Waa lagama maarmaan in aad fikirkaaga ka dhiibato waxyaabaha saamaynta ku leh noloshaada, hadday noqoto bulshada aad la dhaqan tahay dhaqankeeda iyo Siyaasadeeda.
Xalay waxa aad iiga yaabiyey dhaqan sannadadan danbe aad ay u tixgeliyaan Saxaafadeena maqalka iyo muuqaalka ah oo ah maalintan farxadda leh ee Ciida ee la inagu abaal mariyey bishii barakaysnayd ee Ramadaan soonkeedii aynu soo gudanay, ayaa TV-yada Soomaaliyeed dhammaantood ka sinaayeen in ay farxadda dadka kula wadaagaan Heeso aan munaasib ku ahayn.
Haddaba heesahan waxay kaga duwanaayeen kuwii hore ee isii taabtay waxa weeyi in qaabkii bilaa xishood ah ku soo biiray oo Toos “Live -stream” iyadoo loo daawanayo ay isku dheg-dhegayaan gabdho iyo wiilal taasi oo ah dhaqan ka duwan qaabkii fanka Soomaliyeed u socon jiray berigii hore u dhaqmi jiray.
Waxayna taasi sababtay in da’yar aad u tiro badan ay saameeyaan oo la wadaagaan dhaqankaa foosha xun.
Culimadeenu in badan bay ka hadashaa oo way ku amaanan yihiin waqtiga aadka u badan ee ay ku bixiyaan toosinta dadkooda iyagu taa canaan ku ma laha.
Bulsho ahaan haddii aan dhaqankaa sii faafahay aynaan ka hadal oo ka dhiidhin saamayntiisu way sii badan doontaa iyadoo in la maamulaa adag tahay baa iman doonta haddii aan hadda laga hor tagin, waxaana jirtay odhaah Soomaaliyeed oo tidhaahda:
“Ka hortaga ayaa ka wanaagsan, Daawaynta.”
May waayin barnaamijyo kale oo ay dadka ku soo jiitaan oo khuseeya arrimaha bulshada, waxa jira wadooyin badan oo daawadayaasha ay ku soo jiidan karaan hadday damcaan in ay sameeyaan. Waxay la kaashan karayaan culimadooda iyo aqoonyahanadooda si ay u helaan barnaamijyo wanaagsan, laakiin ma rabaan in ay waqti geliyaan, Bulshadeenii gaar ahaan da’yartii waxay u wada hanqal taagayaan sidii ay fanaan/fanaanad u wada noqon lahaayeen, maxaa yeelay saamayn wayn ayuu ku yeeshay barnaamijkaasi oo maskaxdoodii oo dhan ba wuu la wareegay.
In laga tashado arrinkaasi, way haboon tahay.
Waxa Qora: Cabdirisaaq O Caynaan