar ay is-garasho guud ka dhexaysay, kuwaas oo ka war-helay xaaladda uu ku sugan-yahay Cismaan ee aan u muuqan Xanuun guddaha ah ama cudur ka mid ah kuwa dadka asiiba oo ku dhacay Cismaan, balse ay tahay arrintaas ka duwan.

Kullankoodii ugu horeeyay ee ay yeeshaan oo ahaa mid ah casho ah, waxay goโ€™aansaddeen labbo qodob, kuwaas oo kala ah; In ay isku dayaan sidii ay reerka ugu buuxin-lahaayeen kaalinta uu kabaxay Cismaan ee ahaa u-adeegga reerka iyo in shaqadda laga kala yareeyo Hooyaddii oo haatan la-dhibban Nolol-maalmeedkii Qoyska iyo In Cismaan Xaaladdiisa si weyn loogu kuur-galo,isla-markaasna laysku taxaluujiyo sidii loo bogsiin-lahaa bogaha dhaawacyadda halista leh ee soo gaadheen.

Sidii ayay Kooxdii shaqadda ku bilawday, waxaanay talo saarteen Illaahay, iyagga oo aaminsan in ay hawl-miisaankeeda leh dusha u-riteen, balse kaliya ku doonaya in ay bad-baadiyaan Nolasha Cismaan iyo Mustaqabla Qoyskooda ee haadaanta kasii dhacaya, iyaddaย ย oo haatana ay soo fool-leeyihiin Xiliggii Jiilaalka oo laga cabsi qabo in ay gayigga ku dhufato abaarโ€™ baโ€™an iyo sixir-barar baahsan oo dalka oo dhan saameeya.

Dhallinyaraddan is-xil-qaantay intoodaba baddanni ma shaqeeyaan, jeebabkoodu ama hayntoodda adduunyana ma-buurna, balse calool-adayg iyo niyad-sammi ayay hawshan adag ugu badheedhayaan, waxaana isku qeybiyaan labbo kooxood, kuwaas oo shaqooyin kala duwan ku kala hagaagaya.

Ugu Horayn, waxay kullan Hoyga Qoyska Cismaan ay kula yeesheen Hooyo Xaaliimo oo ah Maamadda Cismaan, waxaanay uga tacsi-yadeeyeen geeridii naxdinta lahayd ee ku timid aabbihii reerka, kaas oo hadda dhawr todobaad sii mootan, waxa kale oo ay u sheegeen in ay si-naf-huriddiย ย ku jirta ula qeyb-sanayaan xaaladda adag ee ay ku sugan-yihiin, ha-ahaato mid nololeed iyo mid kaleba, waxaanay ugu laab-qaboojiyeen in ay rajaynayaa in ay daawo deg deg ah u lehaan xaalka Cismaan oo haatan sarriir-yaal ah, iyagga oo sidoo kalena u sheegay inay Hawsha culus ee qoyska u keeni doonaan Inan (Gabadh) shaqaale ah, waxii qarash ah ee ku baxana ay iyagu bixin-doonaan.

Hooyo Xaliimo, hawraarsan iyo guddoon ayay kaga fal-celisay arrinkii ay ula yimaaddeen dhallinyaraddu, waxaanay Illaahay uga barriday in uu miisaanka xasanaadka ugu daro, sidaas dad-nimadda iyo wanaaggu ku jiro ee ay ugu yimaadeen, isuna soo xil-qaameen, iyadda oo dad badan oo Carruurta la-ehel ahaa oo xaq ku lahaa aannay ilaa hadda kasoo ag-wareegin, waxaanay intaas raacisay in Biniโ€™aadamka kii wax-kuu-qabta ee dhibkaย ku haysta kula qeybsadda uun aad wax-isku-tihiin ee aanay qaraabbo-nimadda kale wax macno ah samaynayn.

Intaas kadib, waxay Cisbitaalka ku booqdeen Cismaan oo xaaladdiisu ay sii xumaatay, waxaanay hawl-wadeenadda caafimaad ee goobtu u sheegeen in uu Cismaan yahay bukaan-socodkii ugu horreeyay ee noociisa ah ee yimaadda goobtoodda caafimaad, waxaanay taas ku sababeeyeen in uu noqday Buukaan aan sina lagu garan-karin nooca xanuun ee la-deriska ah, iyadda oo hadda soo baxayaan nafaqo-darro ka dhalatay cunto laโ€™aanta iyo wer-werka badan ee haysta oo haatan hoos-u-dhiggay xaddigga dhiigga ee jidhkiisa ku jira.

Lasocoโ€ฆโ€ฆ..Qeybaha Danbe oo Xiiso gaar ah leh!
Waxa Qoray: Maxamed Xasan Daacad
Email:Daacad461@gmail.comย โ€“