Maraykanka: Dablay 5 askari ku dishay Dallas

Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay shan askari oo ka mid ahaa ciidamada booliska ee magaalada Dallas ee dalka Maraykanka iyagoo sidoo kale dhaawacay 6 kale.

Madaxa ciidamada booliska ee Dallas David Brown ayaa sheegay in horraantii Jimcaha maanta in loo soo xidhay saddex qof oo looga shakisan yahay in ay weerarka qayb ka ahaayeen.

Dhacadani, ayaa waxay timid, kadib markii dad ka cadheysan dilal meelo kale ay askar booliis caddaani ahi ugu geysteen dad madow ah ay isugu soo baxeen magaalada Dallas, si ay u muujiyaan sida ay arrintaasi uga xun yihiin.

Booliska Dallas, ayaa dilay hal ruux oo kale oo laga shakisan yahay in uu ka mid ahaa kooxdii toogashada u geystay ciidamada booliska, waxaase inta uusan dhiman ruuxaasi la galeen wada xaajoodyo, kaas oo markii dambe isku baddalay gacan ka hadal.

Ma cadda haddii ruuxaasi uu ku dhintay rasaasta la is weydaarsaday ama uu isaga is dilay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama, oo magaalada Warsaw ee dalka Boolan uga qeyb galaya shirka NATO, ayaa weerarkaasi cambaareeyay.

Waxa uu ku tilmaamay in booliisku ay qabanayaan shaqo aad iyo aad u adag, isla markasina dilalka loo geystay ay dadka xasuusineyso halisaha ay boolisku wajahayaan mar kaste.

Sidoo kale madaxa booliska David Brown, ayaa sheegay in saddexda qof ee la soo xidhay ay midย  ka midi tahay haweenay.

bandhige@gmail.com