Khaladaadka Siyaasadda Q.4aad (WQ: Cismaan Abokor Dubbe)

 

Khaladka 15aad: Khaladka iska ilaali saxnaantu waxba kuma yeelayso e’

Raahibkii Spanish ka ahaa ee Garayshiyan (Gracian) wuxu yidhi; hal guuladarro baa ka cawaaqib xun boqol guulood oo aad gaadho. Qofna ma eego buu yidhi qoraxda duhurkii laakiin qof kastaa wuu sii eegaa marka ay sii dhacayso ee ay aabeheed fuudka la cabbayso. Hal khalad oo kuu horseeda hal guuldarro ayaa laga yaabaa in uu noloshaada umado dhan baabi’iyo.

Khaladka 16aad: Waraabe gaboobay wuxu dhaamaa laba iyo toban Dhidar

Sanadkii 1995kii waxa Maraykan safar u aaday Madaxweynihii Somaliland ee Maxamed X Ibrahim Cigaal. intii uu New York joogay wuxu la’ kulmay madax sare oo ka mid ahaa saraakiisha ugu sarraysa Qaramada Midoobay, sida Kofi Anan iyo Abdirahim Abby Farah oo midna ahaa Xoghayaha Guud midna Ku Xigeenkii hore ee Xoghayaha Guud. Waxay si cad ugu sheegeen in aanay hadda arrinta Aqoonsiga waxba kala qaban karayn, maalmahaasna waxa sii qoyanaa baaqii qaylo-dhaanta ahaa ee Beutrous Qaali ee ahaa qodobka Aayakatashiga ee ku jira Axdiga Qaramada Midoobey ee u ogolaanaya cid kasta oo rabta Aayo ka tashi in dib loo eego si’ aanay dunidu u noqon dhawr kun oo Qaran. Odayaashaasi waxay ku taliyeen maaddaama oo uu Cigaal ahaa Raisal Wasaarihii ugu dambeeyey ee dowladdii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya ee 1969kii in uu sameeyo (re-claim) oo uu buuxiyo kuraasta bannaan ee Soomaaliya.

Xiligaas Soomaaliya kama jirin dowlad sharci ah, kuraasta Soomaaliyana way wada bannaanaayeen. Waxay u ballan-qaadeen in ay kala shaqaynayaan hirgelinta arrintaas. Madaxweyne Cigaal arrintii aad buu ugu helay waanu u guuxay, wuxu ku yidhi waxan talo kula noqonayaa dowladdaydii, jawaabna waan idin soo siinayaa.
Markiiba laba tallaabo ayuu qaaday Cigaal. Wuxu Hargeisa mid mid ugu casuumay odayaal waaweyn oo Soomaaliyeed (the Somali elders) sida General Maxamed Abshir Muuse oo ahaan jirey Aasaasihii Booliska Soomaaliya, haddana loogu magac daray Airport ka Garoowe. Ambassador Cumar Macalin oo reer Kismaayo ahaa Dowladdii Cigaal ee 1967kiina u fadhiyi jirey Washington DC. Cismaan Caato oo kamid ahaa odayaasha ugu tunka weyn USC-da Muqdisho. Sheekh Maxamed Macalin oo ahaa sheekhii aasaasay Xarakaadka Islaamiga ah ee Soomaaliya oo ay muddo-dheer Xabsiga ku wada jiri jireen Cigaal.

Tallabaada labaad ee uu qaadayna waxay ahayd wuxu ajandihii New York uu ka soo xambaaray uu horkeenay Golihiisii Wasiirada oo u badnaa Saraakiishii SNM.
Sida:
Col. Cabdiraxman Tolwaa oo ahaa Madaxweyne Ku Xigeen
Col. Muuse Biixi Cabdi (Madaxweynaha hadda ee Somaliland) oo xiligaas ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha
Col. Dayib Gurey oo ahaa Wasiirka Difaaca/Ganacsiga iyo Warahadaha
Col. Xassan Cali Abokor oo ahaa Taliyaha Ciidanka Qaranka
Col. Cali Xuunsho oo ahaa Wasiir ku Xigeenka Boosaha
Iyo rag kale oo ma’ jixin-jixayaal ah una dhaqma sida Milateriga oo aan ka sii xasuusto:
Maxamed Cali Caateeye oo ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha
Maxamed Baaruud oo ahaa Wasiirka Caafimaadka
Saleebaan Gaal oo ahaa Wasiirka Waxbarashada
iyo Quulle Aadan Dool oo ahaa Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta

Markii uu shirkii Golaha Wasiirada keenay arrintii uu kala soo laabtay New York wuxu Golihiisii kala kulmay diidmo iyo mucaaradad adag, waagaas Golaha Wasiiradu wuxu ahaa sidii rag siman oo Geel isugu jiro ee sida maanta muu ahayn arday wanaagsan oo macalinkooda tusaalayaashiisa ku celceliya, waxaaba jirtay subax keli ah oo Madaxweyne Cabdiraxman Tuur ay xukuumaddiisii iska wada casileen 5 Wasiir oo isku qolo ahi.
Golihii Wasiirada ee Cigaal waa diideen fikraddii ahayd in la qaato dowladnimadii Soomaaliya waxaanay ku tilmaameen Khiyaamo-qaran.
Halkan baynu u soconaye, meesha waxa ku jira laba khalad oo siyaasadeed oo waaweyn. Kan koowaad waa khaladkii ay sameeyeen Wasiiradii Cigaal.
Laakiin khaladka ka weyn waxa sameeyey Madaxweyne Cigaal oo aan go’aankiisii ku adkaysan oo socodsiin kari waayey fursaddaas dahabiga ah ee mar soo martay dowladdiisii.
Haddii odaygu uu maalintaas ku adkaysan lahaa go’aankaas maanta Soomaaliya sawir kale bay yeelan lahayd waxaaba suurtagal ah in magaalooyin badani maanta u dhaqmi lahaayeen sida siyaasiyiinta Xanaaqsan, Hargeysina ay yeelan lahayd sawir kale oo aan kan maanta ahayn.

Aan ku soo xidho qaybtanna maansadii Ibrahim Gadhle ee uu lahaa:
Halkii Qorigu kaa Muday
Mar labaad Lugtaadiyo
Cagtu yaanay kula Marin.

La soco qaybaha dambe
W/Q: Cismaan Abokor Dubbe