Xaysiis: Tartanka Dhiirigeliyaysaasha Xuquuqda Caafimaadka Taranka iyo HIV-GA ee Da’yarta

 

Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER wuxu halkan kaga dhawaaqayaa in uu bilaabi doono tartanka dhiirigeliyayaasha (motivational speakers) xuquuqda caafimaadka taranka iyo HIV-ga ee da’yarta. Tartankan ayaa ah mid muuqaal ah isla markaana dhallinyarada Somaliland ay ku tartami doonaan, ujeeddadiisuna waxay tahay sidii loo heli lahaa dad u dooda isla markaana dhiirigeliya xuquuqda caafimaadka taranka iyo HIV-ga sidoo kalena ka qayb qaata wacyi gelinta dhallinyarada ee xanuunnada ka dhasha galmada.

Haddaba, dhallinyarada ka qeyb galaysa tartankan waa in ay da’doodu u dhaxaysaa 17 jir ilaa 24 jir.

Tilmaamo ku saabsan muuqaalka tartanka.

  1. A) Mawduucyada.
  2. Sidee loo dabar-goyn karaa xanuunada ku faafa galmada
  3. Waa maxay muhiimadda ay dhallinyarada u leedahay barashada caafimaadka taranka
  4. Kala korinta ubabka iyo naasnuujinta ubadka
  5. Gudniinka Gabdhaha iyo dhibaatooyinka uu u leeyahay caafimaadka taranka

 FG: Tartumuhu wuxuu dooran karaa mawduucyadaa sare mid ka mid ah.


  1. B) Shuruudaha Looga baahanyahay Tartamayaasha:-
  2. Waxa tartanka ka qayb qaadan kara gabdhaha iyo wiilasha Somaliland.
  3.  Waa in muuqaalku ka koobnaada inta u dhaxaysa 5 – 10 daqiiqo, codka iyo muuqaalka tayadiisuna fiican tahay. Mobile waa la isaga duubi karaa, laakiin si tayo leh waa in la isaga duubaa oo aan ruxan lahayn isla markaana codku faseex yahay.
  4. Muuqaalku waa in uu lahaadaa hordhac hoos ku qoran:
  • Magaca tartamaha
  • Da’da
  • Magaca jaamacada & dugsiga uu dhigto / dhigato ama ka qalinjabiyay / qalinjabisay ama heerka waxbarashada uu gaadhay.
  • Cinwaanka Muuqaalkiisa
  • Deegaanka ama magaalada uu deganyahay / degantahay
  1. Muqaalka u waa in uu ku duuban yahay hal qof oo kali ah, haddii hal qof iyo in ka badan ay ku duubaan yihiin lama aqbalayo.
  2. Tartamuhu waxa uu muuqaalka ku duubayaa Af-Soomaali.
  1. Muuqaalka waa in lagu soo diro WeTransfer ama ama Google Drive.
  2. Qodobadan sare haddii ay wax ka dhiman yihiin lama tixgalinayo muuqaalkaaga.

FG: Ogsoonow Somaliland Y-PEER waxay muuqaalada ku baahin doonaan mareegaha baraha bulshada iyo  muuq baahiyayaasha.

  1. C) Soo gudbinta

Xiliga soo gudbinta muuqaaladu waxay ku eegtahay maalinta Khamiista, December 17, 2020, saacaduna ay tahay 2:30 Duhurnimo Saacada Bariga Afrika.

Email: slypeerinfo@gmail.com, ciwaanka waxaad ku qoraysaa “Tartanka dhiirigeliyayaasha Xuquuqda Caafimaadka taranka iyo HIV ee da’yarta” FG: Cidii soo gudbisa wakhti ka danbeeya xiliga loo qoondeeyay lama tix galin doono. Haddii uu muuqaalka cabirkiisa weynaado waxaad ku soo gudbisaa WeTransfer ama Google Drive.

Abaalmarinta iyo guuleystayaasha waxaa lagu dhawaaqi doonaa isla bishan December oo abaalmarinta la bixin doono.

  1. D) Qaabka loo kala xulan doono.

Guddi ayaa eegi doonta muuqaallada ugu tayada badan ee leh qodobadan hoose:-

  • Muqaalka waa in uu yahay mid asal ah (Original) isla markaasina hal qof ku tartamayo.
  • Muqaalka nuxurkiisu waa in uu koobanyahay isla markaasina si cad loo fahmi karaa adigoo ku salaynaya aragtidaada.

Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan tartanka:

Tartanka dhiirigeliyayaasha Xuquuqda Caafimaadka taranka iyo HIV-ga ee da’yarta

Somaliland Y-PEER

Tel: (252) 63-4417564 or (252) 63-4073522

Email: slypeerinfo@gmail.com