Khatarta ugu weyn ee warka Luub.naan ku jiraa, maaha culayska ay keenayso in uu meesha si kedis ah uga baxo hoggaamiye 32 ka sano Xisbiga horjooge u ahaa…. W/Q:(Kamal marjaan )

Waana hubaal in maalintii xilkan loo caleemasaaray uu naftiisa sii gunaanaday.
Khatarta muuqataa waa in Eer. aan ay fashilantay sirdoon ahaan, iyo malateri ahaan labadaba, haybadeedii gobalka iyo duniduna ay hoos u dhacayso.

Muddooyinkii u dambeeyey Eesra. eel waxa soogaabisay jiil dhan oo ka mid ah hoggaankii darajada Koowaad ee Xisbiga iyo saraakiil muhiim u ahaa Eer. aan. Laga soo bilaabo Qaa.Sim Suley. maani taliyihii cutubyada ay Eer. aan ku faanto ee Alqud.duus iyo hoggaamiyeyaashii maleeshiyada shiicada Cee.raaq ee la socday, hoggaamiyihii Xam. maas, qarxintii isgaadhsiinta sirta ah ee Xisbiga oo boqollaal qof oo muhiim ah galaafatay, iyo midda maanta ee Xasan iyo raggii ugu mudnaa Xisbiga. Illaa heer la sheegayo in maanta uu nin keliyi ka noolyahay jiilkii Koowaad ee xisbiga, iyo xitaa burburka diyaaraddii madaxweynuhu ku dhintay oo dad badani ku doodaan in raadka Eesra. eel ka muuqdo.

Waxaas oo dhammi ma ay suurtagaleen, haddii aanay Eesra. eel ku dhex jirin, weliba meel sare ka gaadhin nidaamka amniga iyo sirdoon ee Ee.raan. Waana ta keentay in Eer. aan ay xitaa gudaha dalkeeda cabsi ku dareento, iyada oo hoggaamiyaheeda ugu sarreeya Khaam.naai, geysay goob qarsoon.
Eer. aan waxa ay ku fashilantay in ay albaabada hay’adaheeda ammaanka adkayso, waxa ay ku fashilantay in ay sii ogaato xogta waxa ay Eesra. eel maagantahay iyda oo og in xaaladda lagu jiraa ay tahay mid wax kasta ay suurtagal yihiin. Waxa ay ogaan kari weyday ajandaha shirkii dilka xasan ka hor ka dhacay Eesra. eel ee lagu go’aamiyey dilka, waxa ay sugi kari weyday ammaanka Xasan, iyada oo ogaan kari weyday goobta shirkaas muhiimka ah ee isaga iyo raggiisa ugu sarreeyey xisbiga iyo xitaa saraakiil Eer. aan ka socday ay fadhiisanayaan, in ay aamin tahay oo aanay gaadhi karin gantaalaha dhulka hoos u galaa. Waxa ay ogaan kari weyday khatarta awoodaha sirdoon iyo milateri ee Eesra. eel oo dabcan walaalkeeda ka weynina garab siinayo.

Waana isla sida ay ugu fashilantay helidda xogta dilalkii hore ee sidan oo kale ahaa, weliba haddana aanay casharro ka baran.

Khatarta kale ee ay waajahaysaana waa in hadda kaddib ay adkaan doonto in saaxiibbadeeda gobalku ay ku kalsooonaadaan inay difaaci karto, ama in ay ugu yaraan u heli doonto xog amni oo ay ku nabadgeli karaan, taasina waxa ay hoos u dhigaysaa daacadnimadii ay u qabeen oo ay ugu horreyso, in ay ahaayeen gacanta ay ku dhirbaaxdo cid kasta oo aanay doonayn in ay iyada is waajahaan.

Waxaa intaas dheer in arrintani muujinayso khatarta uu waajahayo halyeeyga reer Falas. tiin ee Yax. ye Siin.. waar. Waayo, dhammaan xeerarka sirdoonku waxa ay isku waafaqsan yihiin, in nidaamka sirdoonku uu yahay shabakad isku xidhan oo haddii xadhiga afkiisa la helo, si fudud loo raaci karo si loo gaadho cid kasta oo xidhiidh la leh.

 

 

 

 

xigasho:Kamal marjaan

bandhige@gmail.com