Wasiirka Wasaarada Maaliyaddu waxay booqasho ku tagtay xarunta Ciidanka Dabdemiska Caasimada

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Sam sam Cabdi Aadan ayaa booqasho ku timi xarunta Ciidanka Dabdemiska magaalada Hargeysa.

Wasiirka waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka ciidanka Dabdemiska oo ay ugu horeeyaan Taliyaha Ciidanka Axmed Xasan Sawaaxili, Agaasimaha Guud Ee Maamulka Cabdiqaadir Cumar Xaashi ,Suldaan Axmed Daahir oo ka mida Guddida Dabdemiska iyo dhammaan saraakiisha ciidanka Dabdemiska ee xarunta ku sugnaa.

Ugu horayn waxa sharax ka bixiyay sida hawshu u socoto maamulka Ciidanka oo ka waramay halka ciidanka Dabdemiska laga soo bilaabay, halka uu maanta marayo iyo qorashayaasha dhaw iyo kuwa fog ee ciidanka u qorshaysan iyadoo ciidanku muddo kooban jiray haddana uu waxqabad weyn ku talaabsaday, waxaana maamulku sidoo kale iftiimiyeen guulaha ay ka gaadheen xagga maamul wanaaaga iyo tayaynta Ciidanka.

Dhanka kale waxaa Wasiirku booqasho ku martay dhammaan xafiisyada Xarunta Dabdemiska iyadoo mid mid u soo martay halkaasna ay ku soo dhoweeyeen dhamana Madax qaybeedada ciidanka Dabdemiska Caasimada Hargeysa.

Dhankeeda waxaa iyaduna halkaa hadal qiimo badan ka jeedisay Samsam Cabdi Aadan oo sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay soo dhowayntan ay ciidanku u sameeyeen iyadoo wasiirku tilmaamtay in ciidanka Dabdemsiku miisaaniyadii Wasaaradu u qorshaysay sannadkii hore halkii loogu tala galay iyo wixii loo baahnaa lagu qabtay, waxaana Wasiir Samsam intaa ku dartay in ciidanka Dabdemisku sameeyeen waxqabad muuqda oo la taaban karo muddada ay jireen, waxaana wasiirku ciidanka dabdemsika kula dardaarantay inay dadaalka halkaa ka sii wadaan isla markaana aanay ka daalin heeganka ay ugu jiraan badbaadinta shacabkooda sidoo kalena waxay Wasiir Samsam ballan qaaday in ay garab taagantahay ciidanka dabdemiska markasataba iyo goor kastaba.

Ugu dambayn waxa kulan gaara Wasiirka la qaatay Maamulka ciidanka Dabdemsika iyadoo kulankaasina uu daarana sii xoojinta xidhiidhka wada shaqayn ee ka dhaxeeya Wasaarada Maaliyadda iyo Ciidanka Dabdemiska Hargeysa.

Maaha markii ugu horaysay ee masuuliyiinta xukuumadu booqashooyin ku yimaadaan Xarunta Dabdemsika balse waxa booqashooyin kala dambeeyay ku yimi xarunta Wasiiro, Badhasaabo iyo Masuuliyiin kale oo u dambeeyay Badhasaabka Gobolka Saaxil oo hal maalin ka hor Booqasho ku yimi Xarunta Ciidanka Dabdemiska.

bandhige@gmail.com