Wasaarada Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxay Tababark ku saabsan hogaamin u soo gaba gabeysay qaar ka mid ah arday Jaamacadaha

 

Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland ayaa tababar muddo saddex cisho ah socday uso xidhay qaar ka mid ah ardayda jaamacadda dalka, Tabobarkani oo ardayda lagu barayay sidii ay dhalinyaradu uga qayb qaadanlahaayeen siyaasadda iyo hogaaminta dalka ayaa waxa tabobarkaasi xidhitaankiisii kasoo qayb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Mudane: Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi”, Agaaasimaha waaxda Dhalinyaradda Mudane: Maxamed Xassan Cabdi, Madaxa mashaariicda horumarinta dhalinyarada hay’adda UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax iyo Khabiirka bixinayay tabobarkaasi Cabdillaahi Cali Muxumed {Garaadka} iyo sidoo kale dhalinyaradii ka faa’idaysanaysay tababarkaasi.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay khabiirka bixinayay tababarkaasi Cabdilaahi Cali Muxumed {Garaadka} iyo mid kamid ah dhalinyaradda ka faa’iidaysatay tabobarkaasi.

Tababare Garaadka waxa uu yidhi:

“Dhalinyaradu intii aanu halkan wada joognay waxa ay muujiyeen karti badan iyo hagaaminta lafteediiba, waxa aan markaa halkan aan doonayaa uun inaan hal dardaarana ka idhaahdo kaasi oo ah in aynu wixii aynu halkan ku kala qaadannay weelayno sido kalena noqdaan wax midho dhala oo shaqsi ahaan iyo umadaba looga faa’idaysto, ka qaybgalka siyaasadduna waa qodob muhiima tagaanna wakhtigeedii amrkaa sidaa wanaagsan ee aynu iskula faaqidnay loogu hawlgalo.”

Agaasimaha waaxda dhalinyaradda Maxamed Xasan Cabdi waxa uuu isaguna yidhi:

“Inta badan dadkeena markaad eegto kolka siminaar la qabanayo inta badan waxa laga sugaa uun cida qabanaysa balse caalami ahaan waxa weeyi 40% ka imanaysa kasoo qaybgalayaasha iyo 60% ka imanaysa tababar bixiyaasha.”

Madaxa Horumarinta Mashaariicda Dhalinyaradda UNFPA Cabdicasiis Maxamed Faarax ayaa waxa uu isaguna yidhi:

“UNFPA tabobarkani waxa ay ugu talo gashay laba arrimood inuu xooga saaro, midi waa Hogaaminta, midna waa Ka qayqaadashada markaa ka qaybqaadashadii waxay doonto ha noqotee. In dhalinyaradu wax hogaamin karto oo sayn ognahay manta caalamka wax acid hogaamisaa waa dhalinyaro.”

Waxa ugu danbayn halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Cabdillaahi Siciid “Khaawi” isagoo ka warbixiyay heeganka ay wasaarddu ugu jirto dhiiri gelinta iyo tababarka dhalinyarta waxana uu yidhi:

“tabobarkan waxa fuliyay wasaaradda dhalinyarada iyo hay’adda UNFPA iyagoo is kaashanaya waxana loogu talo galay in dhalinyaradda looga faa’ideeyo aqoon ahaan hogaamintu waxa ay tahay, waxaan u malaynayaa manta inaad aqoon ahaan barateen oo aad taqaanaan hogaamintu waxa ay tahay waxa kaliya ee loo baahanyahay waxa weeyaan in aad nafihiina ku dabaqdaan oo aad noqotaan kuwo hogaamiyayaal ah oo bulshada aad ka timaadeen iyo guryaha aad kasoo toosdeen iyo nafihiina iyo jaamahada aad ka kala socotaanba hogaamiyayaal u noqotaan oo aqoontii aad barateen idinka muuqato, mar labaad waxa loo baahanyahay maanta waxa la idin tusay dariiqiiye waxa la idiinka baahanayahay inaad aqoontii sii korordhsataan.”

Ugu dambeyntii waxa uu dhammaan ka soo qayb galayaashii la gudoonsiiyey shahaadooyinka.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com