Horta hadal bay kala deysan weyday … Ee Isticmaarkii ka hor, yaa Somali ahaan jiray Yaase ku soo biiray Somali?
Labada bog ee halkan ku sawiran ayaa laba jawaabood kala bixinaya, iyaga oo haddana isku buug ahaa. Laakiin kala ahaa laba daabacood oo waqti ahaan aad u kala fogaa. Midi waa asal. Waa guun qadiimi ah. Ka kalana waa bug iyo canjilaad ka dabmbeeyay kaas hore. Malahayga Talyaaniga ayaa laba qarni ka hor, Cajamtii ka daba keenay Somalida.
Buugga asalka ah, oo la qoray ka hor 1830kii, waxaa ku cad khariidadda, in Somaliland jirtay, oo ay ahayd dhulka Somalida. Waxaa laga tarjumay magacii af Carabiga ahaa ee Bilaada Al-Somal. Taasina waa ka hor intaanu iman Isticmaarkii.
Waxase uu Talyaanigu ula baxay “Somalia” sida “Italia”, canjilaad, bug iyo been way ahayd. Magacooda asliga ahaa, ee Carabtuna ugu yeedhi jirtay waxuu ahaa CAJAM. Labadaas magac ee SOMALI IYO CAJAM, ka eega khariidadda Asalka ah, ee ka horaysay ta daba-ka-keenka ah. Taas dambe oo la qoray wixii ka dambeeyay 1860kii.
Waxaa murugo leh, Caamada daa oo, Siyaasiyiinta Somaliland oo iyana, aan kala aqoon labada magac ee af-Faranjiga ku qoran ee kala ah; “Somali Republic” iyo “Republic of Somalia”. Ka hore, lixdankii ayuu ku baxay riyo Somaliweyn ahayd. Waxaana ku jiray Jabuuti, Ogadenia iyo NFD da Somalida.
Magaca dambana waxa uu markii ugu horreysay uu ku soo baxay warqaddii dhegaraysnayd ee uu qoray Aadan Cabdale Cismaan. Taas oo 1st July 1960 uu ku codsaday, in laga aqoonsado Jimciyaadda Quruumaha (UN). Maalintaas Aadan Cadde oo sheegtay Madaxweynaha SOMALIA, ee ku meel-gaadhka ah, ayaa iska indha-tiray Somaliland oo noqotay dal madax-bannaan shan cisho ka hor. Oo sheegtay uun tiisii ahay SOMALIA.
Kawdii Julay 1960, Somalia iyo Somaliland may kala saxeexan sharcigii ay ku midoobi lahaayeen (Act of Union), iyaga oo kala ahaa laba dal oo madax bannaan. Dustuurkii Midnimadana Somaliland way diidday oo codayn bay ku jabisay.
Sidaas darteed wax sharci ah oo isku haya Somaliland iyo Somalia, weligiiba ma jirin. Bal Ciddii Sharcigaas heysaa ha keento.