Khudbad sanadeedka iyo qaab dhismeedka ay leedahay (WQ: Rashiid Odowaa)

Khudbad sanadeedka waa hadal uu madaxweyne u jeediyo golayaashiisa qaranka,waxayna u dhigan tahay fariin sii dhexmaraysa oo ku socoto guud ahaan Dadweynaha dalka,Waddamada jaarka,caalamka iyo dadka xiiseeya ama daneeya waddanka,waxay noqon kartaa khudbad uu madaxweyne toos ugu jeediyo golayaashiisa oo kulmay isla markaan si toosa looga daawan karo warbaahinta Sida TV yada, iyo Idaacadaha,waxay kaloo noqon kartaa qoraal farriinn ah oo la qaybiyo ka dibna la baahiyo.

Khudbaddan badanaa waxa loo sameeyaa qaab dhismeed,si aanay isugu dhex daadan oo loo daboolo dhamaan dhinacyada u baahan in laga hadlo oo dhan,iyada oo aan la dheeraynayn lana gaabinayn ee meel dhexe lagu ilaalinayo. si aanay u lumin xiisaha iyo xikmadda,waxa xusid mudan khudbadan waxa dhegeysanaya dad aad u tiro badan oo dibad iyo gudeba leh sidaas darted waa muhiim in la ilaaliyo quruxdeeda iyo qaab shismeedkeedaba waxay khudbaddu ka bilaabmaysaa gunta waxayna u soconaysaa kor qaab toosan oo (Vertical) shantan heer ayay martaa inta badan.

HORDHAC
Salaan la gaadhsiinayo goleyaasha lala hadlayo,mudane iyo marwoba.marti sharafta ka soo qayb gashay,dadweynaha sida tooska ah u daawanaya iyo dhamaan dadka sharafta leh ee xiiseeya waddankan ama taageerada u haya.

ARRIMAHA WADDANKA GUDO IYO DIBADBA (National)
Madaxweynuhu wuxuu guda galaa arrimaha ku saabsan waddanka gudihiisa iyo dibadiisaba waana khudbadda halka ugu muhiimsan,wuxuu soo bandhigaa waxyaabaha la qabtay,waxyaabaha la qaban doono iyo waxyaabaha u baahan Cudud dibadeed iyo mid gudaha ahba in la iska kaashado,waxa uu madaxweynuhu taabtaa meelaha ay dalka gudihiisa ka jiraan dhibaato xagga nabad gelyada ah iyadoo fariin hawada loo marinyo dadka ay si gaar ah u khusayso oo la tusayo Kalgacal iyo inay qayb ka yihiin nabadda (Particibatory).waxa kaloo la soo hadal qadaa waxyaabaha baahiyaha aadka loogu baahan yahay sida Waddooyinka magaalooyinka dhexdooda iyo kuwa u kala baxa gobolada si uu qof kastaa uu yidhaa allaylehe dhibta aad daremayso madaxweynuhu wuu ogyahay dabcan waa inay ka horraysaa baadhis lagu sameeyo waxyaabaha aadka looga cabanayo ee dadka dhegahooda ka guuxaya,ama meelaha u baahan in loo xoqo ee cabashada badani taallo,dareenka oo lala qaybsado dadweynaha waxay ka dhigan tahay badh ahaan howshii oo la qabtay.

Tusaale ahaan dhibta ugu wayn ee dadka caasimadda joogaa Dareemaan waa waddooyinka iyo biyaha,sidaa darteed waa in la soo hadal qaadaa,illayn waa baahi dadku goor kasta dareemayaane.
Waxa kale oo halkan lagaga hadlaa arrimha xisbiyada, doorashooyinka,mushahar kordhinta IWM.

ARIMAHA GOBOLKA (regional)
Halkan waa halka uu madaxweynuhu,kaga hadlo arrimaha ka taagan gobolka uu waddanku ku yaallo waxa ka soo kordhay.iyo wixii horumar ah ee ka jiraba iyo sida loola qaybsanayo arrimaha xidhiidhka iskaashiga dhaqaalaha nabadda,
Waxa muhiim ah in la soo hadal qaado waddamada saxiibka gaarka ah la la yahay iyo kuwa khilaafku inaga dhexeeyo,iyo sida ay nooga go antahay in waddamada gobolku nabad ku wada noolaadaan.Tusaale ahaan waddamada geeska Afrika waxay Somaliland saxib la tahay Ethiopia iyo Eritrea iyo jabuuti sida ay usoo kala horeeyaan ama u kala dhowyihiin ayaa la isugu xigsiinayaa,waxa kaloo digniin iyo waanoba loo diri karaa waddanka uu khilaaf siyaasded idinka dhex jiro Sida Somalia oo kale.

ARRIMAHA QAARADDA (Continental)

Halkan waxa uu madaxweynuhu ka sheegaa ama kaga hadlaa arrimaha qaaradda uu waddankun ku yaallo,wixii dhib ah ee qaarad ahaan la wadaago iyo wixii dheef ahba,waxa uu ka dhiibtaa fikirka iyo mowqifka siyaasaded uu waddanku ka taaganyahay arrimaha qaaradda ka jira,iyo sidii nabad loogu dhamayn lahaa meelaha is maandhaafku ka jiro,kolleyba lama waayo meelo muran ka taaganyahay.
Waxa muhiim ah in la soo hadal qaado danaha guud ee qaaradda Afrika ka dhexeeya dhibta jirta iyo sida xal isku mid ah loo raadinayo.

ARRIMAHA CAALAMKA (Global)
Halkan madaxweynuhu wuxuu kaga hadlaa arrimaha caalamka ka taagan,meelaha dhibaatadu ka jirto ee u baahan in mowqif la taaban karo laga hadlo,iyadoo dhex dhexaadnimoda la ilaalinayo,iyo awoodda waddanku leeyahayba,haddana ugu yaraan waxa la muujiyaa in dareen laga haysto. Sababtu waxay tahay ma jiro waddan aduunka go doon (Isolated ka ah) ama ha la aqoonsanaado ama yaan la aqoonsanin
Halkan waa meelaha uu madaxweynuhu ka diri karo baaqyada caalamiga ah,meelaha ay xasaraduhu ka taaganyihiin,Hawada iyo Cimilada Isbeddelka samaysay (Global Warming) Arrimaha Argagixiso,budhcad badeed IWM
Marka ay khudbaddu heerarkaas marto ee lagu xuso dhinacyo badan oo dareenka bulshada taabanaya ayaa lagu qiimayn karaa karaa khudbaddas dhginacyadii loo baahnaa way dabooshay (Coverage)
Waxan soo dhoweynayaa khudbad-sanedekii qiimaha lahayd ee Madaxweyne Muuse Biixi u jeediyay labada Gole qaran.

Allaa mahad leh
Rashiid Odowaa
khadarsalaan@gmail.com
063-4101213