Nuxurka Taaladda Diyaaradda (WQ: Axmed-Nuur Guruuje)

Waxaan ahaa 5 jir ku dhashay nabad iyo nolol xasiloon , waxaanan ku jirey nolol caruurnimo oo qurxoon markii aan noqday qaxoonti ka barakacay deegeenkii uu ku noolaa .
30 Malmood ayay maalin walba diyaarad dagaal oo uu ku sawiran yahay calankii wadankaygu , wado bayloodkii wadankaygu kana soo duushey magaaladdii aan ka qaxay igu duqaynaysay isla duleedka magaaladii aan ka qaxey .
Waxaan si degdega u galay nolol cabsi iyo argagax leh , shaadhka cad ha xidhan , shaadhka cas ha xidhan , shaadhka madow ha xidhan diyaaradaa ina arkaysee , cirka ha eegin diyaaradaa ina arkaysee , xoolaha nooli yaanay inoo soo dhawaanin diyaaradaa ina arkaysee ayaa maalin walba la igu waanin jirey , cabsidii aan la kulmay 30 sanno ka horna weli saamayn bay igu leedahay .
Sidaa darteed , taaladda diyaaradani maaha mid u taagan cadaawad , maaha mid ka turjumaysa xumaan mana aha mid iska horkeenaysa Umadda Soomaaliyeed , hassa yeeshee waa mid u taagan ku cirbo qaadasho , digniig ka wantoow ay tahay in laga waantoobo in aan xukuumad dambe oo Soomaaliyeed dadkeedda u qaadanin xabad , in aan dawlad dambe oo Soomaaliyeed aanay duqyanin magaalo soomaaliyeed , in aan Baylood dambe oo Soomaaliyeed aanu garaacin magaalo iyo maato Soomaaliyeed .
Nuxurka taaladani u taagan thayna waa in aan Madaxwayne Jabuuti duqaynin shacabka jabuuti , waa in aan madaxwaynaha Jigjigi duqaynin shacabka dawlad deegaanka soomaaliyeed , waa in aan Madaxwayne Somaliland ihi laynin shacabka Somaliland , waa in aan Madaxwayne Soomaaliya gumaadin shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn taaladdu waxay ina xasuusinaysaa xasuusta tallo xumo ka timi xukuumad soomaaliyeed , waxaanay u taagan tahay digniinta tallo xumo dambe oo xukuumad soomaaliyeed .
Axmed-Nuur Guruuje