Masar: Haween suxufiyiin ah oo shaqada laga joojiyey kadib markii ay cayileen

Gudoomiyaha Idaacada Iyo Televisionka dalka Masar Hayfaa Xijaazi ayaa mudo bil ah shaqada ka joojisay 8 gabdhood oo ka mid weriyeyaasha ka howgala Idaacada Iyo TVga Masar sababo la xidhiidha cayilkeeda ama misaankooda hilib badani fuulay.

Sida ay sheegtay warbixinta Masar go’aanka ka soo baxay Hayfaa Xijaazi oo ah haweenayda madax ka ah guddiga Idaacada Iyo TVga Masarida ayaa dhigaya in muddo bil ah gabdhaasi shaqada laga joojiyay iyadoo mudadaasiina loo qabtay in ay ku dhimmaan miisaankooda si ay u noqdaan kuwa ku haboon in ay ka soo muqdaan shaashada TVga.

Talaabadan gabdhaha shaqada looga joojiyay ayaa waxa cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha waxaana ay ku baaqeen in arrinkaasi laga laabto.

Arrinkan ayaa waxa uu noqonaya mid ay shaqo labaad galiyaan hablaha wariyaha in ay ilaaliyaan miisaankooda, haddii kale shaqada ayey ku waayayaan.

bandhige@gmail.com