Khudbadii u dambaysay ee Nabi Muxamed uu Jeediyey 9-kii Dulxiga sannadkii 10aad (Dr. Maxamed Yusuf Aw Cali “Culimo”)

 “……Ilaahoow markhaati ka noqo in aan fariintaaddii gaadhsiiyey dadkaagii…..”

Khudbadan waxaa uu nabigu CSW u jeediyay qiyaastii  140,000 oo  saxaabi. Khudbadan waxa uu nabigu csw kaga hadlay xuquuqda dumarka, sinaanshaha iyo walaalnimadda muslimiinta, amaanadda iyo dardaaran guud.

“ Dadoow, si fiican ii dhagaysta waayo ma ogi inaan sanadkan dabaddii idinla joogi doono. Sidaa darteed, si wanaagsan u dhagaysta waxa aan idiin sheegayo, erayadana gaadhsiiya inta aan maanta halkan joogin.

Dadoow, sida ay bishani, iyo maalintani, iyo magaaladani (Makkah) u xurmaysan yihiin , ayay dhiigiina iyo hantidiinuba u yihiin xaaraan. Amaanadda u celiya cidii xaqa u lahayd. Cidna dhibaato ha u gaysanina si aan la idiin dhibaatayn. Xusuusnaada inaad ilaahiina la kulmi doontaan oo camalkiina la xisaabin doono. Ilaahay waxa uu idinka mamnuucay ribadda (interest/usuary) . sidaas darteed, ribadda oo dhan waa in laga tago.

Iska ilaaliya oo ka digtoonaada shaydaanka. Shaydaanku  wuu ka rajo dhigay inuu idinku lumiyo arrimaha waawayn laakiin ka digtoonaada arrimaha yar yar.

Dadoow, Sida aad xaq ugu leedihiin dumarkiina ayay iyaguna xuquuq idiinku leeyihiin. Xusuusnaada in ay dumarkiina ku yihiin sharciga Ilaahay. Haddii ay xuquuqdiina ilaaliyaan, waxay xaq idiinku leeyihiin inaad quudisaan iyo inaad dhar u xidhaan si wanaagsan.

Dumarkiina si fiican ula dhaqma, una naxariista maadaama ay yihiin caawiyayaashiina. Waxaad xaq ugu leedihiin inaanay la saaxiibin cid aydaan u ogolaan.

Dadoow, si fiican ii dhagaysta.  Ilaahay caabudda, salaadihiina maalinlaha ah tukadda, bisha Ramadaana sooma, Sakadda bixiya, xajkana taga haddii/marka aad kartaan.

Bili,aadamku dhamaantii waxa uu ka yimid Aadam iyo Xaawa. Carabtu kama sarreeyaan cidda aan carab ahayn, dadka aan carabta ahaynina kama sareeyaan carabta. Sidaas oo kale dadka caddi kama sarreeyaan kuwa madow, kuwa madoobina kama sarreeyaan cadaanka. Waxaa kaliya oo ay dadku ku kala sarreeyaan cabsidda Ilaahay iyo camalka wanaagsan. Ogaada in muslimiintu ay yihiin walaalo. Xaqa qof muslim ahi leeyahay uma banaana qof muslim ah oo kale ilaa uu isagu siiyo oo uu u ogolaado. Sidaas darteed, cadaalad daro ha isku samaynina.

Xusuusnaada, maalin maalmaha ka mid inaad Ilaahay hortagi doontaan oo camalkiina la idin waydiin doono. Sidaas darteed, ha ka lumina dariiqa wanaagsan marka aan idinka tago anigu.

Dadoow, ma jiro nabi dambe oo aniga dabaday imanayaa. Diin dambe oo imanaysaana ma jirto. Sidaas darteed, dadoow, fahma ereyadayda iyo fariinta aan idin soo gaadhsiiyey.  Waxaan idiinka tagayaa laba shay oo kala ah Quraanka iyo sunnahayga, haddii aad raacdaana waligiin lumi maysaan.

Dhamaan inta I dhagaysanaysaa fariintan ha gaadhsiiyaan inta kale, iyaguna sidaas oo kale ha u sii gudbiyaan. Waxaa laga yaabaa in qoladdaa dambe ay ka faham wanaagsanaadaan inta aniga si toos ah ii dhagaysanaysa. Ilaahoow markhaati ka noqo inaan fariintaaddii gaadhsiiyey dadkaagii”.

 

Dhammaad

Dr Maxamed Yusuf Aw Cali (Culimo).