1. Dawlada Federalka Somalia iyo Dawlada Somaliland waa in ay dib ugu soo noqdaan miiska wada hadalka iyagoon wakhti iskaga lumin warwareeg iyo shuruudo laysu xidho toona. Labada garab ba waa in ay si qotodheer u fahmaan dhan ka ay dabaysha sabosiyaasadeedka gobolku ( East Africa) u socoto, waana in ay is la soo horfadhiistaan Agenda lafaguraan oo ay ka soo baarandegeen kana taganayn isbedelka iyo waayaha ka taagan gobolka.
2. Si looga midho dhaliyo wada hadalka DFS &JSL waa in ay daneeyayaashu ( Dawlado/ururo) ka soo qayb gelayaa ka lahaadaan ujeedo dhab ah oo midaysan, dhan na u wada jeeda.
.
3. Waxay ISIR soo jeedinaysaa in dhinicyadda wadda hadlayaa isla dejiyaan oo u gogol xaadhaan gudagalka wada xaajoodka, agabkiisa iyo qidobada sargoonta iyo tubta u ah wadahadala.
4. Wadamada ku jira safka hore ee arimaha Somaliya iyo Somaliland waa in ay ka dulaan majare siyaseed ay ka midaysan yihiin una kala danbeeyaana faragelinta darka wadahadalada oo dalkeliya u daayaan isku soo dhaweynta labada garab ee wadda hadlaaya, inta kalena dalkaas la daba taagnaato wixii dhaqaale iyo waayo arag nimo looga baabdo.
5. Kaalinta ururada aan Dowliga ahayni waa muhiim.Labada dhinac ba waa inay dadka ay matalayaan wada tashi kala yeeshaan dadka ay matalayaan iyagoo kolbka halka uu wada hadalku marayo ugu soo gudbinaya madalo furan.
6. Wadamada danaha gaarka ah ka leh Somalia iyo Somaliland ama dhabqiyaashaba aan odhan karo waa in fursad loo siin in ay talo ama dhexdhexaadin ku yeeshaan wadahadalada.