Dooda khusaysa khilaafka gacanka carbeed iyo isbadalka geeska afrika.
Waxaan aragti ka dhiibanayaa mawduucaas: – Way wanaagsantahay in arimah masiiriga ah ee ina khuseeya, inaga iyo carruurteena in laga doodo oo lays qanciyo meelna laysla dhigo.
Laakiin waxaa iswaydiin leh goorma ayaa laga doodayaa, iyo yaa lagala doodayaa. ?
Horta arrinkan laga doodayaa waa arin masiiri ah ina saamayn doona inaga iyo caruurteena mustaqbalka, sidii midowgii soomali wayn, soomali oo dhan u saameeyay tala xumadiisii midhihii ka soo baxayna wali la guranaayo.
Nimankii lixdankii arintaa dhigay waxay ahaayeen niman siyaasiyiin ah, nimanka arinkan imika galayna waa niman siyaasiyiin ah, laakiin labada marxaladood way kala duwan yihiin,
lixdankii dadku waxay u badnaayeen dad aan aqoon lahayn, markaa ninka siyaasiga ihi dhinaca uu doono ayuu u jihaynaayay, wax kale may samayn caadifada dadka ayuunbay kiciyeen, wax humaag soomali wayn ahna way hordhigeen waanay marsiiyeen, midhahdiina waa taa soomali oo dhan guranaysa.
laakiin maanta dadku dadkii hore maaha waanay ka aqoon badanyihiin wax badana way og yihiiin, markaa nimka barnaamijka watay way ogaayeen inaanay ka soconayn qancin iyo dood, markaa waa kuwii xooga ku marsiiyay iyaga oo isugu habarwacday.
Horta nimankan tabliiqa ayaa yidhaa shuuro(waa wada tashi eh) shuuro, shuuro kama horayso, shuurana ย kama dambayso, nimanka tabliiqa ayaa xikmad dhameeyay.
Marka hadal iyo guntii intaan la galin in laga doodo ayay ahayd, lagalana doodo cida midada daabkeeda haysa.ย Maanta xukuumad cusub ayaa daabka haysa, hadii dooda xukuumada cusub soo bandhigi lahayd macno ayay samayn lahayd.
Imika anigu waxaan u arkaa uun inay tiiqtiiqsi tahay, lagu tiiqtiiqsanayo dadka waxgaradka ah ee wadanka jooga iyo kuwa dibada jooga ee aad uga dhiiidhiyay ciidamadaas iyo dakadaa la wareejiyay.
Waxaan kula talin lahaaa dadka markii horeba arinkan diidanaa inaanay ka qayb galin waayo wax midho ah oo ka soo baxaya ayaan jirin.
Idinka qudhiina kuwaan arinka soo jeediyay, hadii ay wax qabad idinka tahay marku arinku taaganyahay dadka u soo bandhiga ee wax laga qaban karo. Hadii kale idinku laftiinu dhinac ayaad u muuqataan, si aad sumcad ugu samaysaan nimankii waxan sameeyay.
Hadal iyo guntii meesha wax laga doodaa ma yaaliin, arina wuxu ku dhanyahay xikmadaa tabliiqa ee ah shuuro, shuuro kama horayso, shuurana kama damabayso, arinku waxa weeyi midhaha ka soo baxa aynu sugno inaga iyo carruurteenu.
Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com